|
Geeljireyaal Ka taajiray Qosolkii Mareykanka!
Mar walba markii ay qosol la dhacaan Dawladii Roonald Reegan, waxaa taajiri jirey nin ka mid ah nimankii ay u yaqaaneen doqomada geel jireyaasha (Dumb Camelmen)!
Marka kongareesku wuxuu Roonald Reegan ku xujeeyay in ay iyaga noqdaan ciddii ugu danbeysay ee ogolaato ama diido gargaarkaas, sannad walba. Waxaase la yaab la noqotay Kongareeska sida ay Soomaaliyada sannad walba u soo weydiisaneyso Rasaasta Madaafiicda waaween oo aan la socon baruuda iyo fuyuuska qarxanayo. Waxa keliya ay soo codsanayeen waa qeebta hoose oo ka sameysan maarta. Mar walba markii uu kongareesku eego gargaarka hubka u socdo Soomaaliya waa ay qosli jireen oo waa ay ogolaan jireen iyagoo leh war siiya doqomodaan geeljirayaasha ah, cid ay ku weerari karaan bahalahaan ma jirto, oo mindhaa geeloodey ku maashaan. Laakiin dawladii Soomaaliyeed waxey sameyn jirtay marka uu baxo markabkii keenay $5Million oo gargaarka hubka ahaa, ayey diidiisi jireen martaas oo ay ka iibin jireen wadamada ASIA, sida Hong Kong iyo Taiwan, oo iyagan ka sameyn jiray waxyaabaha maarta oo guryaha lagu qurxisto, sida nalalka sharaxaada, albaabada qufuladooda, asnaamta maarta ah iyo waxyaabo kale, markaas ayey ka iibin jireen ganacsada yaasha Mareykinka oo iyagana ka sii iibin jirey shacbiga. Haddad arrintaan si fiican u dhuuxdo, waxaad arki kartaa in shacabka Mareykanka xoolohoodi ay dib u soo iibsadeen. Waayo gargaarka uu siiyo Dawlada Mareykanka waddamada sadexaad waa canshuurta laga aruuriyo shacbiga Mareykanka, marka gargaarkii la siiyey Soomaaliya oo ahaa canshuurtii laga qaaday shacabka Mareykanka oo haddana markii ay Soomaaliya ka iibisay maarta Taywaan ama Honk Kong oo ay ka sameeyeen waxyaabo uu u baahan yahay shacabka Mareykanka oo iyaga ay iibsadeen.
Waxaa qoray: Kaltuum Sheikh
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
























Soomaaliyana lacagtaan ay ka heli jireen markii ay iibiyaan gargaarkii uu Mareykanka u keenay, waxay qabeen ayuuto, oo marba nin madax ah baa qaadan jirey oo Millionaire ku noqon jiray. Kongareeska Mareykinka ha qoslo ama ha u maleeyo in ay Soomaalida tahay geeljire aan caqli lahayn, walaalayaal waad u jeedaan kan caqliga leh oo sida runta ah u qoslaya.












