mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

XANUUNNADA MASKAXDA (DHIMIRKA)

 

Sida xanuunnada kale ee jidhka ayaa xanuunnada maskaxduna siyaalo badan qofka ugu dhacaan. Xanuunnada maskaxda weli cabsi baa laga qabaa, waayo khalad baa dad badani ka fahamsan yihiin, waase marxalad laga gudbi karo marka qofka aqoontiisu sii korodhaba. Waxa hadaba loogu bushaaraynayaa qofka maskaxda ka jirran ama qof uu garanayaa xanuunsanayo in dhammaan xanuunnada maskaxda la daaweyn karo. 

 

XANUUNNADA WAAWEYN EE MASKAXDA IYO SIDA lOO DAAWEEYO.  Xanuunnada maskaxda waxa ka mid ah: Schizophrenia (laba-miirre) Xanuunkan oo ka mid ah kuwa ugu daran xanuunnada maskaxdu wuxu saameeyaa 1% dadka reer Canada. Sida dad badani aaminsan yahay, ma aha Schizophrenia qof laba dhaqan leh. Xanuunku wuxu leeyahay astaamo caana oo lagu garto, sida: fikradda/hadalka oo ka qasma qofka, isaga oo aamina wax aan macna samaynayn, arka ama maqla wax aan jirin, iyo isaga oo u dhaqma si aan caadi ahayn.

 

 Xanuunka Schizophrenia wuxu ku dhacaa  labaatan ku dhawaad iyo da’da labaatanka ku jirta. Dadka qaar mar keliya ayuu si xun u qabtaa. Qaarna inta ay nool yihiin marar badan buu qabtaa, laakiin marka aanu hayn noloshoodu waa caadi. Xanuunkani dadka qaar wuxu ka dhigaa sidii wax naafa ah oo aan awood lahayn. Daawada ugu weyn ee xanuunka Schizophrenia waa “anti-psychotic medication.” Dadka qaba jiradan waxa loo gudbiyaa Cusbitaalada, iyo hay’adaha bulshada oo ay ka helaan talo, kana bartaan astaamaha xanuunka.  

 

 Mood Disorders (Baaxaa-deg)   Xanuunnada ka dhasha  Mood Disorders  (Baaxaa-deg) waxey 10% saameeyaan dadweynaha. Sida caadiga ah qof waliba wuxu leeyahay mar ay u fiican tahay iyo mar ay ka xuntahay. Dadkase xanuunnadaas  qabaa si ka xooggan sida caadiga ah bay xilliyada qaar u kacaan ama ay hoos ugu dhacaan, sidaas bayna kaga duwan yihiin dadka kale.  Xanuunka ugu caansan Mood Disorderku waa Depression (Qulub). Qofka qabaana wuxu noqdaa naf nac iyo quus. Astaamaha lagu gartana waxa ka mid ah: isaga oo dareema rajo xumo; beddela habka cunta qaadashada; hurdo xumooda; si joogto ah u daala; ka tamar gaba wixii xiisa gelin lahaa; iyo isaga oo dhimasho iyo isdil fakirkiisu ka dhammaan waayo. Dadka  Manic Depression (is-afuuf) qabaa waxey leeyihiin xilliyo uu qabto oo ay hoos yihiin iyo kuwo ay kacsan yihiin. Marka ay kacsan yihiin waa fara bax oo qas iyo dhibaato ayey dad iyo duunyaba u geystaan, sharcigana way ku xad gudbaan. Anxiety Disorders (cabsi-aan-sal lahayn) Dadka reer Canada 12% buu  xanuunkani saameeyaa.

 

Cabsi baa ka mid ah waxa lagu arko qofka (uu sabab la’aan uga baqo walxo, xayawaanno iyo xaalado aan jirin) iyo firka nax (oo qofku galo xaalad adag oo soo noqnoqonaysa, cabsi iyo astaamo muuqdana leh oo uu xataa neef kudiyo).    Waxa kale ee jira “obsessive-compulsive disorder (waswaas)” oo ah marka qofku waayo awood uu fikradaha iyo falalka uu ku kacayo ee ku soo noqnoqonaya iskaga celiyo.

 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie