SANDUUQA TAAKULEEYNTA IYO HORUMARINTA ISPORTIGA SOMAALIYEED
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay,Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena(Muxamed CSW) Magac sharaf iyo maqaam sare leh Somalinimada
laakiin waqtigan dayaan duruufaha jira awgood,garasho xumo Dadkeena iyo
kala daadsananta dhexdeena awgeed(Heer gun-nimo ku suganahay)Alloow,
Is-dhex galka bulshada,ka fogaanshaha waxyaabaha maan-dooriyaaasha ah,mooryaan-nimadda iyo
guud ahaanba dhaqamada lidka ku ah wada jirka iyo iskaashiga dhalinyaradda,sidoo kalle wuxuu
Isportigu dhisaa caqliga dhalinyaradda,lidna kuma ah oo marna ma diidan habka Shareecadeena
Islaamka iyo hanaanka wacan ee dhaqankeena Somaaliyeed,shaki kuma jiro in guud ahaanba qaabkii
iyo hanaankii hogaamineed ee Isportiga Somaaliyeed dumay sida qaab dhismeedkii Dalkeena Hooyo u
dumay biloowgii 91-kii,iyagoo awalba dib u dhac iyo xaalad gaabis jireen,hadaba mudo 21-sano kadib
waxaan oran karaa waxaa soo iftiimaay ama soo yare shaacaaya rajo Isporti iyo dib u soo noolaansho
Xulal Qaran oo metelaaya magaca Somaaliyeed iyo astaanta Calankeena oo ka babanaaya garoomadda
iyo goobaha Isportiga waana arrin farxadeeda leh soo dhoweeyna mudan,hanashada guul iyo u gudbida
heeararka labaad weli waqtigoodi ma aha sida eey ila tahay,Kooxdda Xulka Qaranka Kubada Cagta ayaa
ciyaar labo kulan aheyd la yeelatay dhigeeda Itoobiya,kulankii koowaadna ka dhacay Magaalada Jabuuti
kuna soo dhammaaday bar-bar dhan(0-0)oo aan oran karo waa u guul xulka Somaaliyeed,inkastoo si weyn
looga gacan sareeyeey kulankii labaad oo ka dhacay magaaladda Addis xarunta Itoobiya (5-0)looga badiyeey
Xulkii Qaranka Somaaliyeed oo galabtaas daal,kala daadsanaan iyo deg-deg ka muuqdeey,hadana dhaliil iyo
dhaleeceeyn midna ma mudna,waayo duruufaha jira awgood waxeeyba mudan yihiin amaan iyo bogaadiin
Waa Xul dhalinyar oo aan heeysay waxyaabo badan oo ahamiyadooda leh ama lagama maarmaan ah:-Taakuleyn
Dhaqaalle,Diyaar-garoow ku haboon iyo waqtiba,meelo kala duwan iyo qaabad kala duwan ku dheela iyo mida
ugu muhiimsan oo ah ka Ciidii hooyo oo meesha ka maqan intaas iyo dhibaatooyin kaleba waxeey dhaawac ku
yihiin natiijo dhalinta xulka qaranka,inkastoo xiriirka kubadda cagta Somaaliyeed intii tabartood ah dadaaleen
soo diyaariyeen koox dhalinyaro ah oo meelo badan laga soo ururiyeey(mahad-celin)waxaan ku taageersanahay
Xiriirka dhaliisha iyo cabashadda eey ka muujiyeey maqnaanshaha doorka Xukuumadda Somaaliyeed.
Hadaba anigoo ka mid ahaan jiray bahda saxaafadda Isportiga Somaaliyeed sanadihii 80-kii si weyna u garanaaya
ahamiyada iyo qiimaha Isportigu leeyahay isla markaan indho furan ku arkaayo dhibaatooyin culeeyskooda weyn leh
oo xiligan hor-taagan ama heysta waxaan soo jeediin lahaa(Sameeynta Sanduuqa Taakuleeynta Isportiga Somaliyeed)
oo hadii sida ku haboon looga qeyb qaato noqn karaaya mid door wacan ka ciyaaraha kor u qaadida iyo daboolidda
baahida jirta,isla markaana noqon karaaya mashcuur taaluleeyneed oo heer qaran ah,waxaana cifiryada aduunka ku
dhaqan dad badan oo ka mid ahaa bahdii Isportiga Somaaliyeed oo aan oran karaayo waa shakhsiyaad leh firfircooni
iyo karti dheeraad ah hadii la abaabulo ama iskaashi iyo isku duubni la helo tusaale ahaan:-
-Ustaad-Axmed Cabdi Daahir(Axmed Sheel).
-Ustaad-Maxamed Saalax Axmed(Charless).
-Ustaad-Ex-Wasiir-Maxamed Yuusuf Cabdi.
-Halyeey-Cabdi Bille Cabdi.
-Halyeey-Jaamac Maxamuud Aden(Jaamac Karaaciin).
-Mudane-Ibraahim Maxamed Cali(Shaash).
-Mudane-Axmed Nuur Jeenyo.
-Mudane-Mukhtaar Maxamed Axmed(Mukhtaar Cutti).
-Mudane-Khaliif Shire Riiko.
-Mudane-Muruudi Abati Aba Nuur.
-Mudane-Macalin-Tukke.
-Mudane-Macalin-Sudaani.
-Mudane-Macalin-Giftiin.
-Mudane-Macalin-Shiine Guhaad.
-Mudane-Macalin-Idiris.
-Mudane-Siciid Ceyroow.
-Mudane-Maxamed Ismaaciil.
-Mudane-Shiine.
-Mudane-Daahir Gacameey.
-Mudane-C/Rashiid Yuusuf(C/Rashiid Jeenyo).
-Mudane-Madoobe.
-Mudane-Cabdi-Xawlo.
-Mudane-Axmed Daahir.
-Mudane-Shiikha.
-Mudane-Madaxeey.
-Mudane-Dr-Shaqaaq.
-Mudane-Yaasiin Barafuun.
-Mudane-El-Wasiir-Saciid Qoorsheel.
-Mudane-Xildhibaan-Mowliid Macaani.
-Mudane-Col-Maxamed Faarax.
-Mudane-Dr-Cabdi Calasoow Raagge.
-Mudane-Maxamed Xaaji.
-Mudane-Bille.
-Mudane-Muftiin.
-Mudane-Cadammi.
-Mudane-Cafiif.
-Mudane-Cabdi-qani Jeenyo.
-Mudane-Biriq.
-Mudane-Deysane.
-Mudane-C/Kiim Batroolka.
-Mudane-C/Salaan Ibrahim(Man City).
-Mudane-Adaama.
-Marwo-Diib Jaamac.
-Marwo-Samsam Geelle.
-Marwo-Astur Jaamac(Astur Jeenyo).
-Marwo-Sucaad Horseed.
-Marwo-Xabiibo Qaran.
-Marwo-Rageey.
-Mudane-Cismaan Xalane(Cismaan Xarash).
-Mudane-C/Laahi Nuur Koolamboo-Bahdii Saxaafadda iyo Warbaahinta Isportiga.
-Mudane-Maxamed Axmed Xaaji(Caga).
-Mudane-Axmed Cabdi Nuur.
-Ustaad-Baa-Cakaba.
-Ustaad-Xassan Carab.
-Mudane-Axmed Xassan Cowke.
-Mudane-Cismaan C/Nuur Xaashi.
-Mudane-Muuse Cali.
-Mudane-Najiib.
-Mudane-/Qaadir Macalin Mursal.
-Mudane-Yaasiin Abukor Cariif(Maamulkii).
-Bahdda Isportiga-Leesta.
-Bahdda Isportiga-Birmingham.
-Bahdda Isportiga London(dhoowr Qeybood).
-Bahdda Isportiga Canadda.
-Bahdda Isportiga USA.
-Bahdda Isportiga Sweden.
-Bahdda Isportiga Norway.
-Bahdda Isportiga Holland.
-Bahdda Isportiga Finland.
-Bahdda Isportiga Emaaraadka(UAE).
-Bahdda Isportiga Kenya.
-Badda Isportiga UniverlTV.
-Bahdda Isportiga SomaliChanal.
-Bahdda Isportiga TvRoyal.
-Bahdda Isportiga SomaliSat.
-Bahdda Isportiga TV-ga Qaranka.
-Shebekadaha Isportiga Internetka.
-Shirkadaha Xawaaladaha Somaaliyeed.
-Shirkadaha Isgaarsiinta Somaaliyeed.
-Shirkadaha Diyaaradaha Somaaliyeed(Duulimaadka).
-Bahdda Ganacsatadda Somaaliyeed.
-Xiriirka Kubadda Cagta Somaaliyeed.
(SANDUUQA TAAKULEYNTA ISPORTIGA SOMAALIYEED)
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-NOV-17-2011.
WIXII FAAH FAAHINA NAGaLa SOO XIRIIR, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com |







































