|
Written by Administrator
|
|
Monday, 16 August 2010 23:43 |
|
FADLAN CAAWI AL-marxuum -Fanaan Cabdiraxmaan Amiir Owkuuku Allah Mahad Leh-Gargaare,Raxmad iyo Naxariisba leh-Walaalayaal qormadan maanta ayaa ah mid damiir u naxa oo u naxariista u baahan sida ku haboona u dareema oo uga Damqadda xaaladeeda tabaaleed iyo duruufaha dhaqaale xumo oo heeysta Marwadda aad codkeeda ku maqli doontaa halkan hoose,in badana oo Dadweynaha Somaaliyeed ka mid ahna si weyn u garan doonaan gaar ahaan Bahadda Fanka iyo Sugaanta weliba inta waaweyn oo caanka ahaa
Marwadaan tabaaleeysan oo marka aad codkeeda iyo qaabka codsigeedu u dhacaayo aad maqashaan jirku jiriricoon doona indhaha ilmo isku soo taagi doonta waa-Marwo-NUURTA JEELOOW Xaaskii wuu ka geeriyoodeey Fanaankii Caanka ahaa ee dhanka Majaajiladda-Al-Marxuum-Fanaan-C/LAAHI AMIIN ROOBLE(Awkuukuu) oo ku sugan caasimadda Somaaliyeed Muqdisho oo duruufo adag ka jiraan dhanka noloosha iyo amaankaba,Marxuum Awkuuku wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii ugu caansanaa dalkeena dhanka Majaajiladda iyo madadaaladda wuxuuna ka mid kooxdii qaranka ee Waberi,hadaba waxaan baaq gaar ahaaneed halkan uga soo gudbinaayaa Bahdii Fanka Somaaliyeed intooda weli aduunka jooga Allah cimri dheer,caafimaad iyo camal suuban ha siiyo-aamiin,Tusaale ahaan waxaan halkan Xusaayaa:-
-Al-Abwaan-Ustaad-Saciid Saalax Axmed. -Al-Fanaan-Xassan Aden Samater. -Al-Fanaan-Axmed Cali Cigaal. Al-Fanaan-Maxamed Axmed(Kuluc). -Al-Fanaan-Ustaad-Axmed Naaji Sacad. -Al-Fanaanad-Maryan Mursal Ciise. -Al-Fanaanad-Hibo Xaaji Maxamed(Hibo Nuura) -Al-Fanaanad Khadra Daahir Cige. -Al-Fanaanad-Saado Cali Warsamme. -Al-Fanaanad-Khadiija C/Laahi Cali(Daleeys). -Al-Fanaanad-Faaduma C/Lahi Kaahin(Maandeeq). -Al-Fanaanad-Seynab Cige Maxamuud. -Al-Fanaan-Bashiir Cali Xuseen. -Al-Fanaan-.Qaadir Macalin Jubba. -Al-Fanaan-Cabdi Xassan Dige. -Al-Fanaanad-Faaduma Cali Nakruuma. -Al-Fanaanad-Nimco Yaasiin Caraalle. -Al-Fanaan-Maxamed Suleeymaan Tubeec. -Al-Abwaan-Ibraahin Cajaa'ib. -Al-Abwaan-Maxamuud C/laahi Singub. -Al-Fanaan-Maxamed Axmed Qoomaal. -Al-Fanaan-Cali Naaji Sacad. -Al-Fanaanad-Faadumo Duur. -Al-Fanaanad-Faaduma Qaasim Hiloowle. -Al-Fanaan-Aweeys Khamiis Cabdalle(Mabuuta). -Al-Fanaanad-Aamina Camiiri. -Al-Abwaan-Cabdullaahi Lagjar. -Al-Abwaan-Barre Macalin Fiidoow. -Al-Fanaanad-Xareeda Ismaacil Duniya. -Al-Fanaan-Ustaad-Maxamuud Ismaciil Xudeeydi. -Al-Fanaanad-Cadar Kaahin. -Al-Fanaan-Cabdulqaadir Gaadaco. -Al-Fanaan-C/Risaaq Baadil. -Al-Fanaanad Caasha Cabdo. -Al-Fanaan-C/Laahi Yuusuf Hanuuniye. -Al-Abwaan-Cabdi Qeys. -Al-Fanaan-C/Qaadir Bagaag. -Al-Fanaan-C/Qaadir Macoow. -Al-Fanaanad-Shax-shaxleey. -Al-Abwaan-Ciyaar Jecel. -Al-Fanaan-Cabdiraxmaan Aw-Koombe.
Mgacyadaas Fanaantii iyo Abwaanadda caanka waa tusaale ahaan ee booqu wuxuu ku Socdaan guud ahaan Jaaliyadda qurba jooga iyo gaar ahaan bahdda fanka iyo sugaanta, waana baaq Islaanimo ku saleeysan,bani-aadaminimo ka duulaaya Somaalinimo ku dheehan tahay Fadlan si naxariis leh,dareen Muslinimo leh,damiir dadnimo oo nool leh u dhegeeysta ereyadda Marwo-Nuurto Jeeloow dhuuxa uga gargaare,caawi oo taakuleyn macquul ah kuna xiran awood qof walba u fidiya,waana sadaqo weliba iyadoo lagu jiro bishii barakeeysneeyd ee Ramadaanka Kariimka ah oo sifooyinkeeda ugu waaweyn is caaawintu ka mid tahay,bahdda Fanka iyo Suugaantuna yihiin Koox bad wadaag ah oo isaga dhoow dadka kalle. -Walaalayaal:-Waxaa kalla Xiriir Kartaan Nuurta Jeeloow(Xaaskii Al-Marxuum-AWKUUKU) Telkaan:-00252-6994-1004 begin_of_the_skype_highlighting 00252-6994-1004 end_of_the_skype_highlighting ama kala xiriir:- www.4somaliwomen.com. -ALLAH MAHAD LEH- -Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -England-UK- 16/08/2010.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
. kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|
|
Last Updated on Friday, 03 September 2010 10:41 |