mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

MAAMA QAALI Q9AAD

 

Intaa markeey isdhaafsadeen eyey soo kala tageen sadiiq iyo fardoowsa waa laba dhalinyaro oo aad ii aad isu jecel jaceelkoodana ku ran sheegaaya fardoowsa malintii ayadoo fikireeysa eyey timid aqalkooda galbihii casarkii eyey waxey u tagtay saxaibteed shamso si ey ula tashato,

 

Fardoowsa:-   Abaayooy shamso arin aad u adag ayaa I heysata oo aan  waxaan ka sameeyo aanan garaneen, in mudana aan kaligeey ku mashquulsanaa.

 

Shamso:-   Waa maxey arinta ku heysata aduunyada wax kaa maqan malahan waxaad ka dhalatay reer iska ladan ilaahna u nimceeyey aabahaa waxaad ka codsato markiiba gacanta ayuu kaasaaraa  maxaa ku haaya waayaabee.

 

Fardoowsa:- Abaayooy arintaa sidaa moodo maahan reerkeygana anaa kaa aqaan waa reer ilaaheye xaaldooda ogyahay abaayooy, waxaan is jeclnahay wiil xafadeyda degen oo kirish booya aad ayana u jeclahay waa wiil maskiinoo runtii karti leh, hadeey reerkeyga iigu maqlaana waan hubaa in wiilkaa dhawac halis ah loo geesan oo reerkeyga waxey ku dhaqmaan ama ay ka danbeeyaan oo lafaha ka gashay wax layiraahdo afaaro qabiil war hataa liima ogola inaan lasocdo cidaan qabiil keyga eheen oo wadankana waxaas lagama yaqaano ha fiirin reer keyga qosolka iyo filinka beenta ah ey u matalayaan dadka deriska inala ah waloow deriska aanan ilaahada wax xumaan naga tirsaneen.

 

Shamso:- Abaayooy waxaad ku hadleeso ee reerkaada aad ka sheegeeso makaa dhab baa mise jaceelka aad wiilkaan u qabto dartii ayaa reerka saa ugu galee ileen waalidku marwaliba ixtiraam gaara ayuu leeyahay waana darajo rabi gaarsiiyoo ey muteesteenee.

Fardoowsa:- Wallee waa iga dhab waxaan xasuustaa wiil ey is jeclaadeen gabar uu adeer keydhalay aad ii aadna isku jeclaayeen markeey u bandhigtay aabaheed in ey wiilkaa is rabaan, in wiilkii habeenimo ciidan loo diray aqalkooda lagala baxay ayaa xaniinyaha latiray si xuna loo galay asagoo denbi aan jirin dusha laga saaray markii danbana liiska soo daayay markii raganimadiisii latiray siduu u xanuunsanaa ayuu saa ku dhintay dadkaa naxariista daran ee is mahdiyay ayaan kadhashay wiilkaan aan jeclahayna marabo in xumaan yar loo geesto ee abayooy maxaad igula talin leheed

 

Shamso:-   Subxaanalaah miyeysan ilaah kabaqeen, miyeysan ogeen in malin alla hortiisa latagaayoo nafna aan nafta kale loogu hiilineen, maskiin ilaahoow u naxariiso

Hadaba idhageeso abaayooy wiilkaan waa wiil danyara xoogiisa ayuu ku shaqeestaa reerihiisa saad ii sheegtey halkaan madegena ee abaayooy dhaawac ha u geesanee iska daa waad ogathay dadka kaa danbeeyee, mase ogyahay inaad jeceshay.

 

Fardoowsa:-   Haa abaayo waan u sheegtey waana ogyahay waana iigu raacey markaan kulmeenana cidina inama oga intaan iskuulka kasoo noqdo ayaan xafaduu degenmyahay ugu imaadaa anoo wejiga qarsanaaya maamlmaha uu fasaxa yahay runtiina aad ayuu asna ii jecel yahay waxuuba ku hanweenyahay in uu reerkeyga iga soo doonto.

 

Shamso:- Hadaba talo  ku siiyo waxaa taagantahay meel aan dhana looga dhaqaaqi kareen marba haduu wiilkaa ogyahay asna ku jecelyahay uu u hanweenyahay in reerkaada kaa doonto waa warmoogee  adoon cidina ku ogeen inaad wiilka is raacdaan soo meherso oo sheekada reerka dhankale ka tusi laga yaabo hadeey ogaadaan inuu wiilka xil mudanyahay reerka inaan waxba loo geesanee markaa kadib oo aad in mudo saa isku qabtaan usheeg sheekada saa haku soo banaanbaxdo ayadoo weliba odayaal waxgaradoo ey deriskana ku jiraan u tagaaya aabahaa.

 

Fardoowsa:-   Waa figarad fiican shamsooy adna macaaneey waxaan kaa codsan amaano weeye waxaan kuugu qarsadee dhoor ama ilaali oo weligaa yaanan afkaada laga maqlin, waana iraaceesaa malinta aan isa soo meher seneeno waxaatahay ruux aan iloobi kareen weliba hada jaanis fiican ayaan heystaayoo aabo ii hooyo wey tagayaan abaa aqoon kororsi oo shan isbuuca ayaa loogu diray wadanka ruushka habeendaneb eyey baxaayaan isla malinta khamiista waan israaceenaa hoowsha waan soo dhameeneenaa.

Lasoco wiiga xiga iyo taxana heenii ahaa

MAAMA QAALI

Waxaa qoray Aweys axmed abukar

 

 

 

DiGNIIN

 

Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.

 

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie