fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 03 September 2010 01:29

NIN LAGU SEEXDOOW HA SEEXAN

Dal walba dhibaato colaadeed iyo qas siyaasadeed wuu ka dhacaa ama
wuuba ka soo dhacay dhiig sokeeyana wuu ku soo daatay laakiin xal

iyo hanaan nabadeed ayaa laga gaareey ama lagu dhameeyeey waxaana
loo nisbeeyaa ama kaalinta koowaad ka ciyaaray dadka magac weyn ku
leh dalkaas ama shakhsiyaadka loo yaqaan kuwa ku dayashada mudan
oo noqon karaaya:-Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta caanka
ah,Abwaanadda iyo guud ahaanba shakhsiyaadka damiirka wadaniyadeed
leh Ummaddu xaq ayeey ku leedahay dalkooduna abaal ayuu ku leeyahay.
 
Soomaalidaa u roonow 
Hadaba beryahan damme dagaalada iyo colaada somaaliya ka aloosan
sii cuslaaday lana oran karaayo xaalad xasuuq iyo weeraro xad dhaaf
ah ayaa ka socdo Caasimadda Muqdisho eey naftooda ku waayeen tirro
ka badan 100 qof dhaawacuna dhaafay boqolaal iyadoo kooxaha iska soo
hor-jeedaa adeegsanaayaan hubka culus,miinooyin iyo hubka fududba
ayaa hab jaha-wareer ah loo gamaayo madaaficda iyo hoobiyaasha sida
tooska ah ugu dhacaaya xaafadaha iyo suuqyada magaalada kuna dilaaya
dad shacab ah oo goobahaas u soo adeeg doonta ama nolool maalmeeldooda
halkaas ka xoogsada,runtii ma sawiri karaayo xaalada murugo,culeeyska
heerka xanuunka iyo tacadiya joogtada ah oo lagu hayo dadweynaha ku
dhaqan Caasinmadda Muqdisho waana arrin ayaan daradeeda leh iyadoo
masuuliyada koowaad eey leeyihiin kooxaha dawlad diidka ah iyo ciidanka
AMISON oo hub culus si xad dhaaf ah ku rida xaafadaha iyo suuqyadda.
Nin lagu Seexdow ha seexan 
 
Qormadan maanta waxaan ku abaaraayaa dhaliil aan si toos ah ugu diraayo
guud ahaanba Shakhsiyaadka magaca iyo maqaam qarameed leh oo ku sugan ama
ku dhaqan qurbaha kana kooban qeybaha aan kor ku soo xusan oo runtii aan
oran karaayo si weyn ayeey u dayaceen dalkoodii iyo dadkoodiiba,kaalintii
ama doorkii ku haboonaa weey ga'been weeyna ka seexdeen gudashada xilkooda
Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeedba waana arrin si weyn looga xumaado,waxaan
Tusaale ahaan u soo qaadanaayaa Magacyada shakhsiyaad leh Maqaam qarameed
Tusaale wanaagsana looga qaadan karaayo damiirka wadaniyadeed Tusaale:-
 
-Oday Somaaliyeed- Aqoonyahan-C/Risaaq Xaaji Xuseen.
-Odey Somaaliyeed- Enj-Cismaan Jaamac Cali.
-Odey Somaaliyeed- Dr-C/Laahi Axmed Cadoow.
-Odey Somaaliyeed- Halyeey-Maxamuud Muura.
-Odey Somaaliyeed- Dr-Maxamud Saciid Madaxeey.
-Odey Somaaliyeed- C/Qaadir Xaaji Masalle.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Axmed Ismaaciil Samater.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Maxamed Mukhtaar.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Cali Khaliif Galeyr.
-Odey Somaaliyeed- Dr-C/Qaadir Aden Cadde.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Ibrahiim Meeygaar Samater.
-Odey Somaaliyeed- Maxamed Cabdi Yuusuf.
-Odey Somaaliyeed- Dr-Xassan Cali Mirre.
-Odey Somaaliyeed- Cabdullaahi Wadani.
-Odey Somaaliyeed- Ahmed Cabdi Daahir(Ahmed Shall).
-Odey Somaaliyeed- Dr-Maxamed Aden Shiikh.
-Odey Somaaliyeed- Col-Ahmed Xassan Muuse.
-Odey Somaaliyeed- Gen-Cabdi-Wahaab.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Axmed Buutaan Dhakaar.
-Odey Somaaliyeed- Sh.Cumar Faaruuq.
-Odey Somaaliyeed- Sh.Maxamed Cabdi Umal.
-Odey Somaaliyeed- Sh.Mustafa Xaaji Ismaaciil.
-Odey Somaaliyeed- Sh.Maxamed Idris.
-Odey Somaaliyeed- Dr-Sh.Axmed Al-Qudubi.
-Odey Somaaliyeed- Sh.Ibraahim Muuse.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Cabdi Ismaaciil Samater.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Barre Macalin Fiidoow.
-Odey Somaaliyeed. Abwaan-Proff-Saciid Saalax Axmed.
-Odey Somaaliyeed- Aqoonyahan-C/Casiis Cali Ibraahin(Xildhibaan).
-Odey Somaaliyeed- Gen-Cabdi Maxamed Saxardiid(Cabdi Dhiboo).
-Odey Somaaliyeed- Gen-Ahmed Jaamac.
-Odey Somaaliyeed- DR-C/Raxmaan Cismaan Shuuke.
-Odey Somaaliyeed- Danjire-Shariif Saalax.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Axmed Naaji Sacad.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Maxamed Macoow.
-Odey Somaaliyeed- Proff-Afrax.
-Odey Somaaliyeed- Aqoonyahan-C/Laahi Sh.Xassan.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Bashiir Cali Xuseen.
-Odey Somaaliyeed- Gen-Cali Ismaaciil.
-Suugaan-yaqaan.   Maxamed Cali Cibaar.
-Ex-Orodyahan-     Cabdi Bille Cabdi.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Maxamed Suleeyman Tubeec.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Xassan Aden Samater.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Axmed Cali Cigaal.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Dr-Ibrahiim Cajaa'ib.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan Cali Sugulle Dun-Carbeed.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Yuusuf Yarre.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan Maxamed Macoow.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Ciyaar-Jecel.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Mustafe Sh.Cilmi.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Maxamed Axmed Qoomaal.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Saalax Qaasim Naaji.
-Odey Somaaliyeed- Shiine Guhaad.
-Odey Somaaliyeed- Dr-Cabdi Calasoow Raage.
-Odey Somaaliyeed- Axmed Nuur Jeenyo.
-Odey Somaaliyeed- Muriidi Aba-Nuur
-Odey Somaaliyeed- Saciid Ceyroow.
-Odey Somaaliyeed- Col-Maxamed Faarax.
-Odey Somaaliyeed- Farshaxan-Amiin Caamir Cabdalla.
-Odey Somaaliyeed- Col-Ibraahim Cali(Shaash).
-Odey Somaaliyeed- Macalin-Cabdullaahi Tukke.
-Odey Somaaliyeed- Mukhtaar Cuti.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Cabdi Xassan Digge.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Shimaali Axmed Shimaali.
-Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Cumar Cabdulle Shooli.
-Marwo-            Asli Xassan Cabaade.
-Marwo-            Aamina Muuse Weheliye.
-Marwo-            Fanaanad-Faaduma Cali Nakruuma.
-Marwo-            Fanaanad-Maryan Mursal Ciise.
-Marwo-            Fanaanad-Cadar Kaahin.
-Marwo-            Drs-Caasha Cumar Geesdiir.
-Marwo-            Drs-Batuulo Isaaq.
-Marwo-            Drs-Aamina Saciid Cali.
-Marwo-            Faadumo Jibriil.
-Marwo-            Fanaanad-Faaduma Qaasim Hiloowlle.
-Marwo-            Fanaanad-Saado Cali Warsame.
-Marwo-            Drs-Caasha Xaaji Cilmi.
Fiiro Gaar Ah:-Magacyadu waa tusaale ahaan balse waxaa jira boqolaal
iyo boqolaal Muwaadin somaaliyeed oo magac iyo maqaam sare leh Xurmo
weyna iga mudan,Ereyga Odey ujeedadiisu ma aha mid da'deed ee waa mid
Maamuus ku saleeysan.
 
 
Fadlan garta masuuliyadiina oo qaata doorkiina wadaniyadeed ka gilgisha
dhibaatada xanuunka weyn oo ka taagan dalkeena hooyo sida ugu haboon ku
dhaqaaqa Ololle wacyi gelineed iyo howlo mideeyn dadweyne si loo helo
cod mideeysan oo somaaliyeed oo culeeyskiisa leh isla markaana gudbin kara
dareenka qurba jooga kuna saleeysan wadaniyad iyo dal jeceyl,caalamkana
gaarsiin karaaya sawirka dhabta ah ee dhibaatada dalkeena hooyo ka taagan
gacana ka geeysan kara howlaha bani'aadaminimo iyo gargaarka dadka sida
weyn ugu tabaaleysan dalka gudihiisa hadii eey noqon lahaayeen:-Agoomaha,
Naafadda iyo Curyaamiinta,Dadka Bara-kacsan,Bukaan Isbitaalada jiifa iyo
Guud ahaanba dan yarta Somaaliyeed,waana masuuliyad diineed,qarameed iyo
mid akhlaaqeedba oo guud ahaanba saaran Ummadda Somaliyeed weliba si gaar
ahna masuuliyad siyaado ah looga sugaayo Shakhsiyaadka aan soo xusay iyo
Boqolaalka ama Kumanyaasha dhigooda ahba.
 
 
 
 -SOOMAALIYA DALKEENII-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Englnad-UK- 02/09/2010.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie