fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 07 March 2010 21:49

 

Fanaanka weyn ee Maxamed Xasan  Xuseen Lafoole oo xaley bandhiga faneed weyn ku qabtay Magaalada Kampala ee dalka Uganda. 

 

Waxaa habeennimadii xaley ahayd bandhiga faneed si weyn loo soo agaasimay gudaha magaaladda Kampala uu ku qabtay fanaanka weyn ee sida weyn looga yaqaano fanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole iyadoona ay ka soo qeybgaleen bandhig faneedkaasi balaaran dhalinta qurbaha ee dalka Uganda iyo weliba ardayda jaamacadaha ee dalka Uganda, 

 

Bandhiga faneedkani uu habeenimadii xaley ku qabtey hotelka weyn ee Agikhan ee gudaha magaaladda Kampala ayaa waxa uu ahaa mid si weyn loo soo buux dhaafiyey nadasha uu ka socday bandhig faneedkani iyadoona ay ka u soo daawasho tageen dadka ku dhow 500 qof kuwaasi oo farxad iyo reen reen weyn u qabey fanaanka caanka ah ee Maxamed Xasan Xuseen Lafoole, Lafoole ayaa waxaa bandhig faneedkiisa ku wehliyey fanaan cusub oo reer Kenya ah oo isna lagu magacaabo Farxaan kuwaasi oo halkaasi ku soo bandhigay heeso aad u macaan, 

Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ayaa isagu waxa uu yahay fanaantii ka midka ahaa Hobolada Waaberi iyadoona si weyn looga yaqaano gudaha iyo dalkuba iyadoona uu ay u badan yihiin heesihiisa kuwo amaan ah oo xaga dumarka ah, 

Isku soo wadaduuduuboo  bandhig  faneedkani oo uu habeenkii xaley ahaa ku qabtay al fanaan Maxamed Xasan Xuseen Lafoole magaaladda Kampala ee dalka Uganda ayaa waxa uu ahaa mid si weyn indhawaalaba ay u hadal hayeen dadka qurbaha ee ku dhaqan dalka Uganda kuwaasi oo aad moodid  in ay si weyn u xiiseynayeen ama ay rabeen in ay arkaan maxamed Xasan Xuseen Lafoole iyadoona ay habeenkii xaley ahaa uu halkaasi ku soo bandhigay heeso faro badan oo isugu jira kuwo amaan ah iyo kuwo jaceyl ah iyo kuwo baraarujin ah. 

Xuseen Cabdulaahi Xasan

E-Mail This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Kampala Uganda

Kala soco Warar Kuxiisa geliya  4somaliwomen.com

Last Updated on Wednesday, 07 April 2010 00:35
 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie