|
Fanaanka weyn ee Axmed Cali Cigaal oo maanta soo gaaray dalka Malaysia “Daawo Sawirada
Hobolka magaca baxay ee Axmed Cali Cigaal ayaa wuxuu maanta soo gaaray caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, iyadoo si kal iyo laab leh ay u soo dhaweeyeen Somalida ku dhaqan dalkaasi. Fanaanka ayaa waxaa maanta si kal iyo laab leh loogu soo dhaweeyay magaaladda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, iyadoo xilligii uu garoonka dayuuradaha ee KLIA uu kasoo dagaayay ee garoonka ku sugayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan dalka Malaysia. Intii uu Axmed Cali Cigaal uu ku sugnaa garoonka dayuuradaha ee KLIA ayaa wuxuu goobtaasi uu kula hadlay warbaahinta, isagoo daboolka ka qaaday in uu dalka Malaysia uu ku qaban doono bandhig faneed, isla-markaana wuxuu qeexay in uu si hagar la’aaneed uu waqtigiisu ula qaadan doono bulshada Somaliyeed ee ku nool qeybaha kala gedisan ee dalka Malaysia.
Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dalka Malaysia uu ku sugnaan doono muddo todobaad ah, mudadaasi todobaadka ah ayaa wuxuu balan qaaday in uu dalka Malaysia uu ku qaban doono bandhig faneed wanaagsan oo soo jiidan kara buu yiri Soomaalida Malaysia. Dhanka kale wuxuu mahad-celin balaaran uu u jeediyay dhamaan qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee garoonka dayuuradaha kusoo dhaweesay, wuxuuna xusay in’ay maanta u tahay maalin weyn, isagoo taasi sabab uga dhigay sida wanaagsan ay u soo dhaweeyeen Soomaalida ku dhaqan dalka Malaysia.
Soomaalida ku nool dalka Malaysia ayaa waxay maanta hobolka weyn ee Axmed Cali Cigaal ay dareen siiyeen taageerida xoogga leh ay u hayaan dhamaan fanaantiinta Soomaaliyeed, oo maanta ku kala firirsan dacalada caalamka. Xasan Cadde Kuala Lumpur, Malaysia This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |







































