|
|
|
| Written by Administrator |
| Wednesday, 18 August 2010 02:02 |
|
BISHA RAMADAANKA AWGEED-FADLAN SOO DAAYA LAMAAN Munaasabadda Bisha barakeeysan ee Ramadaanka oo ah bisha RaxmaddaNaxariista iyo is-caawinta,bisha camal kheyrka iyo isu-gargaarida sidaas awgeed waxaan halkan baaq Islaanimo,bani-aadaminimo,Xaq-dhowr Somaalinimona ku dheehan tahay kuna socda kooxda mudada dheer sanad ku dhoow,Lamaanaha Ingiriiska ah waayeelka ah haba yaraatee wax fal dembiyeed ah ka gelin guud ahaanba Ummadda iyo Dalka Somaaliyeed in eey iska soo daayaan,iyagoo ka duulaaya hanaanka habka ama doorka cafiska iyo isu-naxariisashada Diinteena Islaamku ina fareeyso,iyagoo tixgelinaaya codsiyada faraha badan oo iga imaanaaya Walaalahooda ku Dhaqan Dalkan UK(Jaaliyadda Somaaliyeed)iyagoo sidoo kale kaashanaaya Caqligooda iyo damiirkooda bani-aadaminimo sida ku haboona u qadariya Xurmadda basharka ka dhexeeysa,Fadlan soo daaya Lamaanahaas.
weey u furan tahay qof walba oo dhiban,dadnimaduna waxeey dhigeeysaa in laga fogaado wixii xumaan ku saleeysan,Lamaanahaadu intii eey rafaadi lahaayeen ama dhibaato xayiraadeed,xoriyad ka qaadid iyo ka maqnaanshaha ehelkoodiiba intaasu ugu filan,waxaan filaayo in eey sii xamili karaayaan sii daysasho kale,runtiina si weyn ayeey u daaleen,waxaan filaayaa hadii qof idiinka ka mid ah dhibkaas oo kale la kulmi lahaa wuu sida ku haboon u dareemi lahaa rafaadka iyo dhibka weyn oo dul saaran Lamanaahaas,waa aragtaan da'da eey ku jiraan,waa aragtaan heerka ama xaaladoda caafimaad,waa aragtaan murugada joogtada ah oo wajigooda ka muuqda, waana dameeri kartaan muural jabka,niyad xumada iyo rajo gabka ku sii siyaadaaya Maalinba maalinta ka dameeysa,Waxaan sidoo kalle halkan uga soo jeedinaayaa ama kugu soo gudbinaayaa Jaaliyadda Somaaliyeed ee Magaaladda Bristol in sameeyaan Maalin ama habeen taageero ah(kulan taageero ah)oo lamaanahaas loogu hilinaayo, Codsina loogu gudbinaayo Kooxdda af-duubka u haaysata.
Gunaanadka qormadan kooban-Marka labaad waxaan kooxdda gacanta ku heeysa Lamaanahaas si Islaanimo iyo Somaalinmo leh uga codsanaayaa soo deeyntooda iyo u soo celinta xoriyadooda,Walaalayaal fadlan qiimeeya bisha Ramdaanka, Walaalayaal-Fadlan qiimeeya Bani-aadaminimadda iyo xurmadda dhaqankeenba sida uga dhakhso badana fadlan,fadlan u soo daaya Lamaanahaas,waana qormadeeydii Sadexaad oo arrintaas ku saabsan,waxaan rajeeynaayaa in:-Culimaa'udiinka iyo Wax-garadka degaanku eey doorkooda ciyaaraan iskuna dayan in eey codsi mar kale u diraan Dhalinyarada Lamaanahaas gacanta ku haya.
-Allah Mahad Leh- -Qorre-Xassan C/laahi Sh(Xassan Carab)- -England-UK- 18/08/2010- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it . |
| Last Updated on Wednesday, 18 August 2010 05:21 |



























Walaalayaal-Naxariistu












