fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 02 March 2010 22:28

 

 

Fadlan wallaal Alle Dartii Ku Caawi Gabadhan Dhibtu ku Habsatey

قال تعالى :

 (مثل الذين ينفقون أموالهم  في سبيل الله كمثل حبة أنبتت سبع سنابل  في كل سنبلة مئة حبة والله يضاعف لمن يشاء والله واسع عليم)

 

 

Shugri Axmed Xaashi waa gabadh aad uula dhiban xanuun kaga habsadey dhinaca cunaha iyo qoorta shugri waxa ay kamid tahay danyarta degan magaalada hargeisa gaar ahaan xaafada daami isla markaana shugri waxa ay ka soo jeedaa qoys aan awoodooda dhaqaale u saamaxeynin iney geeyaan cusbitaal dibada ah iyadoo dhakhaatiirta dalku u sheegeen inaan waxba lagaga qaban kareyn dalka gudihiisa dibada mooye.

Haddaba shugri waxaa xanuunkeedan u dheer takoor ay kala kulantey dadkii ay dariska ahaayeen iyadoo caruurtu marka ay u booqato lagaga qeylinayo oo laleeyahay ha u tagina ee ka joogaa iyo erayo kale oo dhib kaga tagey qalbigeeda.

 

Shugri ayaa waxaan ku booqdey gurigeeda waxaanan weydiiyey su.aalo waxaana isla markiiba indhaheeda soo hadheeyey ilmo kadibna dareynkeyga ayaaba is badelay oo waan ilmey gaadhey shugri waxa ay awoodi kari weydey iney ka jawaabto su.aalaheyga.

Si kastaba ha ahaate waxaan isku dayey mar kale inaan dajiyo dareenka gabadhan waxaanan ku qanciyey iney samirto oo arintani tahay imtaxaan iyo callaamad Alle shugri waa ay ku degtay waanadeydaa.

Haddaba akhriste wallaal adigoo mahadsan fadlan soo gargaar gabadhan

.

Waxaanad kala soo xidhiidhi kartaa

Sheikh: Max,ed Mouse Nour(Abu_Sufyaan)

Oo ah gudoomiyaha hawshan wada

Tell: 002522+4482999

 

Soo diyaarintii barkhad jama hirsi

Wakiilka hargeisa ee SWACRO

Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Last Updated on Tuesday, 02 March 2010 22:51
 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie