|
Nasteexo Faarax “Nin la Nool Cudurka HIV/AIDS-ka ayaan u Guursaday Xanaaneynta Gabar oo uu dhalay darteed anigoo qaba Cudurkaas
iyadoo beri lagu wado in adduunka laga xuso maalinta Cudurka HIV/AIDS-ka ee 1-da December ayaa waxaa jira dhacdooyin badan oo la xiriira dadka qaba cudurkaasi, waxaa ugu dambeysay in dhawaan ay is guursadeen Nin iyo Naag la nool cudurka HIV/AIDS-ka, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii ninkaan ay horey Cudurka HIV/AIDS-ka ugu geeriyootay xaaskiisa iyo labo carruur ah oo uu dhalay, waxaa u baaqi noqotay gabar yar oo iyana la nool cudurkaasi.
Nasteexo Faarax Cilmi oo la nool Cudurka HIV/AIDS-ka isla markaana gabadha uu guursatay ninkaan cudurka qaba ayaa iiga waran tahay sababaha keenay in ay guursato ninkaan, waxayna iyadoo laga dheehan karo inay ku faraxsan tahay guurkaani iigu jawaabtay “qofka bini’aadamka ah waxa uu jecel yahay in uu nolosha wax ka dhedhemiyo sidaasi darteed waa run in aan qabo cudurkaan balse waxaan u baahanahay nolol iyo mustaqbal, aniga oo middaas ka walwalsan mudo ayaan is helnay ninkaan oo la nool isna cudurkaan HIV/AIDS-ka, midda kale oo aan ugu dhiiraday guurkaan waxay tahay iyadoo ninkaan ay haystay dhibaato cudurka u dheer maadaama ay xaaskiisii hore ka geeriyootay isla markaana uu haysto gabar yar oo iyana la nool cudurka sidaasi darteed waxaan aad uga naxay xaaladda adag oo uu ku jiro ninkaan oo gabadhiisa yar garan la’ si uu u xanaaneeyo maadaama ay u baahan tahay in mar walba laga war qabo ayna hesho qof u dhigmi kara hooyadeed, aniga oo markaa arrintaan jawaab ka bixinaya ayaan u bandhigay in aan is guursano isna waa uu iga aqbalay”. Nasteexo Faarax oo aad ugu qanacsan nolosheyda hadda ayaa hadalkeeda ku sii dartay “Gabar yar ee uu ninkeygu dhalay waxaa lagu magacaabaa Ubax waxayna hadda jirtaa 3 sano ku dhawaad, runtii aad baan u jeclahay waxaana wada qaadanaa daawo kaalmaati u ah cudurkan, sidaan horey kuugu sheegayna waxa ugu weyn ee igu dhiirageliyey guurkaana waa gabadhaa xanaaneynteeda, aan kuu sii raaciyee aniga cudurkaan waxaan la noolahay mudo 5 sano ah, ilaa iyo haddana wax nuqsaan ah oo igu dhacay ma jirto, inkastoo markii hore ay ehelkeygu I faquuqeen, waxaana markaa kadib gacanta igu dhigay Hay’adda SOPHPA iyo ururka la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee SCAC waxayna I siiyeen meel aan seexdo, cuno, daawo iyo dhamaan wixii tasiilad ah ee aan u baahnaa taas oo iga baabi’isay cuqdadii aan ka qabay cudurkaas, mudo kadibna waxaa dhacday in ehelkeygu ay fahmeen in cudurkaan uu ka mid yahay cudurada bini’aadanka ku dhici kara sidaasna aan dib u midowno”. Nasteexo waa gabar aad u firifrcoon oo geesiyad ah waayo waxay ka mid tahay dadkii yaraa ee ugu horeeyey kuna dhiiraday in ay bulshada u sheegaan in ay cudurkaas la nool yihiin, isla markaana si weyn uga qayb qaadata ka wacyigelinta bulshada ee cudurka HIV/AIDS-ka iyo waliba in aan la faquuqin dadka la nool cudurkaasi, waxayna ka mid tahay dallad ay ku mideysan yihiin dadka la nool cudurkaan oo lagu magacaabo PLHIV kuwaas oo u istaagay in ay wacyigelin ka sameeyaan meelaha ay bulshadu isugu timaado iyo ka qayb-qaadashada siminaarada wacyigelinta ah ee ku aadan Cudurka HIV/AIDS-ka.
Ugu dambeyntii Nasteexo ayaa shacabka ugu baaqday in ay qayb ay kala qaataan koritaanka gabadhaan yar ee dhibaateysan waxayna sheegtay Nasteexo in inta ay nooshahay gacanta ku hayn doonto gabadhaan, haddaba qofkii doonaya in uu gacan u fidiyo gabadhan la nool cudurka AIDS-ka waxay la soo xiriiri karaan cinwaanadaan hoose.
Nasteexo Faarax Cilmi: Tel: 002526215496344 Ama
Amiin Yuusuf Khasaaro: 00252615532494 This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |





































