|
Hooyo Soomaaliyeed oo ka xanuunsaneysa ilma galeenka oo baaq u diratay dhamaan shacabka soomaaliyeed.

Halkaan ka dhageyso codka faadumo
Hooyadaan soomaaliyeed oo lagu magacaabo faadumo Cabdulle Xusseen kuna nool magaalada muqdisho ayaa sheegtay in ay ka xanuunsaneyso dhanka ilma galeenka mudo sanado ah hase ahaatee hada uu noqday mid aad u daran xanuunkeeda,taasi oo keentay in ay hurdada ay gabto islamarkaana aaney saxaroonkarin,
“ Waxaa aad bararay qeybta hoose ee jirkeyga minka ayaa banaanka usoo bixi rabo, saxaro warkeed daayee xitaa kaadida ayaan ku dhibanahay oo waxaan markaan kaadi is iraahdaba mudo kadib iga yimaada waxyaabo wasaq un eg gaduud ama cagaar,habeenkii iyo maalinkii oo dhanna waan soo jeedaa” ayay tiri hooyo faadumo.
Hooyadan soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa sheegtay in ay dhaqaatiir dalka ku sugan ay laxiriirtay “Waxaan la xiriiray dhaqaatiir waxayna ii sheegeen in xanuunkeyga aan dalka waxba looga qaban Karin waxay ii sheegeen in dalal ay kamid yihiin Kenya iyo jabuuti laga heli karo qalabka la igu daaween karo,
uur ku jirta iyo kaadi heysta agagaarkooda ayay igu yiraadeen dhaqaatiirta taas ayaana walwal igu reebtay aniga” ayay tiri
Hooyo faaduma ayaa ah qof ka soo jeeda qoys faqiir ah waxayna ahayd hooyo u shaqeysan jirtay caruur ay dhashay oo agoon ah. Ugu dambeentii ayaa hooyo faaadumo cabdulle waxay ka codsatay dhamaan umada muslimka ah gaar ahaan umada soomaaliyeed in ay ku caawiyaan in ay hesho adeeg caafimaad oo deg deg ah Ciidi kaalmeynaysa waxay kala xiriiri karaan numberkeeda oo ah 00252165894720
WIXII FAAH FAAHINA NAGaLa SOO XIRIIR
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|