|
Agooman , waayeelo aan ilmo laheyn iyo dhalinyaro aan arag laheyn oo maanta dhaqaalo loogu qeybiyey xafiiska SWACRO ee Muqdisho.
Dadkaani oo ah dadka ugu liita bulshada isla markaana ku wada nool caasimada Somaliya ee Muqdisho, ayaa ah dad ay gacanta ku heysto Somali Women And Children Rescue Orginazion (SWACRO). Waxay ururkaani baahidooda dadkani iyo kuwa kale oo badan ku baahisaa caalamka gaar ahaan 4somaliwomen.com , waxaana ka soo baxa jawaabo wax tar leh kuwaasoo ay wax ka badasho xaaladii ay ahaayeen dadkaasi dhibaateesan.
Ugu horeyn caruurta Agoonta ee SWACRO waxay ahaayeen caruur waxbarashada iyo daryeelka ay iminka heystaan u soo bilaabatey xilli dalka Somaliya ee Muqdisho ay soo gaareyn ciidamada Itoobiya, imaatinka ciidamadaasi ayaa waxay keentey in caruurtii ay noqdaan kuwa waalidkood ku waaya dagaalada iyo siyaabo kala duwan.
Waayeelada aan ilmaha dhalin waxay ka mid noqdey kuwa xiligaan aan cidina u maqneyn, waxay mid weliba si keli ah ugu nool yihiin qol yar oo mugdi ah ma heystaan cid u karisa cunada, ma heystaan qof wehlisa, waxayna ii sheegaan markaan ku booqdo aqaladooda inay habeenkii ay ka soo dhacaan sariirta. Kuwa kale ee indhoolayaalka ahina waxay ku jahwareersan yihiin dagaalada aan dhamaadka laheyn ee Muqdisho. Waa dhalinyaro u baahan wax walbo, hadana arag malaha, ma xamaalan karaan, kuwa qaarkoodna waxay ka dawarsadaan suuqyada Muqdisho oo aan la socono inay dagaaladu ku badan yihiin.
Haddaba dadkaani oo ah dad dhibaatadooda ay kala duwan yihiin ayaa waxaa maanta kaalmo ah loogu qeybiyey magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xafiiska SWACRO, dhaqaalahani waxay ka kala timid dalalka Yurub iyo Amerika, waxaana ugu soo deeqay shaqsiyaad ka xumaadey qaab nolol maalmeedka dhibanayaalkaani oo ku daalacan websitka 4somaliwomen.com. Sidaa darteed waxaynu codsaneynaa hadii aynu nahay maamulayaalka SWACRO iyo 4somaliwomen xubnihiisa kala duwan in dadkeena dhiban lala soo gaaro gacan dhinac walbo leh, iyadoo ay xusid mudan tahay inay bishii barakeesnaa ay Ramadaan nagu soo food leedhahay waxaa jira baahiyo badan oo u baahan in wax laga qabto ee fadlan ha yareysan $1 ilaa iyo intaad awoodo, ogow $1 ee aad dhiibato inay quudineyso hal waqti, qof muslim walaalkaa ah ee aan waxba heysan. Hadaba balanteenu waa u gargaarida dadkeena Soomaliyeed ee dhiban, Dhamaan wixii gar gaar ah ee aad u soo niyooto walaalaha dhiban ku soo hagaaji Email:- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Ama 002561-5590407 ama 0025699-410004 Yasmin Mayow MaxamedSomalia-------------- Mogadisho.
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com |








































