fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

BISHA RAMADAANKA AWGEED-FADLAN SOO DAAYA LAMAAN

Munaasabadda Bisha barakeeysan ee Ramadaanka oo ah bisha Raxmadda
Naxariista iyo is-caawinta,bisha camal kheyrka iyo isu-gargaarida
sidaas awgeed waxaan halkan baaq Islaanimo,bani-aadaminimo,Xaq-dhowr
Somaalinimona ku dheehan tahay kuna socda kooxda mudada dheer sanad
ku dhoow,Lamaanaha Ingiriiska ah waayeelka ah haba yaraatee wax fal
dembiyeed ah ka gelin guud ahaanba Ummadda iyo Dalka Somaaliyeed in
eey iska soo daayaan,iyagoo ka duulaaya hanaanka habka ama doorka
cafiska iyo isu-naxariisashada Diinteena Islaamku ina fareeyso,iyagoo
tixgelinaaya codsiyada faraha badan oo iga imaanaaya Walaalahooda ku
Dhaqan Dalkan UK(Jaaliyadda Somaaliyeed)iyagoo sidoo kale kaashanaaya
Caqligooda iyo damiirkooda bani-aadaminimo sida ku haboona u qadariya
Xurmadda basharka ka dhexeeysa,Fadlan soo daaya Lamaanahaas.

PiracyWalaalayaal-Naxariistu

weey u furan tahay qof walba oo dhiban,dadnimaduna waxeey dhigeeysaa in laga

fogaado wixii xumaan ku saleeysan,Lamaanahaadu intii eey rafaadi lahaayeen ama

dhibaato xayiraadeed,xoriyad ka qaadid iyo ka maqnaanshaha ehelkoodiiba intaasu

ugu filan,waxaan filaayo in eey sii xamili karaayaan sii daysasho kale,runtiina

si weyn ayeey u daaleen,waxaan filaayaa hadii qof idiinka ka mid ah dhibkaas oo

kale la kulmi lahaa wuu sida ku haboon u dareemi lahaa rafaadka iyo dhibka weyn

oo dul saaran Lamanaahaas,waa aragtaan da'da eey ku jiraan,waa aragtaan heerka

ama xaaladoda caafimaad,waa aragtaan murugada joogtada ah oo wajigooda ka muuqda,

waana dameeri kartaan muural jabka,niyad xumada iyo rajo gabka ku sii siyaadaaya

Maalinba maalinta ka dameeysa,Waxaan sidoo kalle halkan uga soo jeedinaayaa ama

kugu soo gudbinaayaa Jaaliyadda Somaaliyeed ee Magaaladda Bristol in sameeyaan

Maalin ama habeen taageero ah(kulan taageero ah)oo lamaanahaas loogu hilinaayo,

Codsina loogu gudbinaayo Kooxdda af-duubka u haaysata.

 

 

Gunaanadka qormadan kooban-Marka labaad waxaan kooxdda gacanta ku heeysa

Lamaanahaas si Islaanimo iyo Somaalinmo leh uga codsanaayaa soo deeyntooda

iyo u soo celinta xoriyadooda,Walaalayaal fadlan qiimeeya bisha Ramdaanka,

Walaalayaal-Fadlan qiimeeya Bani-aadaminimadda iyo xurmadda dhaqankeenba sida

uga dhakhso badana fadlan,fadlan u soo daaya Lamaanahaas,waana qormadeeydii

Sadexaad oo arrintaas ku saabsan,waxaan rajeeynaayaa in:-Culimaa'udiinka iyo

Wax-garadka degaanku eey doorkooda ciyaaraan iskuna dayan in eey codsi mar kale

u diraan Dhalinyarada Lamaanahaas gacanta ku haya.

 

 

-Allah Mahad Leh-

-Qorre-Xassan C/laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK- 18/08/2010-

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it . 

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie