|
GEF AAN LA GARAWSAN

Badhtamihii 90kii ayaan gurigayga usoo galab hoyday. Fadhiga markaan imi ayaan markiiba Tv ga daaray,( Teletexte) ka ayaan indhaha marshay. Markaan marayey wararka dhaqaalaha ayaa qodobka u horeeyay wuxuu ahaa shirkada baabuurta ee Peugeot ayaa 150kun oo gaadhi daafaha dunida kalasoo noqonaysa, kuwaas oo qalab ku xidhan joojiyahu xun yahay halisna ku ah dadka wata. Maalinkaas waxaan isku dayay inaan ogaado waxa ku kalifa shirkadaha waawayn inay raali geliyaan macaamiishooda. Dabcan dunida horuumartay waxaa jira ururo u dooda dadka waxa gadanaya, kuwaas oo si ba'an u weerara halisna gelin kara dhaqaalahooda, iyadoo warbaahintuna qaadaa dhigto qaladka shirkadahaasi galaan. Waxaa xusid mudan dadka wararka la socda inay ina soo martay xoolaha nool ee Ingiriiska oo la mamnuucay, cabitaanka kokada, digaaga iyo ukuntooda,caanaha Shiinaha, Toyota oo iyadna qasaare ba'ani gaadhay iyo kuawa kale oo badan. Dulucda hadalkayga haddaan hoos u dego, dadka waxay awood u lee yihiin inay dadka kale ee sidooda ah ku yidhaahdaan wax qaladaad samayseen. Ganacsatduna markasta raali gelinbay ka bixiyaan,iyagoo balan qaada inay samaynayaan qalab ama cuno tayo leh oon dhib ku ahayn dadka iyo deegaankaba. Soomaalidu waxaan ka midnahay dadka dunida ku nool. Soomaaliya waxay dawladnimo haysatay 30 sanno, 20kii sanno ee u dambeeyana mashaqo ayay mijaha la geshay.Adduunku wuxuu ku daalay sidii nabad iyo dawlad Soomaaliyeed loo heli lahaa. Waxaa loo maara waayay sidii hal maamul loo samayn lahaa.Iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa ay maamul gobaleedo dhalanayaan, ayaan haddana Soomaaliland oo dawladnimo rabtay loo gacan haadin. Su'aasha meesha taali waa maxaa ku fadhiya arrimaha Soomaalida? Dabcan ninba sibuu u jawaabaa, dadka qaar waxay yidhaadnaan qabyaalad baa qarankii ku fadhida, qabqable dagaalbaa qarash urursanaya, siyaasiin qawlaysataa qorshaha u haysa, ganacsato qaada ma dheregtaa awrka qoorta haysa, aqoonyahan qaldanbaa kursi u qaadhaan gurta, odayaal qaloocaa boqornimo u qoor duubtaa dadkii sii kala qob-qobaya. Maya arintu intaas way ka fogtahoo Itoobiyaa qaladka iska leh, Kiiniyaanagu qaadhaan urursanaysa, Jabuutaa qaar taageersan, Afrikaanbaa na qabsaday, Carrabaa na qasaysa, waa qandaraas UN tu qaadatay, Maraykan iyo Yurub baa qorshaha iska leh iwm. Runtii amuurahan oo dhami way kulmaan, balse gafku intaa wuu ka fog yahay. Sidaan kor ku xusay mar haddii Allah uu siiyay dadka awood ay ku yidhaahdaan kuwa kale sidooda waad qaldan tihiin, dadku awood uma laha inay Allah(SWT) dunida iyo inta ku noolba abuuray ku yidhaahdaan waad qaldantay Subxaana Allah. Waxaa jira dad nabiyada Allah soo diro iyo diimaha ay wataan diida, balse inagu abuurkiisaan diidnay oo nidhi waa qalad, waana gef Soomaali ay wada geshay. Takoorka iyo nolol u quudhi waaga aan beesha Gabooye ku hayno, waa masiibo aan midhaheeda wada guranayno. dhammaanteen waxaan isku raacnay inaynaan dhex gelin, guurkoodu xaaraan yahay, iyadoo gabdhaheena iyo wiilashiiba maanta gaalo iyo afrikaan qurbaha ku guursadaan. Talo inay inala wadaagaan baan diidnay oo siyaasadu waa ka mamnuuc, dad jiraba inay yihiin baan diidanahay, taasoo macneheedu yahay Allah waad ku qasaartay kuwaas abbuurkooda Subxaana Allah. Gefkan waxaa laga hadlay 6dii bilood ee Maxaakiimtu Muqdisho iyo gobolada ku hareeraysan xukumayeen, dabadeed lama hadal qaadin. Haddaba Gabooyaha maxaan ka goynaynaa?. Ummad kasta oo dunida ku dhaqan dad ama degaamo gaara ayay ilbaxnimadu ka soo unkataa, inta kalena way ku fidaa. Sidaan anigu aamin sanahay Gabooyuhu waxay ahaa yeen ilbaxnimadii u horaysay ee Soomaali hesho. Markaan dhammaanteen xoolo dhaqato ahayn , waxay ahaayeen kuwii u horeeyay ee isku daya inay ugaadhsi tegaan, xoolo la'aana noolaan karaan. Waxay isku deyeen inay farsamada gacanta inoo hirgeshaan, iyagoo sameeyey qalabka ay nolosha aadamuhu aasaas ugu baahan tahay. Anigu waxaan ku timaamaa in halka Jarmalku reer Yurub kaga jiro inay Soomaali kaga jiraan. Nasiib darase kama aynaan faa'idin fikirkooda sidii kolba loo casrayn lahaa qoraalona looga reebi lahaa, balse waan caynay oon ku takoornay. Gefkani waa ka dhadhaarka dul dhigay arrimaha Soomaalida, waa ka taleeda dhalaan habaabis ka dhigay, waa halkay ka qudhuntay dawlad nimadii, dadnimadeeniina ku luntay. Maanta waxaan nahay dad aan dunida jirin, meelba loogu roonayn, daaduun baan u dareernay oo dhalinyaradii badda ugu dhinteen, qof iyo qoomiyad midnaba ugama muuqano dhulkaan usoo qaxnay. Walaalayaal xal keliya ayaa inoo bannaan, kaasoo ah toobad keen Allah u toobad keeno, qirano qaladkaan galnay, debi dhaafna Allah wada weydiisano. Walaalaheena intaan dhammaanteen wadajir ugu yeedhno raali gelino, la noolaano, dhex gelno dhaqan iyo guurba. Waa inaan bog cusub u furnaa taariikhda Soomaalida, oo imaashahoodu noqdaa halkay dib uga soo unkato walaalnimadeedii iyo midnimadeenii taasaana sal u ah dadnimadeena iyo dawlad la helaba. Xalkale oo Soomaali u hadhay majiro. Nabad iyo caano. Rashid Barkhad Rennes. france
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Axad, 22/08/10
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|