mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

FADLAN TAAKULEEY UNA GARGAAR WALAALAHEENAHA ABAARTU HEYSO.

 

Alloow Raxmadaada kheyrka leh,Alloow naxariistaada If iyo Aakhiroba,
Alloow gargaaroow gargaarkaaga deg deg ah,Alloow Roob lagu qaboobo,
lagu nasto,lagu Liibaano,lagu Barwaaqoobo,Alloow Badbaadiyoow guud
ahaanba Ummada Muslimiinta gaar ah Somaalida dhiban badbaadi.Aamiin.
7_FEB_2011 copy
Walaalayaal sidii aad iiga barateen ka hadalka arrimo ku saleeysan danta
guud iyo maslaxadda Ummadeed,wacyi gelinta dadweynaha,dhiiri gelinta
wanaagsan,camal kheyrka,hawlaha samafaleed iyo guud ahaan camalka
wanaagsan iyo faa'iidada u leh ummadda,ka digida guud ahaanba waxyaabaha
dhibaatada leh sida-dagaaladda,colaada,naceeybka,kala fogeeynta dadka
Somaaliyeed,qabyaaladda iyo dhammaan dhaqanada xumaanta ku saleeysan,
Hadaba sida aan ducada ugu bilaabay qormadan kooban waxaa si xooligeeda
leh u sii fideeysa abaarihii xaalufisada aheyd oo ka jirteey dalkeena hooyo si
buuxdana u saameeysan guud ahaan dalka sida wararku sheegaayaan joogo
joogayaashuna eey xaqiijinaayaan in xaaladu gobolada qaarkood eey gaarteey
heer dadku u dhintaan gaajo iyo haraad xoolihiina heer dhamaad galeen,arrin
xanuunkeeda leh,culeeyskeeda iyo murugadeedaba.
Walaalayaal Dalkeena hooyo waxaa soo maray
abaaro badan oo magacyo kala duwan loo bixiyeey sida:-Hawaara,Xaraama cune,Daba 
Dheere,Haariya,Gaada weyn,Harga cuna,Baastaaleey iyo Mugweyn iyo kubo kaleba
mida xiligan taagan oo aan weli loo magac bixin ayaa ah mid culeeyskeeda leh si weyna
u xaalufiseey daaqii ama baadkii xoolohu cuni jireen taasoo keentay in reer guuraagu
u haajiraan hadba degaankii eey xoogaa cowsk ah iyo biyo ku maqlaan laakiin markiiba
xooluhu cagta mariyaan,roobkii oo aan xiligiisii intii labo sano ah ayaa si weyn u kordhisay
heerka kuleeylka dhulka iyo biyo la'aanta waa ciqaab ama cadho allah oo adoomada lagu
ganaaxaayo dembi eey la yimaadeen awgeed waayo Raxmaanku daalim ma aha(Roobkii oo
aan waqtigiisii da'iin).
Walaalayaal Jaaliyadda Somaaliyeed ee qurba jooga waxaan halkan
si xurmad leh,naxariis ku dheehaan tahay uga soo jeedinaayaa baaq bani-aadaminimi kuna
saleeysan ka qeyb qaadashada gurmad abaaraha iyadoo laga duulaayo masuuliyada Diineed,
Qarameed iyo Akhlaaqeed oo inaga saaran Dadkeena iyo Dalkeenaba,dareenka bani-aadanimo
iyoy damiirka nool oo qof ahaaneed,garashada baaxada iyo culeeyska abaartu leedahay iyo
dhibaatada weyn oo xanuuneeda leh oo eey ku heeysto Dadweynaha reer guuraaga ah iyo
guud ahaanba Ummada Somaaliyeed waayo miyi iyo magaalo ma kala maarmaan,Walaalyaal
fadlan il-naxariisteed ku eeg sawiradda,qoraaladda,baaqyadda iyo waxyaabaha badan oo leh
Murugada weyn iyo naxdiinta joogtada ah leh,Walaaalayaal qurba joogoow dadku waa ehelkeen,
Walaalaheen,Dalkeena waa Dalkeenii Hooyo markaas waa in eeynu garo oo gudano Masuuliyadeena,
Waxaan halkan amaan iyo bogaadiin qiimaheeda weyn leh uga soo gudbinaayaa Hey'adaha iyo
Dadka gacanta wax ku oolka ah ka geeystay welina ka geeysanaayaa taakuleeynta Dadka iyo
Duunyada abaaruhu hayaan gaar ahaan-Shirkadaha Isgaariinta,Xawaaladaha iyo Qeybo ka mid
ah Jaaliyadda qurba jooga gaar ahaan Haweenka.



-ALLOOW RAXMADAADA.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .
-Feb-07-2011.

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie