mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

         MAAMA QAALI

                                                               Qeybtii 8aad

 

Mama qaali:-   Haye bal is yara daji oo ilaahna u laabo oo ilinta waxa kaa keeney ee aadan hadana ey kuugu adagtahay inaadan ii sheegi kareen waxey tahay isku day inaad I fahamsiiso waxuu alle qadaray lama gafo dad islaamoo ineey isu gargaaraan lafarayna waaynu nahay ee sidee wax u jiraan ii sheeg.

Sadiiq:-   Runtii waa arin murugo iyo ciil badan ayadoo wadanka sidatan uu yahay ee nafta bini aaadanka noqotay waxaan micna ku fadhin ee ruuxwaliba waxaan waxba eheen lagu dilaayo anagoo og waxa sacadaan ina keeney xafadaada maahan mid fududoo aan markiiba afka soo marin karno  hasa ahaatee waxaan jeclaan lahaa inaan   bal marka hore kaaga sheekeeno tariiqdii iyo sideey wax u dheceen dhibkaa maanta in heysta inoo geestey inaan kaga sheekeeno mooyee si kale kuguma soo bandhigi karno.

Maama qaali:-  Bal labadiinaba ilin ayaa idinka socotoo indhiinii wada caseeyee  bal sideey wax u dhecen ii sheega adaa nin rag ehee bal tariiqda aad sheegeeso igaga soo bilaaw.

     Waxaa albaabka kasoo gashay qamar oo sidey shaah ey usoo karidey martidaa, markaasey aragtay labadaan qufood oo ilinta ka socoto maama qaalina ay yaaban tahay aydoon wax kalamad oron oo yaaban inteey mama qaali wejiga ka dhunkatay sida caadada u eheed qamar marwaliba ey aqalka kabaxeeso ii markeey timaado iyo markeey sexaneesaba ayadoon hooyadeed dhunkan kuma dhaqaaqdo, marrkaaseey qamar ayadoo yaaban kutiri hooyadeed.

Qamar:-   Maama qaali waan iska sii yara seexanayaa ma waxaad u baahanta hoo aan kuu sameen miyaa jira oo aad ii direeso.

Maama qaali:-   Maya maama orod iska seexo waad daalantahay saakay saad u soo toostey weeyaanee.

     Markeey qamar katagtay ayaa hadalkii waxaa halkii kasii amba qaadey sadiiq

Sadiiq:-   Waxaan ku dhashay gobolka shebeelaha dhexe ee joowhar oo aan waxbara shadeydii dugsiga dhexe ku dhmeestey anigoo yar eyey waalidkeey dhinteen waxaan ka xoogsan jiray halka garawada  ukala safarta gobolada ee magalada joowhar ka dhaqaqaan waxaan in muda ah shaqadaa kujiro markii danbe waxaan bilaaway inaan gaari gawaarida ka mida oo laga leeyahay gobolka banaadir  aan kirish booy ka noqdo oo ka shaqeen jiray joowhar ilaa xamar nolosheydii waxey u soo wareegatay gobolka banaadir degmada xamar jajab.

Ninkii gariga lahaa ayaa aad iga heley oo waxuu ii kiraayay qol xafadaa ku yaalay si fiican ayaan ana shaqadeyda u gudan jiray waxaan is baranay gabadhaan ku hor fadhida ee sidatan u ilmeyneesa shekadeeniina waxey u bilawatan ii barashadeena sidatan.

Sadiiq:-   Fardawso abaayooy in muda ayaan isla soconaa oo aan is aaminay anigu madoonaayo in waalidkaa qalad kaa fahmo ee abaayoy aan waalidkaa ka doonto oo aan is guursano anigu intii awoodeyda ah kaa hagran maayo madaama ay waalidkeey anigoo yar ey dhinteen hadana waxaan ahay ruux karti lahoo xoogiisa caana malanaaya ee maxaad kaqabtaa inaan kusoo raadsado

Fardoowsa:-   Sadiiq aboowe waa arin wanaagsan luguna farxo runtii aniga waan ku jeclahay tabardarina liiskuma naco oo noocwaliba aatahay anaa maanta kuugu jecel waan u jeedaa inaatahay wiil karti lahoo nolashiisa ka adag hadana unugul hoowshii loo darsado bal iga yara sug anaa jawaab aad ku faraxdo kuu keeni haduu alle idmee

Sadiiq:-   Abaayoy mawax dhiba oo dhanka waalidka kaa heysta miyaa jira macaaneey waxaad ogaataa hool waliba waxey u dhacdaa siduu rabi ugu tala galay ee anagoo alihii ina uumay tala saaraneena aan go aan adag wada gaarno.

Fardoowsa:-   Taasi waa run waana amin sanahay macaanoow ilaa beri iga warsug isha alaah faraxad eyey noogu dhamaan anigu ruuxaan adiga eheen madoonaayo mana laga yaabo inaan garxirkeyga u furo.

 

Lasoco wiiga xiga iyo taxana heenii ahaa

   MAAMA QAALI

Waxaa qoray Aweys axmed abukar

 

 

Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.


 




 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie