AudioAcrobat!
 
PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 02 March 2010 22:47

 

Odayaasha Dhaqanka Degmada Guriceel oo si kulul u beeniyay warar sheegay in la lunsaday mucaawinada hay,adda WFP.

 



Kulan ay  isugu yimaadeen odayaasha Dhaqanka Degmada guriceel iyo Maamulka Degmadaasi ayaa waxa ay si caro leh u beeniyeen warar warbaahinta qaar lagu qoray oo sheegayay in la bililaqaystay Raashinkii Mucaawinada ee Hay,adda WFP ugu tala gashay dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha ku yaala dagmadaasi iyo tuulooyinka hoosyimaada.”Waa arin la yaab leh ayay yiraahdeen in dacaayad intaa la,eg warbaahinta la marsiiyo iyada oo uusan ka war heyn Maamulka Degmada iyo odayaasha Dhaqanka kuwaa oo ah dadka dagmada wax laga waydiiyo”ayey yiraahdeen Odoyaasha iyo Maamulka .

         

Waxayna odayaasha Dhaqanka sheegeen in dadka warkaasi faafiyay ay ahaayeen dad Hay,adda ka doonayay dano u gaar ah markii ay waayeena ay adeegsadeen dacaayadani.odayaasha Dhaqanka ee maanta kulanka ku yeeshay Degmada Guri-ceel oo ay ka dhax muuqdeen nabadoono caan ah oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cartan Shiikhdoon,Nabadoon Jaamac Bootaan iyo Nabadoon Jaamac Cujubeey ayaa waxa ay hay,adda WFP ugu baaqeen in ay arimaha deegaanka ay wax ka waydiiso Maamulka Degmada iyo odayaasha Dhaqanka ee degmada laga yaqaan.
                 

Sido kale Gudoomiyaha Gegmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur (Taar-Dhuleed) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka warkani beentaa faafiyay Maamulkiisu uu talaab ka qaadayo isla markaana xusay in waligeed Degmada Guriceel aan wax dhiba loogu geysan Sharafta Sama Falayaasha kuwa waxaasi faafiyana ay yihiin dad doonaya in Hay,addaha samafalka aysan Gargaar siin  dhibanayaasha wuxuu u soo jeediyey Hayadda WFP in aysan dhag jalaq u siin kuwa danaha gaarka ah wata  W/D AmiinYuusuf Khasaaro

E-Mail This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Wednesday, 03 March 2010 01:01
 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_kismaayo5.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan