fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 31 August 2010 11:52

 

FADLAN- MUNAASABADDA CIID EL-FIDRIGA XASUUSO DADKA TABAALEEYSAN

 

 

 

Allah Mahad Leh-Rasuulkeenii Suubanaa(CSW)ayaa sharaf iyo ku dayasho
Mudan,ramadaanka bisha kheyrka,barakadda,raxmadda,dembi dhaafka iyo

Cadaab ka xoreeynta,bisha camal kheeyrka,isu gargaarida,is caawinta iyo
Dan yar u taakuleeynta,bisha Raxmaanku fadliga gaarka ah siiyeey,abaal
Maranteeduna Allah u gaar tahay(Alloow,Raxmaankoow naga dhig kuwii
Soonkoodda,Salaadoodda iyo Camal kheeyrkoodda laga aqbalo-Aamiin).
 
 
Walaalayaal waxeeynu geleeynaa hadii allah idmo caawo tobankii damee
ee Ramadaanka oo ahaa tobankii cadaab ka xoreeynta Alloow naga dhig
kuwii cadaabta laga xoreeyo-Aamiin, tabonkaas oo eey ku jirto habeenkii
faldhiga iyo amaal marinta weyn lahaa(leylatu Qadarka)kadibna farxadii iyo
Rey-raantii munaasabadda ciida qaaliga ah,xaflado,damaashaad,xirashadda
Dhar qurxoon(cusub) ehel,asxaab iyo deris is booqasho,diyaarinta cuntada
nooc nooc ah,madadaaladda caruurta iyo kulanka waayeelka(maasha Allah),
iyo qaabab kale oo farxadeed,hadaba su'aasha ayaa ah dadka somaaliyeed
ma wada awoodan ???Jawaabtuna may waana moowcuuda qormadan.
 
 
Walaalayaal-qormadan ayaa ah baaq ama fariin Muslin-nimo si gaar ahna u
Khuseeysa munaasabada farxada weyn ee Ciid El-Fidrigga fooda inagu soo
heeysa oo maalmo kooban inaga xigaan-hadii Allah idmo,Walaalaheeyga ku
sugan ama ku dhaqan qurba(Jaaliyadda)hadii eeynu ku jirno isu diyaarinta
Munaasabadaas qoysaskeena iyo ehelkeenba u sameeynay ama ugu tallo
galnay dhar cusub,casuumado iyo hadiyad diridba waa arrimo wanaagsan
Maasha Allah,ma ognahay in eey jiraan dad tabaaleeysan oo aan awoodu
u saamaxeeyn(dhaqaale ahaan) ma ognahay in eey jiraan:-
 
-Caruur Agoon ah.
-Naafo iyo Curyaamiin.
-Dad Bara-kacsan iyo kuwo Dalka gudihiisa Qaxooti ku ah.
-Bukaan Isbitaaladda jiif ah(dan yar ah).
hadaba ma ognahay in intaas iyo kuwoba kaleba masuuliyad Diineed,Qarameed
iyo mid Akhlaaqeedba inaga saaran tahay,ma ognahay in eey il naxariiseed in
eey inagu soo eegaayaan. ma ognahay in eey yihiin Walaalaheen,Caruurteena
oo kale iyo Waalidkeen oo kaleba, ma ognahay in eeynu wadaagno-Islaanimada,
Dalka iyo dhaqanka,ma ognahay weliba qaarkood in dagaal,colaad iyo dhibaato
culeeyskeeda iyo xanuunkeeda leh oo joogto ah waqtigan heeysto,ma ognahay
in murugada,cabsida iyo rafaadka dadkaas heysta,ma ognahay walaalayaal inta
Guri tacsi taal iyo inta guri dhaawac daawo la'aan ah dhex jiif,Alloow Dhibaatada
iyo rafaadka dheeraaday naga qaad alloow noogu bedel nabadgelyo iyo hanasho
Barwaaqo aad raali ka tahay.
 
 
Walaalayaal-baaqeeygu waa gacan u fidiinta,u gargaaridda dadka tabaaleeysan
Munaasabadda Ciida si gaar ah weliba Caruurta Agoomaha ah oo inaga mudan in
eey maalintaas ama munaasabaas inala farxaan oo eey helaan dhar cusub oo ku
abuuro wajigooda farxada ciideed iyo hanashada qiimaha maalintaasu leedahay
iyadoo la wada ogyahay in gobol walba eey ka jiraan ama aqlabiyadooda xarumo
Agoomeed,Fadlan ka farxiya agoonta,fadlan xauusta agoonta munaasabada ciida
Fadlan garta masuuliyada diineed,qarameed iyo akhlaaqeed oo inaga saaran guud
ahaanba Dadka Walaalaheen ah oo tabaaleeysan,Fadlan la Xiriira:-
 
 
-Maamulka Xarumaha Agoomaha.
-Gudiyadda Afurinta Soomanayaasha.
-SWACRO ama www.4somaliwomen.com.
-Gudiyada Bara-kacsanayaasha.
-Xarumaha Naafadii Xooga Dalka.
-Kaamamka Curyaamiinta.

 

KALA SOCO WARAKU XIISA GELIYA KANA QEEYBQAADO  UGARGAARIDA WALAALAHAAGA DHIBAATEEYSAM WWW.4SOMALIWOMEN.COM
 
N.B-Waxaan filaayaa inaad Xafiisyadda shirkadaha Xawaaladaha Somaaliyeed ka
heli karaan Koontooyin xisaabeed oo taakuleeynta u furan.
 
 
-ALLAH MAHAD LEH-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 29/08/2010.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .
 

Last Updated on Friday, 03 September 2010 10:38
 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie