|
|
|
| Written by Administrator |
| Thursday, 19 August 2010 09:46 |
|
CURYAAMIINTA SOMAALIYEED GARGAAR MUDAN-HAWEENKA SOMAALIYEE Allah mahad leh,Suubane Rasuulkeenii Muxumud(CSW)ayaa sharif iyo ku dayasho wanaagsanba leh,Ramadaantuna bisha camal kheyrka iyo isu-gargaarida bulshada dhexdeeda,Guryaamiin,Naafo,Agaamo iyo Dadka bara-kacsan ee Walaalaheena Somaliyeed taakuleyn,caawin iyo gacan u fidinba inaga mudan. Sidii aad iiga barateen taageerida,soo dhoweeyntaiyo la duubnida guud ahaanba wanaaga,camal kheyrka,samo ka shaqeynta iyo dhaliilida,cambaareynta,dhaleeceenta iyo si cad u diidiida wixii xumaan.dhibaato,colaad iyo guud ahaanba wixii dhanka bilaayo abuurka raacsan(Allah ha inaga dheereeyo wixii xun oo dhan-aamiin),koleey kala wanaagsan Sama-wade iyo Bilaayo wade,waxaa ilaa shalay maskaxdeeyda ku wareegaayeey naftuna si weyn ugu riyaaqday camal kheeyrka,gargaare iyo Ficilka wanaagsan oo ku saleeysan shareecada Diinteena xaniifka ah ahna Taakuladda Walaalnimo oo Haweenka xurmada iyo qadarinta weyn mudan kuna dhaqan Dalkan UK u fidiyeen Curyaamiinta ku jira kaamka KM20 Muqdisho duleedka eeyna ku jiraan curyaamin tiradoodi dhaaftay 400 oo qoys oo si weyn duruufahooda nololeed u adagtay una baahnaa welina u baahan caawin, gargaare u fidiin iyo taakuleeyn joogto ah. Ficilkaas wanaagsan iyo talaabadaas islaanimo ee Haweenkaas Somaaliyeed ayaa ka turjumeeysa biseeylka damiirkooda,wacnaanta dareenkooda dadnimo, garashadooda iyo fiyoowga caqligooda iyo sida walaalnimada leh oo eey uga naxeen qoysaaskaas curyaaminta ah iyadoo la wada ogyahay in aanay jiriin Dowladii gacan u fidin laheyn ama ka war qabi lahayd,Waxaan halkan amaan, bogaadin,hambalyo iyo mahad-celinba uga soo gudbinaayaa Haweenka sharafta iyo milgo gobeedka mudan oo deeqdaas lacageed u fidiyeey Curyaamintaas kana farxiyeey(Allah Ifka iyo Aakhribo ha idiinka farxiyo-Aamiin)sidoo kale waxaa waxaan amaan iyo mahad-celin u gudbinaayaa Maamulka TV-ga Somalichanel Xamar oo deeqdaas la sii mariyeey sidii ku habooneyna amaanadaas u gudbiyeey kuna simay oo gudoonsiiyeey cidii loogu talo galay(Curyaaminta Kaamka KM20). Gunaanadka qormadan waxaan ku guubaabinaayaa guud ahaan Ummadda Somaaliyeed gaar ahaan Jaaliyadda qurba jooga ah intooda damiirka nool leh,ehel kheyrka ah,dareensan dhibaatada iyo duruufaha nololeed oo Dadka Dalkii jooga heeysta weliba intooda dan-yarta ah sida:-Curyaamiinta ama Naafada,Agoomaha iyo Dadka gudaha ku barr-kacsanba eey ku dadaadaalan taakuleeynta,caawinta iyo gargaare u fidinta Dadkaas,iyagoo tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan ka qaadanaaya ama ka duulaaya ficil ama camal kheyrka Haweenka Somaaliyeed ee UK iyo cid walba oo ku howlan ama sameeysa camal samafal ah loogu gargaaraayo Walaalaheena aan ku xusan,Allah Gargaare leh,Raxmad leh,Kheeyr iyo Barako badan leh,Ramadaanka Kariim. -ALLAH GARGAAR LEH- -Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -England-UK-18/08/2010- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .
|



























Sidii aad iiga barateen taageerida,soo dhoweeynta












