mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska “Dhacdo Naxdin Leh

 

Dhacdadaan oo mid naxdin leh ah ayaa waxay ka dhacday magaaladda London ee cariga dalka Ingiriiska, iyadoo ay dhex martay qoys Soomaaliyeed oo in muddo ah ku wada noollaa dalkaasi.

 

Qoyskaan ayaa waxay ka koobnaayeen lamaane isqabay iyo seddex caruur ah oo ay isu dhalleen, iyadoo marwada la-qabay ay ahayd guri joogto, halka ninka qabaana uu ahaa mid qosykiisa u soo shaqeeya.

Marwada la-qabo ayaa waxay ahayd mid dhib badan oo aallaaba dhibaato fara ba’an ku heysa saygeeda “ninkeeda” oo isna ahaa nin dul qaad badan, isagoo wax kasta ugu sabri jiray marwada uu qabo, caruurta yar yar ay u dhashay awgeed..

Muddo fara-badan markii ay dhibaatada ku heysay ayaa waxaa la-sheegay in habeen habeenada kamid ah, isagoo ka yimid shaqo, halkii ay ka nasin laheyd ayaa waxay ku bilowday buuq iyo sawaxan xoogan, iyadoo ku dhagtay farqaha waxayna soo qaadatay tooreey, iyadoo wacad ku martay in’ay isaga gellin doonto amaba ay iyadu is-dilli doonto, waa haddii uusan furin’e.

 

Markii ay xaaladda isku cakir matay ayaa wuxuu xal uu u arkay in uu iska furo, balse inta uusan furin ayaa wuxuu ku yiri hadal xanuun badan, kaasoo ahaa “Reerkayna oo maanta dhisan ayaa bur burisay, dhib kasta oo aad igu sameysana waan kuugu sabri jiray, haddii ay maanta awood igu leedahay igu fur waan ku furaayaa, balse waxaad ogaataa in’aan farqaha kuugu dhagi doono maalinta Alle la-hor taagan yahay, oo aysan maal, caruur, iyo wax kasta aysan waxba tareyn, ilaa ruux wanaagsan oo wanaag la-yimid maahee”, isla-markiina goobtaasi ayuu ku furay.

Wuxuu iskaga soo tagay gurigii uu joogay, wuxuuna doonaayay in uu iskaga soo taggo magaaladda Lodon oo dhan, hase ahaatee waxaa la-sheegay intii uu wadada uu kusii jiray isagoo cariisan, in uu gallay shil, deetana uu halkaasi ku dhintay.

 

Geeridiisa ayaa waxaa maqashay haweeneydii ay kala tageen, iyadoo dhawr cisho ah ku jirtay koomo, waxaana la-sheegay in’ay ku calaa-cashay hadalkii uu ku yiri, ninkii iyada qabay ee ahaa” “Reerkayna oo maanta dhisan ayaa bur burisay, dhib kasta oo aad igu sameysana waan kuugu sabri jiray, haddii ay maanta awood igu leedahay igu fur waan ku furaayaa, balse waxaad ogaataa in’aan farqaha kuugu dhagi doono maalinta Alle la-hor taagan yahay, oo aysan maal, caruur, iyo wax kasta aysan waxba tareyn, ilaa ruux wanaagsan oo wanaag la-yimid maahee”,

 

Xasan Cadde

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie