mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

 

 

Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

 

Waa barnaamijkii aad inooga barateen  Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.
1-Su’aal Sheeg Tirada Gaaladdii lagu dilay dagaalkii Beder?
1-Jawab: Waxa lagu dilay 70 Gaalo.

2-Su’aal Sheeg Tirada gaaladdii lagu qabtay dagaalkii Beder?
2-Jawab: Waxa lagu qabtay 70 gaalo.
3-Su’aal Sheeg Magaca Khaalib Bin Waliid Hooyaddii?
3-Jawab: Waxa weye Lasmaa Bintu Xaaris.
4-Su’aal Sheeg Magaca C/laahi Binu Makhtuum Hooyaddii?
4-Jawab: Waxa weye Caatika.
5-Su’aal Sheeg Afartii Khulaa’u raashidiin labadii uu Rasuulka (NNKH) Sodoga u ahaa?
5-Jawab: Waxaa weye Cusmaan Bin Cafaan Rc iyo Cali Bin Abii Daalib Rc.
6-Su’aal Sheeg dagaalkii ugu qarashka badnaa ee Adduunka ka dhaca?
6-Jawab: Waa dagaalkii labaad ee Adduunka.
7-Su’aal Sheeg dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee Adduunka ka dhaca?
7-Jawab: Waa dagaalkii labaad ee Adduunka.
8-Su’aal Sheeg Anwar Sadaad magaciisa oo seddexan?
8-Jawab: Waxa weye Maxamed Anwar Al Sadat.
9-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Anwar Sadaad?
9-Jawab: Wuxu dhashay 25 desembar 1918.
10-Su’aal Sheeg goorma ayuu Anwar Sadaad noqday Madaxweynaha dalka Masar?
10-Jawab: Wuxu noqday 1970-kii.
11-Su’aal Sheeg imisa sano ayuu Anwar Sadaad Madaxweyne ka ahaa dalka Masar?
11-Jawab: 11 sano ayuu madaxweyne ka ahaa.
12-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-dilay Anwar Sadaad?
12-Jawab: Waxaa la-dilay 6 oktobar 1981-kii

1-Su’aal Sheeg Salaadii ugu horeysay ee uu Tukaday Nebiga (NNKH)?
2-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay C/laahi Bin Cabaas RC?
3-Su’aal Sheeg Asxaabigii Aabihii dilay dagaalkii weynaa ee Beder?
4-Su’aal Sheeg halkee buu-ku aasan yahay Sheekh Yusuf Al kowneyn?
5-Su’aal Sheeg waa imisa Culeyks Maskaxda Bili’aadamka?
6-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda Bisada (yaan-yuurta).


Jawaabaha waxay kala yihiin”.
1-Jawab: Waa Salaadda Duhur.
2-Jawab: Wuxu dhashay Seddex sano kahor Hijriyadda.
3-Jawab: Asxaabigaas waxaa weeye Abuu Cubeydah Caamir Bin Jaraax Rc.
4-Jawab: Tuuladda Aw-Barkhadle oo u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera.
5-Jawab: Waxa weeye hal kiilo iyo bar (1.5kg).
6-Jawab: Waa 30 garaam (30gr).


Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie