|
Hooyo Canab Oo Kaalmo Fiican Heshay! Maasha Allaah 
Wakiilka SWACRO ee Hargeisa oo u siinayo gargaar Hooyo Canab waxaa laga joogaa mudo kooban kadib markii webku u bandhigay akhristayaashiisa sharafta leh hooyo kamid ah danyarta xaafada daami ee magaalada hargeisa taas oo haysata caruur agoon ah isla markaana indhoole ah. Haddaba waxaa jawaabo aad u qiimo badan oo waxtar leh ka soo bixiyey bulsha weynta somalida eek u dhaqan dalalka Mareykanka, England, Kuwait, Kuwaas oo kaalmo lacageed u fidiyey hooyo canab isla markaana ka dabooshay baahidii dhaqaale ee ku xeerned qoyskeeda. 
Si kastaba ha ahaate hooyo canab ayaa waxaa kafaalo qaatey nin ehlu kheyr ah oo Alle aanu uuga baryeyno inuu janadiisa galiyo kaas oo u balan qaadey inuu bil kasta u soo dirayo lacag dhan 100$ dollar oo mareykan ah laakiin waxaa uu ka cudur daartey in la xuso magaciisa. Hooyo canab ayaa waxaa loo dhisay suuli ay aad uugu baahney waxaana caruurtii agoonta aheyd loo geeyey Madaras ay ku bartaan diinta Alle iyo Aqoonta kale ee maadiga ah. 
Haddaba hooyo canab ayaa waxaa aanu ka wareysaney dareenkeeda iyo farqiga u dhaqeeya maanta iyo maalintii hore waxaaney hooyo canab ku jawaabtey sidan ee dhageyso iyadoo maqal ah: Allaa Mahad Leh Ugu danbenytiina waxaanu si qiimo iyo sharaf leh uugu mahad celineynaa dhamaan umadii ka qeybqaadatey kaalmadan iyo sadaqadan. Soo diyaarintii: Barkhad jama hirsi Wakiilka SWACRO EE Hargeisa Hargeisa Tell: 002522+4424510 Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|