fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

FADLAN TAAGEERA MURASAHXADDA MRS-CADIGIA ALI
Waxaa mudnaanteeda leh qiimo weyna ku fadhida ka qeyb galka
hanaan siyaasadeed iyo hey'adaha go'aan qaadashada ee ka jira
Dalalka Jaaliyadda Somaaliyeed tirada badan ku leedahay waana
arrin si toos ah u taabaneeysa qaabkooda nolooleed iyo weliba
aayaha mustaqbal ee ubadkooda ama ubadkeena,iyadoo la ogyahay
xaalada jaha-wareer iyo dhibaatooyinka xad dhaafka oo eey la
kulmaan Somaalida qurba jooga hadii eey ku sugan yihiin:-Yurub,
W.Mareeykanka,Austaraaliya,Aasiya iyo Dalalka Afrikaba waana
arrin ku saleeysan midnimo la'aan iyo maqnaanshaha cid codkooda
ku hadasha oo sida ku haboon u metesha(Wakiil dhab ah).

You can help our community by attending Cadigia Ali’s Fundraising Party.

 

Anigoo muwaadin somaaliyeed si weyn u taageera una soo dhoweeya

guud ahaan wanaaga,sama ka talinta iyo wixii danta guud faa'iido

ugu jirto si joogto ahna u tusaale ummadda somaaliyeed uguna baaqa

ahamiyada midnimadda,wada jirka iyo iskaashiga dhexdooda.taageera

talaabo kasta oo dhan toosan loo qaado kana diga xumaanta,dayaca

iyo dhibaatada kala daadsanaantu leedahay(qasaaraheediina si cad

loo arkay),waxaan maanta qormadan ugu talo galay ku dhiirinta iyo

ku taageeridda Mrs-CADIGIA ALI oo u taagan ama isu soo sharaxday

ka mid noqonshada Golaha Degaanka Magaaladda Toronto Canadda una

taagan loolan ama tartanka Xaafada ama aaga:-Ward 2-Etobicke North.

 

 

Waxaan si weyn ugu boorinaayaa jaaliyadda somaaliyeed ku dhaqan ama

degaan degaanka Marwo-Cadigia Ali ka tartameeyso in eey sida ku haboon

taageero buuxda ugu fidiyaan si hagar la'aan ahna ula duubtaan iyagoo

ka duuliyaa ahamiyada doorashadaasu u leedahay jaaliyadan ahaan iyo

in eey si wanaagsan u gartaan mudnaanta guusha Mrs-Cadigia eey ugu

fadhido maadaama eey tahay somaaliyeed fahmeeysa lana socota xaalada

Jaaliyada somaaliyeed(dadka walaalaheed ah)kana dheregsan tahay dhibka

haysta tusaale ahaan:-

 

1-Dhanka Tacliinta.

2-Dhanka Caafimaadka.

3-Dhanka Nabadgelyadda.

4-Dhibaatadda Dhalinyaradda iyo Tacadiyada eey la kulmaan.

5-Cunsuriyadda.

6-Shaqadda.

7-Barbaarinta Ubadka iyo Daryeelka Hooyadda.

8-Sharciga Dalka iyo Xuquuqda Muwaadinka.

9-Guryaha.

10-Dhibaatooyinka Qoyska iyo guud ahaanba dhibka degaankaas ka jira.

 

 

Gunaanadka qormadan gaaban waxaan mar labaad ku boorinaayaa xubnaha

Jaaliyada somaaliyeed ee degaankaas ku dhaqan in eey doorkooda sida

ku haboon u qaadaan iskuna dhiiri geliyaan taageerida iyo cod siinta

Murashaxa somaaliyeed oo magacdeeda iyo sawirkooduba kor ka muuqdo una

taagaan metelaadooda iyo wax ka qabashada dhibaatooynika aan soo xusay

iyo kuwa kale oo jiri karaba,wixii faah-faahin ah waxaad ka heleeysaan

Lifaaqa Sawirka Marwo Cadigia hoostiis ku qoran,sidoo kalle waxaan ugu

baaqi lahaa bahdda warbaahinta somaaliyeed ee magaaladda Toronto iyo

guud ahaan Dalka Canadda in eey gacan ka geeystaan ka qeyb qaadashada

Olollaha tartanka mudnaanta ku haboona siiyaan gudbinta qorshaha iyo

fariinta Murashaxadaas Somaaliyeed anigo og in warbaahin badan oo ku

hadasha afka somaaliga ka jiraan Dalka Canadda weli gaarkood ka mid

yihiin warbaahinta ugu muhiimsan ee somaaliyeed.

 

 

 

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK- 05/09/2010-

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .

 

 
 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie