MAREEGAHA CUSUB REALTALEEX-SOO DHOWEEYN WANAAGSAN.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay,Naxariis iyo Nabadgelyo SuubaneRasuulkeenii(Muxamed CSW)Korkiisa,Taariikh baal dahab ah ku sharaxaan,gobanimo iyo xoriyad ku saleeysan,halgan geesinimo leh,gumeeysi iyo gun-nimo diid ah,taariikhda qaaradda afrika safka hore lka galay waxaa leh Halyeeyadii Daraawiishta Somaaliyeed iyo Xaruntoodii Taleex.
Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab kana mid ah bahdda Saxaafadda Somaaliyeed qalinkeeygu u taagan tahay danta guud,qaranimadda,illaalinta maqaamka iyo magaca Somaaliyeed,difaaciida Diinteena Xaniifka iyo Ciideena Hooyo qaaliga ah,wacyi-gelinta iyo tusaaleeyn Ummadda,ka talinta iyo ka shaqeeynta Wanaaga, Samaanta,Midnimadda Cadaalada ku dhisan,hanashadda hanaan Dawladnimo oo xaq, Garsoor iyo Cadaalad leh,loona siman yahay,sidoo kalane marna Illaawiin xilka gaar ahaaneed oo iga saaran degaankaayga(Local ahaan)iyo danaha bulshadiisaba, Waxaan halkan si xurmad,maamuus gobeed iyo hanaan sharafeed leh ugu soo dhoweeyn Mareegaha Cusub(WWW.REALTALEEX.com)oo ku soo biiray saxaafada somaliyeed,runtiina xambaarsan ama wata magac qiimo weyn leh,anigoo rajeeynaaya inuu noqdo mid wanaag, Warar sugan,macluumaad faa'iidadeeda leh iyo ku dhaqmida habka saxaafadda wacan lagu yaqaan,asluubta Illaaliya,xurmada dhoowra,anshaxa ku dhaqma,fidno abuurid iyo xumaan ka shaqeeynta ka dheeraada,wixii shareecadeeda Islaamka,dhaqankeena ummadeed iyo xoriyadda iyo xuquuqda dadka illaaliya,mudnaanta koowaadna siiya danta guud iyo Maslaxadda Qarameed iyo mida Daraawiishta SSC,Tallo ahaan ka faa'iideeysa saxaafada Somaaliyeed oo idiinka horeeysay howsha,waayo aragnimo iyo tusaalena ka qaata:- Wanaaga risaaladu leedahay iyo dhaliilaha jira,kana taxadira ku dhicida gododka
Ceebta iyo magac xumadda marwwgaha qaarkood hoysta ama fashiliyeey(Ishaa Macalin ah).
www.realtaleex.com soo dhowaada inshaa Allah mareeg muuqata loo riyaaqo,loona bogo adeegeeda,una maqla magac weyn,mudnaanta gaar ahaaneed leh iyo milgada xarunta xoriyada, Karaamadda iyo Fadhigii Halyeey-Sayid-Maxamed iy geesiyaashii Daraawiishtii Somaaliyeed, sidoo kalle waxaan si xurmadeeda iyo sharafteeda leh uga codsanaayaa guud ahaanba Wababka ama Mareegaha Somaaliyeed gaar ahaan kuwa aan xiriirka dhoow la leeyahay in eey Liiskooda Links u sameeyaan(www.realtaleex.com)sida:-4Somaliwomen,Somaliweyn,Hiiraannet,Cisaleey, Shilaabo,Hadaaftimo,HiiraanPost,Duhur,Hobyoradio,Horufadhi,Allssc,SSCnews,Boocame,Lasanod, Riinji,Sarmaanyo,Nugaalmedia,Ladaneey,Caasimadda,RadiofreeSomalia,Shacabka.
-REALTALEEX GUULEEYSTA-AAMIIN- -Qorre-Ustaad-Xassan Carab-
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
. -NOV-14-2011.
WIXII FAAH FAAHINA NAGaLa SOO XIRIIR,
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|