|
TACSIDDA GEERIDA MARXUUM-PROFF-FAARAX XUSEEN GEDLE
Geeridu waa xaq qofna saacadiisa ma dhaafaayo-Allah Naxariistii Jano ha siiyo Aqoonyahan sare Proff-FAARAX XUSEEN GEDLE oo ku geeriyoodeey Dalka USA, Marxuumku wuxuu ka mid ahaan jiray barayaashii Jaamacada Ummadda gaar ahaan Kuliyadda Waxbarashada Lafoole oo uu ka noqday Hormoodka(Dhiinka Kuliyadda).

Marxuum Gedle wuxuu ahaa muwaadin Somaaliyeed oo damiir nool iyo dadnimo sare leh,aqoonyahan dhab ah oo eey ku dheertahay Islaanimada,Somaalinimada iyo u hagar baxa dadkiisa iyo dalkiisaba,Muwaadiin ka reeban tahay guud ahaanba waxyaabaha xumaan iyo naceeybka ku saleeysan,Marxuumku wuxuu ka caan ah Dhaqan wanaagsan,asluub iyo dhiiri gelinta aqoonta,hadana anigoo ku hadlaaya Guud ahaanba Codka Beesha C/Garaad(Qayaad) oo wuu ugu horeeyo Xurmadle- GARAAD CALI BURAALE XASSAN Waxaan halkan tacsi tiiraanyadeeda leh uga gudbineeysaa Qoyskii,Ehelehadii iyo Asxaabtii Marxuum-Proff-Faarax Gedle gaar Ahaan GARAAD-JAAMAC GARAAD CALI Iyo Proff-CALI KHALIIF GALEYR,Anagoo Raxmaanka ka baryeeyna in wuu Marxuumka Janadii ka waraabiyo dhammaanteen Sabir iyo Iimaan inaga siiyo-Aamiiin.
-GEERDIDU WAA XAQ- -Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
. -Feb-15-2011.
|