|
dhaqamada waxyeeleeya caafimadka iyo dhaqaalaha bulshada
wacanoo wanaagsan dhamaan bahda nagu xidhaneey waxaynu qormadeenan kaga hadli doonaa dhaqamada waxyeeleeya caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada, sidaan wada ognahay bulsho kasta oo meel dagan waxay leedahay dhaqan iyo dhaqaale sidoo kale waxay leedahay dhaqan khaldan iyo mid saxan walay aan laga wada sinayn hadaba dalkeena Somalia ayaa waxaa ka jira dhaqamo waxyeelo ba’an u gaystay isla markaana wiiqay xaalada caafimaad iyo dhaqaale ee qaar badan oo kamida bulshadeena. Waxyaabahana waxyeeleeya cafimadka iyo dhaqaalaha bulshada somalied ayaa waxa ka mida sigaarka, qaadka, gudniinka fircooniga iyo khamrada. Dhamaanba dhaqamadan aan kor ku xusnay ayaa ah kuwo wiiqay waxyeelo darana u gaystay dhaqaalaha iyo caafimaadka bulshada. Haddaba waxaa muhiima inaan mid kasta si guud u kor marno sida ay u waxyeeleyan xaalada dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee dadkeena.
Sigaarka ayaa ah midka ugu xun uguna tirada badan ee ay isticmaalan rag tira badan oo Somali ah nasiib wanaagse ah shay aanay isticmaalin hablaha somaliyed isla markaana fadeexad ku ah. Sigaarku waa qiiq aan waxtar lahayn isla markaana u ku baxo ka ganacsigiisa qarash badan oo waxtar u lahaan lahaa bulshada ayaa sidaa kaga luma sidoo kale sigaarka ayaa keena xaalad caafimaad daro oo ay aka mid yihiin kansar ku dhaca sambabka, xiiq, xanuun ku dhaca wadnaha iyo siidoo kale xanuuna badan oo iyana ku dhaca habdhiska neefshada iyo habdhiska dhiig wareega dhiga waana dhibaatoyin ay moog yihiin qaar badanoo kamida bulshada.
Qaadku waa maandooriye xun oo dhibaato weyn ku haya xaalada dhaqan dhaqaale iyo caafimaad ee bulshada. Qaadka ugu badan ee lagu isticmaalo dalkeena ayaa lagasoo galiyaa dalka Ethopia oo aan ognahay inuu yahay cadawgeena koowaad hadaynu nahay bulshada somalied saasay hadana ma jirto wax loogu badalo oo aan ka ahayn lacag cadaana. Waxaa magaalo iyo tuulo kasta oo kamida dalka Somali la keenaa bundado qaada waxaana badalkeeda laga qaadaa jawaano lacaga oo loogusoo badalo qaad taasina waxay wiiqday xaaladda dhaqaale iyo caafimaad ee bulshada. Sidoo kale waxaa cilmi baadhisyo badan lagu ogaaday in qaadku xanuuno badan uu ku keeno dadka cuna xanuunada uu keeno qaadka ayaa ah kuwo aynaan kusoo koobi Karin waxaase ka mida dhibaatooyin uu ku keeno qaybo kamida habdhisyada jidhka sida dheefshiida oo uku keeno qabsin iyo dhuqid la’aan nafaqada jidhka sidoo kale waxa uu waxyeleya xaalada caafimaad ee maskaxda iyo habdhiska kadi marenka.
Gudniinka fircooniga ayaa ah caado iiyo dhaqan xun oo so jireena isla markaana dhibaata ku haysa hablaha somalied waqtiga gabadhnimo iyo kooda hooya nimo gaar ahaan waqtiyada uurka yo dhalmada sidoo kale dhibaatoyinka uu keeno gudniina fricooniga ayaa ah inu xanibo jidka caadada taasina ay cilad ku keento inanta lagu sameyy falkan Sidoo kale gudniinka firconiga ayaa ah mid dinta kazoo hor jeeda danbina ku ah cidii samaynaysa maalinta qiyamana lawaydiin doono sababta loo dhagray loona dulmiyey hablaha soo kacaya Iskusoo wada duubo caadooyinkan aan kusoo xusnay ayaa ah kuwo raad xun ku reebay bulshadeena. Talo Guud Aniga oo ah qoraha maqaalkan waxaan kula talinayaa dhamaan cidda ay qusayso qormadan ee sameeya dhaqamada kor ku xusan inay ka waantooban iskana daayaan maadaama ay yihiin waxyaabo aan ku banaanayn diinteen islamka danbina ah. Adoo ilaalinayaa inaad racdo waxay diinteenu ina farayso. W/Q:- Abdirisak Abdirihman ( Cadceed Yare)
|





































