|
MAALMIHII MADOOBAA
acw wr wb waxaan maqaalkaan idiinku soo gudbinayaa sheeko aan ugu magac dararey maalmihii madoobaa akhrista intii awoodada ah bal ila eeg waxay ku bilaabaneysaa sanadihii sideetamaadkii ugbaad waxay ku soo barbaarey
xaafada hodan waxaan dugsiga hoose dhaxe uga baxay duqsigii loogu yeeri jirey kaasabobolaare
waxay ka bilaawdey dugsiga sare cismaan geedi raage xiligaa iyada ah gabar dhalin yaro ah oo iga
qurux baDANI INEY SOOMAALIYA
JOOGTABA MA AAMINSANEYN LAKIN WAA WAXAN QALBIGEYGA KA HELEY WAXAANA LOOGU YEERI KARAA KALSOONI AAN KU QAbey nafteyda waxaa jirey wiil uu noo dhaxeyey xiriir
jaceyl lakin waxan ku jirey xili anan goaan gaari karin oo ahaa xiliga dhalinyaranimo warka yayan kugu
daalina WAXAAN KU BARBAREY GURI ay ku nolaa waalid
intii la doono aad isugu wanaagsanaaaabahay wuxuu ahaa engineer garyaha dhisa naqshadaha sameyaa alaha u naxariisteewuxuu ahaa aabo aad u naxariis badan bara ilmihiisa inan wiilka gabadha ka koreyn in aan cidina cid ku xadgudbin markaan dugsiga sare dhameyey waxaan galey intixaankii
jaamacada waana ku dhacey nasiib daro ka dib waxaan ka mid noqdey ardey loo tababarayey macalinimo oo ku xareysnaa macad loogu magac darey TTI macnihiisuna ahaa techer taratning enstute waxaan wax ku baran jirney luqada englishka waxaan xiriir la sameyey aabaha ilmahayga xilgaa anagoon labadayaduba shaqeysan oo wax aan gacanta ku heysanaa jirinwaxay ahay 1989 dhakhsaba waa meel rabi wax ka wadee eaxaa dhashey curadkenii waxaan hal mar wayey ninkii aan nafteyda ku aanimey bilo badan ka dib
wuxuu igala sooo hadley wadan ka mida wadamada aanu jaarka nahay durbabana waan cafiyey ala dumarku miskiinsanaa wax walba jaceylkaan u qabey baa iga masaxey waxaan ku dhaley curadku xigeenkii nolol aan dooneyn in aan ka sheekeeyo ayaan ku nolaa ha u qadan wax kale inan kaa qarinayo akhriste waxaan ka foganayaa inaan dib u soo
xususto ka bood taawaxaan hadana dhaley gabar ku xigta curad ku xigeenka markaa waxaan noqdey xaas balaaran waxaan isu qirey inan hada joogo cimri wax yaalo badan awal aan ka caroon lahaa baan arkey anoo u arka caadi warka yaan kugu daaline yaabka sheekadu haduu bilaabanayaa xaajigeygii sanad markuu ii kordhaba asagana sanad baa ka
go aya cimrigiisa dhaqan ahaan iyo jir ahaanba waayo aduunba iskuma dhibo waxan dhakhtar ka maqley qofka aan fakarini ma gaboobo waase qirey taa waayo waxaan arkey ninkii aan nolasha isla bilowney oo aana isku fasalka ahayn oo u muuqda inaan anigu dhaleywaan soo dhoofey waxaan imi wadan ka mida wadamadaas yurub waxaan ku nolaa mudo 3sanadood halka odeygeygii uu afrika jiro ka dib dhibaato badan iyo layman badanoo qarxey waa soo galey waxaan arkey wax iga yaabiya ileyn bini adan waa is badalaa ninkii oo naagtuu arkaba ay naagtiisa tahay xalaal hada ma ahan waa xaran aad baan u dhibsan jirey lakin wali goaan kama garin naf wax jecel xad ma lahee waxaan hoosta ka ooyaba habeenkii wuxuu u qayilaad btagaa magaalooyin kale halka ana aan baburkii soo guuxaba aan isaga moodayo oon daaqada taaganahay habeen waxaa dhacdey inuu baxay galabtii sidii caadadiisa ahayd uuna habeenkii yoo dhan
iman ina soo wicin markaan anigu wacana mesege baa ku xirantelkiisa waaga ii baryey sidaan rajo uun ugu jirey een isu lahaa wuu iman subaxii 5tii subaxnimo ayuu yimi markaan arkey ayaan iska calool xumaddey waayo maba i oga inan soo jedey xaley oo dhan waxan hadal ka bilabey maxaa kugu dhacey xaley oo dhan maan seexan sidaan ku sugayey wuxuuigu jawaabey maxaa kugu dhacey maad iska seexatid laba kala baridey kala war la maalintaa ayaan markaan salatul duxada
tukanayey ku darey 2ragcadood oo salatul istaqaaro ah oon rabi ka baryey in uu qalbigeyga iiga
saaro samadaa furneydee ilahay waa ii aqbaley ka bilow maalintaa ilaa iyo hada waxaan kula noolahay ninkeyna jaceyl la aan maan aaminsaneyn awal in la noolaan karo jaceyl la aantiis dan uun baan ula noolaa waxaan ka soo gurey wadankaan ku noleyn
waxaan u soo guurney wadan kale odeygeygu hada wuxuu leeyahay 3ilaa 4 meelood oo mafrash ama meelaha qaadka lagu cuno ah wuxuu maqnadaa 3 ilaa 4 cisho ama ka badanba waxaan la noolahay ilmahayga oon weheshadaa hadana waxaan isu arkaa qof la iloobey oo aan farxad looguba tala galin farxad maba anan arag hadan dhaho danbi iga soo
garimaayosaa maba arage guriga markuu daalo kaliyuu yimadaa markuu nastana wuu sii socdaa su aal aan idiin weydiyee dadaw ma qof loogu tala galey cimrigiisa inuu murug ku nooladaa jira miyaan bini adanka rabi ugu tala galin maal farxaded iyo maalmo murugo hada waan gaboobey kolewy hada farxad iney ii dhiman tahay ma moodo
wey socotaa qore nasra guuleed This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|





































