mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

 

BADBADIYA DHALINYARADA  WAA HOGAANKII BARITEE

 


 

ASC WR WB, waxaan  rabaa inaan u gudbiyo  codsi iyo talo  bulshada soomaaliyeed min madax weyne ilaa  qof ama shakhsi cidwalboo magaca soomaali ku abtirsata. Waxana murug igu dhaliya dhalinyarada meel walba ku baaba aysa sida badaha  iyo saxarayaasha,  waxase iiga sii xanuun badan kuwa nolasha lagu gubayo.

 

Waxaa aad ii taabta wadanka south africka sida arxan darada ah ay dhalinyarada soomaaliyeed ula dhaqmaan koley aduunyadu sidaan ahaan meyso oo soomaliya dawlad wey yeelan  markaas  ayanu la xisaabtami doonaa oo la isaga harimaayo dhibic dhiiga oo ka dhacdey muwadin soomaaliyeed. lakin yaa siiyey awooda iyo wakhtiga ay u heleen iney wiilasheena dhiigooda daadiyaan waa anaga siiba madaxda  iyo kaaba qabiilada iyo qof walboo ku shaqo leh  hogaaminta dalka.

 

Waxaan idin leeyahay hooyo dhaaxaa waad gablamiseena  bal dib isugu noqda yaad  dooneysaa inuu ku dhaxlo,  maxaad magaca soomaliyeed u tirtireysaa?  nin walbow wiilka somaalieed ee dhintaa waa kaagii, dhalinyarada somaliyeedna talo aan idin siiyo.  

 

Waa inaad ogaataan inaad tihiin  mustaqbalkii barito odayaashani xiligoodu waa yaryahay ee wax barta, isuna diyariya sidaad shacabkiina u badbadin lahaydeen. 

 

Wadanka dariska ah ee south africkana waxaan leeyahay sidaan idiinku lisney nooguma aydaan hambeyn waayo shaley markaad xornimo doonka ahaydeen umada soomaliyeed wey idinka danqaneysey min madaxweyna ilaa shacabka niyada iyo afkaba waan idinka tageerney.  

 

lakin waa inoo xisaab  dhalinyarada somaliyeed waxaan kaloo talo ku siin lahaa iska daaya tahriibka dhimasho  mar walba waa dhimasho  lakin kala xanuun badan inta dal adan laheyn oo hooyadaa  iyo aabahaa iyo walaalaha iyo daris kaada  midna usan aaskada ka qeyb galeyn  aad bey u xanuun badan tahay.

 

waxaan  aaminsan lahaa intii nin ajnabi ah ku dili lahaa walaalkaa ha ku dilo  hadalkii oo kooban dhalinyaro khatarta aad naftiina qaliga galineysaan iska daaya meeshiina ilaah ku suga ilaah baan  idiin baryeynaa inuu umada somaliyeed bogooda burcad isu mariyo. 

 

soomali walbawna  ogaw wiilka bada ku dhintaa iyo kansaxaraha ku dhintaa iyo kuwa xabsiyada dhexjiifaa inuu naga maqanyahay uu noqon koro xubin bulshada wax u tari karta   ilahay nabad dag daga baan ka baryeynaa.

 

qore NASRA GUULEED

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie