|
SOOMAALIYEEY 4.5 XAARAAN Cadaaladu waxeey ka mid tahay sifooyinka ugu muhiimsan oo Allah Diinta islaamka si xaq lehna u sintay dadka muslinka ah iyadoo aan loo eegeeyn hantilee iyo sabool-toona,cadaan, Madoow,jaalle iyo maariin-toona ama habka qabiil ee reernimo balse waxaa lagu qiimeeyeey qofka muslinka(Taqwada iyo Camal Kheyr la imaanshaha),dhanka kale qofka waxaad ku qiimeeyn karta Cilmigiisa iyo faa'iidada wuu Ummadda u leedahay kii wax tar leh ayaa mudnaanta leh,kii dadaal badan dhaqan wacan xaqa Allah illaaliya ayaa hormoodnimada leh. DHAGEYSO Heestan dhegeeysta. Hadaba aan u soo dego dulucda qormadan maanta oo ah tilmaan ka bixinta hanaanka xaaraanta ah,dulmiga cad ah,cadaalada ka baxsan oo Somaalidu ku dhaqmeeyso oo ah habka 4.5 si weyna beryahan dame logu saleeynaayeey habka saami qaybsiga kuraasta Golayaasha Barlamaanka iyo Xukuumada si cad oo bareer ahna loo duudsinaayeey xuquuqda iyo saamiga qeybo badan oo bulshada ka mid ah(beelo Somaaliyeed) kuwona sed-bursi dulmi ah qaateen oo ka dhigteen sharciga iyo xeer rasmi ah,runtiina habka cadaalad daro iyo xuquud duudsinta somaaliyeed hada ma bilaabmiin ee waa mid soo jirtay qarniyo iyo qarniyo waana mid xaun leh marka loo eeg qaababkii kala sooc iyo hanaankii cunsuriyada ee aduunkan soo maray sidda:-Midkii Adoonsiga Dadka Madoow,Cunsuriyadii ka jiri jirteey Dunidda Carbeed,Kala Sareeyntii Reer Galbeedku ku Dhaqmaayeey mudada dheere,Mid kala Soocii K/Afrika,Habka Xuquuq Duudsinta Dadyoowga asalka u lahaa Mareeykan iyo Austaraaliya iyo Qeyb badan ka mid ah dalaka qaaradda koonfurta Mareykanka iyo Afrikaba intaasba waxaa ka xun kana xanuun weyn midka mudada dheer ka jirtay welina ka socto Somaaliya ama eey ku dhaqmaan Somaalidu kuna xuquuq duudsiyeen dadka somaaliyeed oo la siman lana wadaaga Diinta,dalka iyo wada dhalashadda iyo xuquuqba. 4.5 hanaan dulmiyeed xaaraan ah kuna saleeysan xuquuq duudsin iyo cadaalad daro cad si cad uga soo hor-jeeda shareecada Islaamka iyo guud ahaanba xeerarka aduunka oo dhan kana xun oo ka dhibaato badan dhaqamo waji gabax iyo cambaar weyn ku ahaa qeybo badan oo aduunka ka mid ahaa,waana hab ku saleeysan quursi,takoor iyo hayb soocid iyo dhaqan naceeyb weyn leh oo ummada somaliyeed dhuuxa,lafaha iyo dhiiga kaga abuuran ama aan oran karo weeba tiir ka mid ah hab dhaqankeena, runtiina ah cudur dilaa ah oo daalo laheyn,waxaa amaan iyo bogaadin mudan kooxda fanaaniinta qeylo-dhaan oo hees ku haboon ka sameeyeey dulmiga iyo cadaalad darada 4.5,geesiyaal somaaliyeed oo had iyo jeer tilmaama soona bandhiga suugaan faneed ka turjumeeysa xaqiiqada jirta kuna wacyi-geliya shacabka somaaliyeed qiimaha qaran-nimada,wada jirka iyo ahamiyada nabadgelyo ku fadhido,kana diga colaada,dagaalka,xasuuqa iyo guud ahaan waxyaabaha xumaanta leh oo dalka duminaaya dadkana sii kala fogeeynaaya. 4.5 qaab dulmiyeed dembi weyn lagu mudanaayo ku dhaqankiisuna yahay ka fogaansho shareecadda diinteena islaamka sida culimaa'udiinku-na cadeeyeeyn baadil iyo xaaraan cad yahay,markaas somaliyeey ma habkaas ayaa dhaxal inoo noqonaaya inaguu markii horeba dembiyo xad dhaaf ah lugaha kula jirneey qarniyo iyo qarniyo-na cadaalad darro iyo xuquuq duudsiin ku heeyneey walaalaheen somaaliyeed,Alloow xaqa nagu aadi, Alloow noo naxariiso-aamiin. Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- England-UK- 07/09/2010.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
. kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|