fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

Mucjiso Inan yar oo indhaha dhiig ka imanaayo oo ku nool magaalada Borama oo u  baahan caawimo

 

 

 

Gabadhan yar oo uu magaceedu yahay Faadumo Maxamed Jamac Dharaar waa 11 Jir dhigata dugsiga hoose ee Al-qudus waxana aya dhibaato ka haysataa dhinaca indhaha. sida uu gabadhan yar waalidkeed u xaqiijiyay shabakada wararka ee Lughayanews gabadhan yari waxa ay dhibaatadan la kawsatay sanadii 2009, waqtigaas oo ay ku caafimaday dawooyin aad u qaali ah oo ay dhakhaatiirtu u qortay.

Markale ayay dhibaatadani ku soo laba kaclaysay gabadhan yar bishii August ee sandakan oo ahayd markii 3aad ee lagu arko dhibaatadan waxana maalinba maalinta ka dambaysa uu dhiiga ka socda indhaha gabadhan yari yahay mid sii kordhaya isla markaana ku abuuray cuqdada iyo baqdin hor leh

 

Gabadhan ayaa waxa ay la walaalo tahay 9 caruur ah oo 4 gabdhi yihiin isla markaana ay 6 wiilal xaalada qoyska ay ka soo jeedona  waa qoys dan yar ah oo aan awood buuxda u lahayn inay caafimaad dibada ah u diraan iska daaye inay si joogto ah ugu iibiyaan dawooyinka loo qoray.

 

 

 

Inkasta oo ay dhakhaatiirta caafimaadku walaac kamuujiyeen xaalada caafimaadaad ee xanuunka gabadhan yar hadana waxa ay rajo iyo yididiilo galiyeen qoyska gabadhan yar markii ay u sheegeen inay xal leeyihiin caafimaadka gabadhan ee indhahu hadii lala kaashado dhaqaatiir dalka dibadiisa ah.

Waalidka gabadhan yar oo kala ah Aabo Maxamed Jaamac Dharaar (Shide) iyo Hooyo Sahra Abiib Faarax ayaa u sheegay saxaafada magaalada Borama  inay fariin ku aadan caawimada gabadhan yar gaadhsiinayaan dhamaan bulshada muslinka ah iyo Jaaliyadaha ku nool dalka dibadiisa 
 
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center 
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie