mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

MAAMA QAALI 

Qeybtii 10aad

Fardoowsa sidii ayaan  ku dhaqaaqey oo aniga iyo Sadiiq waan isa soo meher saney ayadoon cidina ogeen shamso mooyaanee  khadar eebe ayaa meesha ka socdee  habeenkii ugu horeeyey ee aan isu tagno sadiiq uur ayaan u qaadey oo aad ii aad ugu xanuunsaday waxaan isla garaney sadiiq si reerka eysan u fahmin inaan aado eedadeey oo degen balad xaawo halkaana aan in muda ah ku maqnaado waayo eedadeey waxey eheed islaan iimaanlahoo aadamiga u simanyahay.

Waxaan rerekeeygii ka codsaday inaan aado eedadeey oo aay halkaa waxbarasha deeyda ku soo dhameesato abaheey markiiba wuu iga ogolaadey oo waxaa lii diray eedadeey,

Sadiiq shaqadisii ayuu iska watay mudo kadib eyaan waxaan dhalay gabar waxaa runtii aad ii aad igu adkaaday sidaan reerihii ula socod siin lahaa waxaan sheekada usheegey eedadeey oo marwaliba I waanineysey niyada ii dhiseysey ahna ruux ii maan lahoo ilaah aaminsan jaceelkeygana igu garab siineysey

Fardoowsa:- Eedooy arintaan sideen ka yeelaa abana haduu iigu maqalo nafteyda ayaan waayayaa anigu saan mafileen waxuu go aan keyga ahaa inaan odayaal udiroon saa ugu shegeo anigoo reerka dhana ugu bixin laakin uurkaan ayaa si degdeg ku yimid ee maxaan sameeyaa eedooy

Eedo siraad:- Gabadheydiyeey anigu walalakeey waan aqaanaa oo wax naxariisa malahan waa hubaal in uu adiga ku dhaawici wiilka kuqabana naftiisa uu ween ama noloshiisa uu ku dhameesan sariir, waloow nafwaliba waxuu ilaah u qoray eysan gafeen. Eedooy aniga waxaa iga talo ah gabadhaan aniga aan kuu koriyo oo adiga ku laabo xafadii raadi wiilkii aad is aqbteen soona ka xeeso oo inta kuwada noolaada ama gurya aan kuleeyahay keenya idin dejiyo, intuu garmaqaatahaa ila dhashay dhaawac idin geesan lahaa.

Fardoowsa:- Eedo shukarn waa figrad fiican waxaanse jeclaan lahaa inaan gabadhayda ka tagin si uu aabaheed u arko aan u geeyo ey asaga xafadiisa ay sii joogto ana reerihii aan soo kormeero gabadheydana aan saa ku ogaado ileen abaheed wuu daryeeliyee markaan sedex isbuuc saa ku joogana aan reeraha iraahdo waan labanayaa saa aan isku soo raacno odeygeeyga asagoo waxwaliba og.

Eedo siraad:- Eedo waan kuugu raacsanhay waloow anaga aan iska hadleeno hadana waxii qoran lama gafaayo ilaah hakaa xijaabo intaad siisacto ee markaad tagto markiiba waxaad raadiaa wiilkii ku qabey madaxana duubo oo yaan lagu fahmin adoo gabadha wada marnana hatagin xafadiina ana waan kuu soo duceen isha alaah waxba arki meysid

Sidaa ayaan kusoo tagay anigoo gabadheeyda aad ugu faraxsan kuna sii faraxsan sadiiq markuu arko gabadhiisa suu noqon doono anigoo sanad wax war ah aan kaheen sadiiq.

Gaarigii aan saarnaa ayaa magalada waxuu soo galay goor habeena sacada ey tahay todabadii habeenimo oo markaa salaadii cishaha lagu jiro markiiba waxaan soo abaaray xafadaan ku ogaa sadiiq xafadii markaan imid ayaa la ii sheegey in xafada uu ka guuray shaqadiina joojiyay oo gaarigii ninkii lahaa iska iibiyay saana ugu guuray xafada

Talo ayaa iga wareertay dhan aan abaarana waan garan weyey waxaan iska daba wareego oo habeenkii oodhan socod aanan garanen meel aan abaaro kujira ayaa waxaa liigu adaamay salaadii subax anigoo ilmeynaaya kana baqaaya in laygu soo wada toosoo lay arko ayaan gabadheydii intaan si fiican u xir xiray aan agdhigay maama qaali gurigaada agtiisa,  saa uguma fogaan oo meelaan ka arki karo ayaan iska fariisatay

Halkeey gii kama aan kicin oo daqiiqad yar kadib ayaad soo baxdey gabadheydiina halkii ka qaadey anoon dhana u dhaqaqin aadna u qar qaryoonaaya ayaan waxaan halkii fadhiyay ilaa aad ka geeso saldhiga oo aad soo cesheto markaad saldhigii kabaxdey ayaan ana kuu daba maray weediyay waxaay ku yiraahdeen waxeyna ii sheegen in adiga laguu sharciyeeyey anigoo nafta iigu soo noqotay ogaadeyna gabadheyda ineey guri nabad heshey ayaan

aqalkaan ka dhashay ku laabtay anoo daalan naftana I heyso nasaheygana caano ka da ayaan

 

Lasoco wiiga xiga iyo taxana heenii ahaa

MAAMA QAALI

Waxaa qoray Aweys axmed abukar

 

DiGNIIN

Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen  oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.

 

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie