DHALINTII DHAKAFAAR saneeyd QEYBTII 6 AAD
Ayuub:- Maa shaa allaah runtii xuriyo waxaad ka hadashay ama aad tusaale wacan ka bixisay wax muhiima loona baahnaa in si fiican loo fahmo, waan kuugu raacsanahay sedexda qodob ee aad soo sheegtey, waana mid looga baahan yahay ineey raga ey fahmaan, runtii nolosha macaanideeda waxey imaan marka si wacan labada is qabta ama lamaanaha ah ey ka dhaxeeso isqadarin iyo kala danbeen waloow dumarka qaarkood ey hooskooda ka cararaan ama harkooda waxaa cajiib badan oo waxlala yaaba ah dumarka qaar ayaa wixii loo sheego ama ey maqlaan kula dagaala odeygooda, bal fiiriya hada ka hor waxaa dhacday in wiilaan saxibo nahay gaarigiisa mid u eg oo aan laga garaneen kiisa oo uu lahaa wilkaloo soomaliyeed ayaa meel dukaana hor yaalay markaasey xaaskiisa waxey aragtay gaarigii oo meesha yaalay wiilkii lahaana uu saarnaa, inteey usoo carareesysey ayaa gabarkale kasoo baxdey dukaan kale oo u dhawaa gaarigii ayay fuushay inteeysan soo garin ayuu garigii dhaqaaqay, ayadoo aan waxba hubsan ayay caro jiq la tiri markeey xafadii tagtay oo uu odeygeedi yimid ayay qoorta u gashay anoo kuu jeeda ayaad gabar kale horteyda ku kaxeen ana aan kuusoo cararaayo oo weliba siday alaab culus oo aan is lahaa xafada haku sii marsiiyo, walee ogaaday waxaatahee aqalka igaga bax isii sedex deyda.
dumarku mararka qaarkood waxery ka hinaasi gabdheeda ey dhashay, ey leedahay naa adiga aabahaa ayaa waxwaliba kusoo iibinaayo aniga yaa ii iibin ayadoo asaga ku dhaga hadleeso, hanala yaabina waxaa intaa inoo geesey caqli daro iyo ineey iska dhaadhiciso kuuma soo jeedo, laakin ogaada gabar waliba oo soomaliyeed marwaliba waxey jeceshehey in seygeeda ama jaceelkeeda uu ahaado raga kan ugu sareeyo ama gaariga ugu wacan sito inuu ahaado laakin idinka ragoow waxaad jeceshihiin inaanba aqalka ka bixin meelna aan aadin aad indhaha naga xirtaan halka maree aan soo baxno shakiwaliba oo inagalo idinkaa ugu wacanee adkeesta, dhawaca intiisa badana dhankiinuu ka yimaadaan miyeysan eheen.
karaahiyo eyey noqotay ma dhihi karno waa xaaraanee markeey soo qaado lacagatii hagbada eheed ee odeygii ay gacanta ka saarto ayadoo markaa u sheegeesa waxey sameesey, waxaalaga yabaa inuu asagii cuqdad ka qaado sheedaankana ku abuuro shaki iyo inuu xaaskiisaba u arko quf qayaano badanoo waxkale u qarsoon yihiin, markaasuu lacagtii intuu ka qaado naagkale ku guursan asagoo ayadiina ugu sheekeen beec mushtar ayaan ku sameynayaa, markaaseey markeey maqasho inuu naag kale lacagtii ku guursadey furka tuuran calaancal iyo murugo ku abuurmi, dhawacaa iyo dhibtaa uu reerkii dhisnaa ku baaba ay yaa u sababa, ileen waxaan ognahay oo aan daah inaga saarneen waxuusan ninkaada raali ka eheen asoo ogeen aad sameeysey ineysan wacaneen camal sheedaana ey tahay lacagtii xalaasha eheedna aad ka dhigtay midaan aqalka u wacneenoo burbur u horseedey, dhalin yarooy waxaad ogaataan labada isqaba ama lamaanaha ah midkoodna looma baneen inuu midka kale been u sheego ama wax ka qariyo, waana hubaal in eysan ku liibaaneen, taa dumarka wey u badanyihiin ayagoo isu arkaaya ineey isla wacan yihiin, hadbad ama ayuuto ayaan galayaa caruurtii iyo waalidkiina ey kaabahnyihiin sidee ugu liibaanee?
ayagoo ku fikiraaya aqal wacan ayaad u dhiseesaan oo hanti caruurta u sameeya, caruurtiina ey u liitaan isaagoodii ineey cuqdad ku abuurmeeso caruurtaa waa midaan daah saarneen, caruurta waa nimcada ugu sareeso uu rabi adoomadiisa ku maneesto waana amaano laguula xisaabtamaayo yaa u baneeyey ineey sidataa u galaan, waa tan ugu horeeso ee waajibka kuugu ah in caruurta aad kafarxisid xoolahoodana aad si wacan ugu hagar baxdo niyadana ugu dhisto, soow tey diinteena hataa inagu tiri gabadhaada hadaad dhegaha u duleeliso adoo ay kaatahay inaad dahab u xirto hadeey markeey qaan gaarto ku tiraahdo maxaad hooyoy dhegaha igaaga duleelisey hadaadan cafis kadalban waaxaad ku muteesan ciqaab, yaa kuu amray inaad ku tagri fasho irsaquu rabi ku irsaaqay, waxaa taa kasii daran waxaalaga yaabaa cida deriska kula ah ineey dhiban yihiin ama eysan caruur leheen ama eysan ku filneen waxuu rabi ku irsaaqay, inaad wax laqabtood xaalkooda ogaatana waa mid ey xaq u leeyihiin kamana warheeysid oo ma daryeeshid, ruux aad isu qabiil tihiinoo kaa fogna aad u cararto, sidee rabi kuugu barakeen lacagtaa aad caruurtaadiina kabahdishay deriskaadana ugu kaalmeen, aqalkaa miyuu taagnaan ineey caruurtii marin habaabayaan soow macada, lacagtaa in liiskaaga hor imaan cuqdadna keeni reer badana ey ku baaba een madaahbaa inaga saaran, waa inaan fahamnaa dhalinyarooy si aan guurkeena ii mustaqbalkeena wax dhaliila uusan u yeelan. W/qoray Aweys Axmed Abukar
DigniinDhamqaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws). Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso. Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso |





































