|
FADLAN KA QEYB QAADO HIRGELINTA JAAMACADDA BADHAN. aamacadda ka jira guud ahaan dhulka Somaaliyeed ayaa ah kuwo tirro badan lana oran karaayo waxeey ka furan yihiin gobollo badan waana arrin guusheeda leh iyo horumarkeeda aqooneedba(Allah Mahad Leh)waana kuwo wax tarkoodii si weyn u muuqday inkastoo meelaha qaarkood duruufo adag ka jiraan sida caasimadda Muqdisho weliba dhanka amaanka,hadaba waxeey muujiyeey karti iyo dadaal baaxadiisa leh(Xiligii Daowladii ama Rajiimkii Kacaanka Jaamacadihii jiray waxeey ku furaayeen Muqdisho oo kaleya).
 Waxaa xurumo Jaamacadeed ka furan yahay-Muqdisho,Hargeeysa,Boosaaso,Boorame,Garoowe,Burco,Laascanood iyo Kismaayo,iyadoo lagu talo jiro furiraanka Jaamacada Galmudug oo qeybta konfurta Magaalada Galkacayo hadii Allah idmo Oktoobar 2010,Jaamacadaas oo eey dhigtaan arday aad u fara badan oo kuliyadaha kala duwan wax ka barta ayaa si weyn u daboolay baahidii waxbarashada sare(Jaamacadeeda)waxaan halka hoose ku soo bandhigaayaa magacyadda jaamacdahaas waana sidan:- 1. Mogadishu University – MU (Founded in 1997) – Mogadishu 2. Amoud University (Founded in 1998) – Borama 3. University of Hargeisa – UOH (Founded in 2000) Hargeysa 4. University of Burao (Founded in 2004) – Burco 5. Puntland State University – PSU (Founded in 2004) – Garowe 6. East Africa University of Bossaso – EAU (Founded in 1999) – Bosaso 7. Nugaal University – NU (Founded in 1999) – Laascaanood 8. Kismayo University – KU () – Kismaayo 9. Benadir University – BU (Founded in 2002 ) – Mogadishu 10-Jaamaccada Ceerigaabo.
 Jaamacadahaas aan soo xusay ayaa ah kuwa ugu magac weyn xiligan ama kuwa sida tooska ah u hirgalay,waxaana socda qorshayaal lagu abuuraayo dhismaha Jaamacado kalle sida-Jaamacadda Hiiraan,Jaamacadda Baydhaba iyo Jaamacadda Badhan runtiina abaabulka iyo hirgelinta jaamacadahaas waxaa gacan weyn ka qaatay jaaliyada somaaliyeed ee qurba jooga ah amaan weyna ku mudan,hadaba waxaan maanta ku saleeynaayaa qurmadan kooban ahamiyada cilmigu leeyahay iyo sida wuu beri u anfacaayo jiilasha da'da yar oo noqonaaya mustaqbalka dalka(aqoontuna tahay iftiin)sida gabayga hoos ku lifaaqan aad ka fahmi doonaan waxaa jira abaabul iyo dadaalo loogu jiri tiir u taagida jaamacad ee yeelato Magaaladda Badhan ee Sanaag bari kana mid ah degaamadda sidda weyn u fiday intii ka dameeysay 90-gii eeyna ka jiraan iskuulo sare isla markaana eey ku xeeran yihiin degaamo badan sida-Dhahar,Buraan,Xingalool, Damala-xagare,Ceelbuh,Laasqoray,Hadaaftimo iyo kuwo kaleba. [Dhageyso] Tix Qiimo weyn leh. Hadaba waxaan ku guubaabinaayaa Jaaliyadda qurba jooga ah gaar ahaana Dadka asal ahaan ka soo jeeda degaamada baaxada weyne leh ee Sanaag bari, Halyland iyo Galbeedka G/Bari(Maakhir Coast) tiro aad u badan ku jooga Dalka Waqooyiga Mareeykanka,Yurub,Khaliijka Carbeed iyo Afrikaba sidda ku haboon u fahmaan una qiimeeyaan ahamiyada iyo qiimaha weyn hirgelinta Jaamacadda Badhan ku fadhido iyo kaalinta eey ka ciyaari karto tacliinta Sarre ee ardayda degaamadaas,anigoo og in xubo badan oo jaaliyadahaas ka mid ah yihiin aqoonyahano waaweyn oo magac iyo maqaam sare ku leh Dalka iyo Dadkooda dhexdiisaba maanta looga baahan dib u gudidda abaalkii iyo u faa'iideeynta jiilashada mustaqbalka waxaana xusi karaa:-Proff-CALI C/RAXMAAN iyo Abwaan Proff-SACIID SAALAX AXMED,Proff-MAXAMUUD XASSAN NUUR,Dr-MAXAMUUD SACIID(GACAMEEY)iyo boqolaal dhigooda ahba. Gunaanadka qormaddan waxaan rajeeynaayaa in Jaaliyadda dareento qiimaha Jaamacadaasu ku fadhido doorkoodana qaataan sida ugu dhakhsaha badana tiirarka loogu taago Jaamacadda Badhan,waana masuuliyada qarameed loo baahan yahay gudashadeeda(Nin lagu Seexdoow ha Seexan)anigna qormadanu waa igu Waajib.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -England-UK- 24/08/2010.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|