mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

Fadlan u gargaara waa wiil yar oo ay ku soo dumeyn guri dabaq ah


Maxamed Bashiir Axmed waa 8 jir  saqiir ah dalkana wax looga qaban waayey xalaadiisa caafimaad, ku dhawaad 4 jeer ayay dhakhaatiirta Amisom iyo Somalida qaliin ku sameeyeen qeybta kaadiheysta jirkiisa ah, ka dib markii isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaala degmada Xamar weyne  uu  ku soo dumey dabaq uu kaga deganaa halkaasi.

 

 

Maxamed mudo 8 saacadood waxaa laga dhex raadinaayey bur burka gurigii dumey, balse markii dambe ee la arkey loona heystey inuu meyd yahay ayuu xubin ka mid ah jirkiisii dhaqaajiyey sidaana waxaa ii sheegtey hooyo Amino Abuukar.

Maxamed oo aan si gaar ah  ula sheekeeystey ayaa ii sheegey inuu ka kaadinaayo  qeybta u dhow saxarada, mararka qaarkoodna ayba ku dhegayaan kaadidii uuna aad ula xanuunsanaayo.

 

Maxamed weli wuxuu ku haminayaa mar un inuu caafimaad ilaah siin doono.

Haddaba walaalayaal maxaynu ka geysan karnaa xaalada caafimaad ee Maxamed Yare.?

Intaa ka dib walaalayaal waxaynu nahay dad walaalo ah, Muslim ah, Somalina ah, sidaa darted ilaah wuxuu na farey inaynu isku naxariisano oo midkeenii inoo baahan aynu u kaalmeeyno si ilaahay uu inoogu naxariisto, ee fadlan waxaynu ku dadaaleynaa inaan u raadino dhakaatiir aqoon wanaagsan u leh xaalka xanuunka badan  ee uu ku sugan yahay Maxamed ee idinkuna nagu gacan siiya dhaqaalihiina iyo weliba fekerka ku aadan dhaktar wanaagsan ee wax ka qaban kara caafimaad darida heysata wiilkaasi yari.

 

Wixii  kaalmo iyo talo ee aad inoo  heysaana walaalayaal waxaan inoogu soo hagaajin kartaan  ciwaanadaani hoosta ku qoran.

Yasmin Mayow Maxamed

Email:  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Phone NO:-002526-5590407

Ama 00252699-410004

Somalia Mogadishu

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie