AudioAcrobat!
 
 E-mail

GARDARAN Qeebtii 2aad (codsi badan awgiis ayaan u soo celinay)

 

Sawiro fara badan ayaan ka galay Footo Amiira oo isgoyska Towfiiq ku taala, Maamulaha Footadaas oo aan saaxiibo ahayn ayaan ka codsaday in sawiradayda kuwii ugu cajiibsanaa uu ku sharaxo muraayadda hore, bal si gabdhaha xaafadda marka ay Footada yimaadaan ugu sheegeen in sawiradayda oo aad u bilic qurxoon ay footada yaalaan,  amaba iyada haddii ay  mar Footada timaado ugu aragto, maadaama aysan xaafadda Towfiiq agagaarka Footada ay deganayd.Ma naf aan ku rabin ayaa la soo leexin karaa? Mise qalbi kaa janjeera ayaa hadal la deeqsiin karaan…Adduunyo aan ku rabinse mala maamuli karaa…. Mase dhaayo aan ku rabin baa ku eegi.Nafteyda ayaa dhowr jeer  ila hadashay oo igu tiri “Maxaad ogtahay yaakhay, adiga ayaa laguugu baarayaa in jacaylku dhab kaa yahay iyo in kale” waxa boholaha igu sii ridayaba waa nafteyda oo I maaweelinaysay, waayo mar walba oo aan ka doodno arrinta Xamza waxay ii gelinaysay Kabo iga waaweyn, iyadoo igu socodsiinaysa jid masas iyo halaq mareeno ah, waxayna igu sii reexaysaa Badweyn aanan dabaasheeda aqoonin.Marka aan ka  cawdo in waxaasi aanay suuragal ahayn waxay si cannaan leh iigu tilmaantaa  “waxaad tahay qof dhginaca xun un wax ka eega, weligaana wanaag ma sheegtid, sidaas ayayna noqon ileyn adigaa belo saadsadaye”.Markay dhinac kasta iska ooday oo aan garan waayay talo aan qaato ayaa waxay dantu igu qasabtay inaan Aabahay ka codsado inuu uu doono Xamza, waase yaab…qof caadi kuu diidan doonis maxay la tahay.Waxay ahayd markii ugu horeysay ee aan Aabahay kala hortago  wax igu adag u sheegidooda, aad ayuu u calool xumaaday markuu arkay wejiga oo murugo saran tahay doonista gabadhaas darteed, kadibna inta ila murugooday  ayuu igu farax geliyey inuu ii doonayo Xamza oo Aabaheed Yoonis uu u tegi doono, wax uu ka diidayana aysan jirin maadaama ay saaxiibo si aad ah isugu dheer in muddo ahna deris wadaag ay ahaayeen.“Aabo qalbigaaga farxad geli aniga ayaa kuu dhisaya, guriga fiicanna kuu dhigaya, wax aad ka cabsataa yeysan jirin” ayuu niyadda iigu dhisay Aabahay oo ii sheegay inay ka go’an tahay inuu qalbi jabka I haya iga bi’in doono oo Xamza uu aabaheed uga googol fariisanayo.       Guuldarada jacaylkeyga waxaan dhabarka u saari nafteyda oo wax aan jirin igu hoggaamisa….”Qalbi nabar ku yaalaan qaboobin, qufac iyo kalgacal baan qarsoomine…rajo been ah baa ii muuqatay, nafteyda ayaana mar walba ila daba taagnayd qancin oo niyad aan I rabin iiga dhigaysa qof I rabta oo horseed u noqotay luggooyada kalgacalka aan la tiicayo, taasoo igu kaliftay inaan aabahay u cawdo.Xagga dhaqaalaha aabahay wuu iska roon yahay, dadka ugu jeebka buuran magaalada ayuuna ka mid yahay  oo waxba lama aha inuu Xamzo ii doono oo iiga xoolo bixiyo… oo weliba uu ii aroosiyo, waan ku aqaanaa aabay inuu ka dhabeeyo ballanta uu qaado, balse maalmihii uu isu qabanqaabiyey inuu Xamza ii doono ayuu aabahay xannuunsaday oo sariirta ku arruuray, dhowr jeerna waa laga yaabay oo dhakhtar iyo Qur’aan saar ayaa mashquul lagu noqday, balse aabahay maalinba maalinta ka sii dambeysa wuu ka sii darayay oo xaalkiisu ka soo reys malahayn.Anigu aad baan u rabay inuu aabahay dhakhsi u caafimaado  si  howsha Xamza uu iigu dhammeeyo, taasoo run ahaantii aan sugi la’aa, mar walbana waan u duceynayay aabahay bal si uu u caafimaado.Galabnimo Arbaco ah oo Soon ah ayuu aabe isugu keen yeeray  oo yiri “Aaway Ilmahaygii?” markaan u tagnay ayuu bilaabay inuu nala dardaarmo “Waxaan idinku ogahay inaad mid ahaataan, hantida iyo Boosaska dhisan iyo kuwa aan dhisneyba aan lagu fataalin…Cumar Yare ballan ayaan ka qaaday oo ahayd inaan u doono Gabar uu isaga soo xushay, waxaana u qoondooyey arooskiisa 3-kun oo doollar, waxaana haya Xaaji Yuusuf ee isaga farta halaga saaro, hana lagu garab siiyo qorshihiisa guur”.Markii uu aabahay intaa yiri ayaan af-labadii yeeray  waxaan ogaaday in aabahay dhimasho ka dardaarmayo, waana la I aamusin waayay, kadibna bannaanka ayaa la ii bixiyey…. Daqiiqado kama soo wareegin markii gurigeena uu buux dhaafay, waxaana ku soo baraarugay iyadoo la I leeyahay “Meydka oohinta ka dhaaf, oohin uma wanaagsanee”, oohinteydu mid aan geeri ogeyn ayay ahayde maba ogi in aabahay  daqiiqado kahor uu naf baxay, markaas ayaana sii karaar qaatay oo oohintii mid ka sii dhawaq dheer ku dhuftay, sidii Wiish la daarayna u shanqaray.Waan xabeebsaday, jacaylkii aan aabahay u qabay ee caadiga ahaa kasokow wax weyn ayuu ii qaban lahaa haddii uu noolaan lahaa oo gabadhii uu ii dooni lahaa  ma jirto cid xil iska saareysa oo ii dooneysa.Markii duugtii aabahay ay bilo badan ka soo wareegatay, Hooyadeyna asaaydii laga dejiyey  ayaan Walaalahay la tashaday bal si ay iigu doonaan Xamza, sidii aabahayba ka dardaarmay, balse waxay ii sheegeen in Xamza aysan ahayn qof wanaagsan, waxayna ii soo jeediyeen in aan ka talo baxo oo gabar kale aan raadsado”, hadalkaas anigu wuxuu igu noqday leeb wadnaha bidix la iga halgaaday, balse iyagu ma oga oo wanaag un bay ka ahayd inay iga dhaadhiciyaan in Xamza aan ka waantoobo maadaama ay ula muuqatay qof xun oo aan ii qalmin.Iyadu ma oga in darteed aan badweyn murugo u dhex maquuranayo,  markay si buuxda u ogaatay in jacaylka aan u qabo uu caadiga ka baxsan yahay ayayba muraad iga lahayn….”Ileyn Naag la iskuma jebiyo!!”  waxaa dhibka ii keenay dhaayahayga diiday in maalin qura ay moogaadaan, Lugahaygii ka istaagi ka istaagi waayay saacad qura hoyga ay ku nooshahay, dhegihii laga reebay maqalka codkeeda xabeebta yari ku jirtay ee macaanaa iyo dibnaheeda soo jiidashada lahaa.Waxaas oo dhan ayaa ugu wacan  inay ka soo degi weydo buurta dheer ee ay fuushay, taasoo mar walba ay iiga gacan haatineyso si ay wax u yeesho qalbigeyga oo ay ogaatay inuusan ka ahaan karin.Bal eeg gurigooda fogaanta badan  ayaan maalin walba u luggeeyaa si aan muuqeeda un u arko si naftu qanac yar ay u hesho, balse gala anigoo hoos fadhiya gees weyn oo ku yaalay gurigooda hortiisa si aan dhaayaha u saaro ayaa meeshii aan ka sugaayay bariidin iyo soo dhaweyn  cannaan igala dul dhacday “Maxaad ii daba taagan tahay, sow iga har niyadda kuma rabtee kumaanan dhihin, meel aan kaa galo ayaan la’yahay, yaa ina kaa ceshada, dadki oo dhan waad igu dirtay, war ammaan I sii wiilyahow naanaabka ah ee un soo taagan, runtii haddaad iga hari weyso wax kale ayaad isku arkaysaa, waxaan u malaynayaa inay kuu roon tahay inaad iga harto oo raadkeyga ka gaabsato, isma ogid laakiin waxaa tahay shaqsi naftiisa ladaba taagan taraq iyo baasiin, marka aad qaraxdo ayaana sugaa… af-soomaali haddaad taqaan wiilyahow I daa…I daa baan ku iri oo I daa”.Waa wax jira moog, wey iska daldalmee, ma sidaas inaan uga hari ayay moodaa, markii ay horey u sii dhaqaaqday magaalka ayay dan ka lahayde waxaa markiiba isku dhacday shanqar rasaas ay isweydaarsanayeen labo kooxood oo dablay ah oo isku heysatay guri bililiqo oo koox waliba ay sheeganaysay lahaanshihiisa, rasaastii mid ka mid ah ayaa haleeshay, dhaawaceedii ayaana lagu soo wada yaacay, Isbitaal ayaa si deg-deg ah loola cararay, aniguna waxaan ka mid noqday dadkii Isbitaalka u raacay….. dhiig loo baahday in lagu shubo ayaana  qeyb ka shubay  kadib markii aan isku-dhiig O+ isla noqonay.

 

 

Digniin 

Dhamqaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_kismaayo13.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan