|
Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Thailand oo ka qeyb gallay bandhig dhaqameed ah "Daawo Sawirada
Kasem Bundit University oo ah mid ka mid ah jaamacadaha ku yaalla dalka Thailand magaala madaxdisa Bangkok ayaa waxa ka dhacday xaflad dhaqameed aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan wadankaas. Kasem Bundit University ayaa ah jaamacada ay ardayda ugu badan Somalida wax ka barata wadankaas dhigtaan,Iyadoo kaalin wax ku ool ahne ay ka qaateen bandhig dhaqameedkaas.
Marti sharaftii kasoo qeybg ashay xafladaam ayaa waxa kamid ahaay safiirada dalalka ChinA,Laos, Kenya iyo dalal kale oo aad u fara badan, sidoo kale waxaa kamid ahay martidii kasoo qeyb gashay Dr ismail Ali oo ah masuul Soomaliyeed waxna ka barta mid kamid ah jaamacadaha ugu caansan ee wadanka, in badana ku sugnaa dalka Thailand, waxa kaloo kasoo qeeyb galay qaar ka mid ah ganacsatada ugu caansan Qaarada Asia oo ka mid ahaa mudane Cali Shire. Gudoomiyaha ardayda Thailand Mudane Abdulkadir Jabriil (Qeys)iyo ururka ardayda SSATHAI kadib diyaar garow xoogan ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar dhaqameed aad u xisa galisay dhamaan daawada yaashii kasoo qeebgalay xafladaas. Ma ahan markii ugu horeeysay ee xaflad ceynkan oo kale ah lagu qabto Kasem Bundit University, balse waa xaflad sanad le ah Iyadoo sanadkana ay ahayd midii ugu xamaasada badneyd, tasooo dadweynihii kasoo qeybgalay ay u wada riyaaqeen. Ugu dambeyntii vice presidentiga Jaamcadda Dr Suwaad Suwandee ayaa mahad celin balaaran u gudbiyay dhamaan ardaydii ka qeeybqadatay bandhigan, gaar ahaan ardayda Somaaliyeed oo uu sheegay in doorkoodu uu ahaa midka kaliya ee lama ilaawaan ku noqon karta bulshadii kasoo qeybgashay xafladaas. |







































