|
balmaxaa diyaanada gabadh yahay ku daba dhigay
Gabaygan waa gabay ka hadlaya diyaanada oo tiriyey hal abuursomalied gabaygan oo lamagac baxay balmaxaa diyaanada gabadh yahay ku daba dhigay ayaa waxa hal abuurku waxa uu kaga hadlayaa dhibaatada diyaanada isagoo tusale usoo qaadanaya gabadh ay waa is aqoon jireen isla markaana waqti ka dib isticmaashay daawadan waxa kale o uu uga digayaa dhalinta somalied inay iska ilaashaan daawadan hablha isticmaalaa inaanay ku dagin casaan beena ee uu yahaycudur ay hulaaban yihiin hadaba bal aan isaga kiin baxo idinka iyo hal abuurka
Farmashiye daawada Dadku uu ka iib sadoo Aartiste door ihi Al-Islam ku daabacay Dorraad mar aan dhexjoogaa Gabar qurux daraadeed Daymada wejiga hore Daa’uus la moodaa Dalaq iigu soo tiri Salaan debecsan dabaded Dawadaas ma haysaa Ayay tiri dukaankiyo Ninka daaska gadayow Dubkeeday cawarayoo daymada jalleecada Waxaba kulama daahine Durbadiiba waxan iri Haddii aan ditoor qorin Qof kastoo dalbanayaba Degdeg ugama iibshoo Lacag daalib maahiye Doonisteeda garataye waxa ay dawaysiyo Difeetada ay leedahay Ma taqaan dawadatani Ditoor anigu maahiyo Waxa ay dawaysiyo Difeetada ay leedahay Dani igama haysoo Haddaad adigu diiddana Duul iga gadaayoo Doonaaya lacagtaan Daafaha magaalada Degdeg uga helaayaa Ayay ugu danbayntii Jawaab diirran igu tiri Dibna kalafurkeedii Ilkeheeda dabarka leh Inaan deris ahayn beri Intii aan dareemaan Dabadeed waxaan iri Dadkaas kaa gadaayaa Iyagiyo dantoodee Yaynaan taas ku daahine Horta sow dalaystii Ina Daahir maahayn? Dabcan haah ayay tiri Iyaduna docdayday Kaftan diirsimaad loo Waxay debecsan igu tiri Dadka waysu badinaye Miyaa lays dafirayaa? Daqiiqada yar gudohood Dib inta u fekerey-baan Dabaded waxan iri Dalays waa runtaayoo Ilaa dalandalkaagii Dadka waysu badinoo Diraacdii dhoweydee Duunyadu baxaysana Dhiirran dacalladeedi Waataan ka derisnaye Dubkaan kugu aqiin iyo Hadmuu diirki kaa kacay? Intay dib u dhaqaaqdoo Hadba doc iga eegtay Durbadiiba waxay tiri Caku waa danbaysaa Beledkaad dorraad timi Sowtii dad-hore-yiri Doqon iyo habeen baa Madow loogu dawgalay Dubkaan aan caddaystana Daliilkiisi waa kaas!!!!! Dahabiga afkayga ah Intii aan dibnaha furay Ayaan deeto waxan iri Gabaryahay diyaaniyo Daawooyin lagu daray iyo durunafaa baad Dushaadii marmarisoo Dubka sare caddaysoo Dayax soo baxaayiyo Cadceed dacalka dhigatiyo Waagoo dillaaciyo Daliig qaanso roobaad Dushaadii la moodyoo Dalaystaan aqiin iyo Ina daahir maahide Balmaxaa diyaanada Gabaryahay-ku-dabadhigay? Caku loonka doorsama Dubkaagi madobaa Deeq laysa siiyiyo Deyn lays amaahshiyo Diinaarka carabtiyo Doollar laguma helayee Alla dahabsanaayaa!!!! Iblays baase kugu diray Oo doori kugu yiri Raggaa kaaga didayee Dabcigiyo wanaaggii Daayin kuu sameeyiyo Dubkii uu Ilaahay kuu doortay adigaba Haddaad diiddey oo tiri Mid kaloo ka doorroon Ayaan doonanaayaa Diintaadan baranoo Waa kuu damiin-nimo Haddaad calafka doontoo Xoog ku daalibaysiyo Dubkoo layska qaadana Horaa loo diyaarshoo Dadaal laguma gaaree Waa kuu damiir xumo Caku ways dullaysaye Adigiyo duqaagii Arooskiinna dabaded Dadku idinka kala tegey Deriskiyo xigaalkuna Laguu daayey hawshii Dabka yaa bal kuu shidi? Waxa kaaga sii daran Daafaha magaalada Dan haddaad ka leedahay Qorraxduna dab ay tahay Duqu gaari malahoo Danyar reerku weeye Ayaa duhurki kuu socon? Waxaa kaaga sii daran Haddaad ruux`dagaashaan Dakharkii ku gaaraa Dedgdeg uma bogsanayee Xaggeed daawo uga heli? Waxaa kaaga sii daran Wejigii dawaeysoo Majihii ka deysaaye Dubkaagoo ah kalakaan Qaybina daruur tahay Inta kalena dugul tahay Dadku inay arkaayaan Ma dafiri karaysaa? Waxa kaaga sii daran Dubka dhabanku weligii Dayax soo baxaayiyo Daruur haw ekaadee Dibnahaaga madwgii Waakaa ku daahane Dadku yuu la yaabine Maxaan kaga daboolnaa? Waxa kaaga sii daran Dedgdeg midu u geeyoo Isaguna difeetada Dib ka qoomameeyiyo Damanaha ma sheegine Haddii aan dadnimadiyo Dabcigiyo aqoontiyo Loo bogin duntaadii Dubka walalacdiisaas Raggu dooni maayoo Horaa looga soo digey Anna waa ku sii daray Waxa kaaga sii daran Docda reerka xididka ah Iyadoo laguu diray Oo halkay degaanniin Aan durunafaa iyo Daawooyin lagahelin Diyaanadi ad sidatana Kaa dabargo’ ay tahay Dadka waxad dhexjoogtoo Waa dahab la mooddi Danabkeennu guursdey Duqdu ay tiraahdaba Toddobaadyo dabadood Dubkaagii wacnaa iyo Inay daamakaagii U ekaa daruuruhu Dogoba yeelanaayaan Deriskuna dhehaayaan Furuqi la dabarjaray Miyaa dunida soo galay Daawaan is mariyana Dibnaha aadan marin Karin Maygu diiddan tahay taas? Waxaa kaaga sii daran Midabkoo la doorshaa Diinta kuma bannaanee Haddii adan danbowdaye Degdeg toobad soo celin Inuu daayin Eebbuhu Kaa daayo mooyee Naftu waa dabayloo Mar ay duuli ma ogine dabka naarta aakhiro Maw dulqaadanaysaa? Illeyn dhagax dixeed iyo Nin dundumo u qayshadey Isagays-ka daalaye Dalays wanadaydii Qalbigeeda kuma duxin Anna waan ka dabaharay Illeyn diiddey taladee In aan kula dagaalona Qori mayso diintuye Dadweynow dhammaantiin Intaasoo difeeta ah Iyo qaar kasii daran haddii ay dubkoodii Dawadani u leedahay Oo dumarka qaarki Iyo wiilal diinyari Shaydaan u duufsaday Dusha inay marmariyaan Weli door bidaayaan Bal maxaa diyaanada iyo durinafaadiyo Daawooyin jaankaan Dusha lagu caddeeyaba Ubadkeenna dabadhigay? Waynaan dareemine Xayaysiin daraadeed Miyay dollar lacageed Dalalkii sameeyiyo Dibadaha ka qaataan? Culumaa-u’-diinkiyo Dadka waalidkaa iyo Duqowdiyo wax`garadkiyo Aqoonyahan digriiliyo Abwaannadii dalkaygiyo Qof kastoo damiirlow Sidii gabar la doonoo Xidid-keed u dadab galay Haddii wiilki dibad jirey Dhegihii dalooshaday Timihiina loo dabay Dalka gabadhi joogtana Daawooyin marisoo Dubkeedii beddelan yahay Darxumiyo iyo ceeb iyo Dhaqan dooris weeyee Dibadda iyo gudahaba Ubadkeennan doorsamay Mayska daawanaynaa? Diyaanadiyo Riikada Iyo Durunafaadiyo Daawooyin kale oo Dubka lagu beddelayaba Ganacsade dabbaalaa Dibadaha ka keenee Markii dawlad loo helo Halla dabagalaan iri Dareenkayga saan qabo Haddii dunida oo idil Laga waayo dumar kale Gabar durunaafaa iyo Daawooyin marisoo Dubka sare caddaysoo Inta dibadda loo diray Berked dalaq ku soo tiri Ragow yaanay idin dagin.
W/Q:- Abdirisaq Abdirihman Ahmed Under the International copyright laws, no one should copy this story without the permission of the author and 4somaliwomen.com. This execlusive story belongs to 4somaliwomen.com. |





































