|
|
|
| Written by Administrator |
| Monday, 06 September 2010 08:03 |
|
kusoo dhowaada sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 12
faysal wuxuu niyada kaga fekerey markuu garaaco tellka ayaan inuu ku booriyo kula taliyo iney iimeyl sameysato hadey horey u laheydna iimeyl uu ka qaato keeda isna kiisa siiyo si xidhiidhkoodu u sahlanaado taako taako loo wada xidhiidhi wuu ogsoonaa iney balanta aheyd inuusan soo wicin si aan dhib uga iman reerka markuu wax badan ka fekerey haduu waco maxaa dhici karo haduu shiikh cali kaa qabto tellka wuxuu kaloo ka fekerey wakhtiga u dhaxeeya 2 dal u.s.a. iyo ostareeliya wuxuu eegey saacada mise waxaa u dhaxeeya ayaantii hore xiliguu wacay hal saacad keliya saacad kadib ayuu direy telkii waxaa ka qabtey nin faysal markuu codkii maqley uma jawaabiin ninkii ayaa marba dhaha hallow hallow faysal wuxuu ku fekerey inuu ku dansho hadana wuxuu is tusey iney arin xun tahay taasu wuxuu ku yidhi si xushmad leh salaan kadib walaal ayaan hadey joogto mala hadli karaa?
faysal codkiisa waa laga garan karaa inuu aad u wel welsan yahay shiikh cali ayaa ku jawaabay adeer ayaan waa maqan tahay ee maxaan kaa gaadhsiiyaa? adeer aad ayaad u mahadsan tahay anigaa mar kale soo wici doona markiiba intuu isa saarey telkii: shiikh cali waa yaabay weligiis muusan arkin nin gurigiisa tell u soo diroo xaaskiisa raadinaya waxaa taas kaga sii yaab badnaatey inuusan aqoon ninka raadinaya ayaan waayo ayaan iyo shiikh cali waa qaraabo reerkooda dhan waa wada kala yaqaan waxaa kaloo ka sii daran inuu tellku ku soo aadey xili isaga iyo ayaan khilaaf weyni kala dhex yaalo: faysal wuxuu ku fekerey inuu warqad yar u qoro ayaan axmed si u ugu sheego inuu u soo direy tilifoon qof nin ahna ka qabtey hadeerto wixii ka dambeeyana u soo siiyo tilifoonkiisa faysal ahaan si markey fursad ugu soo hesho iyadu uga soo wacdo sidoo kale si uu iimeylkiisa u soo siiyo iyana weydiiyo iney iimeyl leedahay iyo in kale waxayna u qorneyd warqadii yareyd ee ka timi faysal sidan hoos ku qoran: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com |
| Last Updated on Monday, 06 September 2010 08:13 |








































