|
Muhiimada faraxalka ama faradhaqashada ( Handwashin
Wacano wanaagsan dhamaan bahda nagu xidhan waxaynu qormadeena ku qaadaa dhigi doonaa waxa loo yaqaan faraxlka ama faradhaqashada muhimada ay leedahay. Sidoo kale waxaan ku lafa guri doonaa falaxalka, inta qaybood ee loo qaybiyo yo waqtiyada ay lagama maarmaanka tahay is la falaxasho. Faraxalka ama faradhaqashada ayaa ah waxqabad aad muhimad wayn ugu leh caafimaadka iyo nolosha qofka,qoysaska iyo bulshada dhamaanteedba waxa uu leeyahay faiido aynaan kusoo koobi Karin qormadan aadka u kooban balse hadaan wax ka taabano faaiidooyinka faraxalka ayaa waxaa ku horaysay sara u qaadista nadaafada gacmaha, ka hortaga xanuuno ku dhaca faraha iyo gacmaha sida canbaarta ama isnadaamiska, faraxalku waxa uu ka hortaga faafida cuduro badan sida cudurada taabashada lagu kala qaado ( canbaarta, busbuska, juudaanka), iyo dhamaan xanuunada saameeya nolosha qofka ee ay keenaan ili ma aragtay, sidoo kale faraxalka ayaa ah mid kala gooyo ama jara waxa loo yaqaan silsilada cudursidaha. Dhanka kale falaxal ayaa ah dhawr qaybood oo mid waliba u baahan in taxadarkeeda loo sameeyo kuna xidhan waxqabadka loo falaxalanayo. Qaababka falaxalka ayaa kala ah sidatan:-
Sidaa darted waxaa inaga ina quseeya qaabka loo yaqaan community hand washing ama midka ay sameeyaan bulshada dhamaan yar iyo wayn, wiil iyo gabar ayna tahay in lagu baraarujiyo inay bulshadu taaba galiso inay falaxashaan waqtyada ku xusan hoos. Waxaa waajib ah inaad falaxalato adigoo adeegsanaya saabuun,danbas ama ciid waqtiyada:-
Dhamaan waqtiyadan waa inaad falaxalataa adigoo adeegsanaya saabuun, danbas ama ciid gaar ahaan waqtiyada aad taabato ama ay kusoo gaadho saxaro waa lagama maarmaan inaad isticmaasho walxaha kor ku xusan. Waano guud Aqriste kassta waxaanu ka codsanaynaa inuu xaafadiisa ka hirgaliyo falaxalka dhamaan waqtiyada kor ku xusan iyo waqti kasta oo ay munaasib tahay in la falaxasho. Tani waxay muhiim u tahay caafimaadkeena, caafimaadka caruuteena iyo kan bulshadeena. W/Q:- Abdirisak Abdirihman ( Cadceed Yare) |





































