|
Allah Mahad Leh-Rasuulkeenii Suubanaa(CSW)ayaa sharaf iyo ku dayasho Mudan,ramadaanka bisha kheyrka,barakadda,raxmadda,dembi dhaafka iyo Cadaab ka xoreeynta,bisha camal kheeyrka,isu gargaarida,is caawinta iyo Dan yar u taakuleeynta,bisha Raxmaanku fadliga gaarka ah siiyeey,abaal Maranteeduna Allah u gaar tahay(Alloow,Raxmaankoow naga dhig kuwii Soonkoodda,Salaadoodda iyo Camal kheeyrkoodda laga aqbalo-Aamiin). Walaalayaal waxeeynu geleeynaa hadii allah idmo caawo tobankii damee ee Ramadaanka oo ahaa tobankii cadaab ka xoreeynta Alloow naga dhig kuwii cadaabta laga xoreeyo-Aamiin, tabonkaas oo eey ku jirto habeenkii faldhiga iyo amaal marinta weyn lahaa(leylatu Qadarka)kadibna farxadii iyo Rey-raantii munaasabadda ciida qaaliga ah,xaflado,damaashaad,xirashadda Dhar qurxoon(cusub) ehel,asxaab iyo deris is booqasho,diyaarinta cuntada nooc nooc ah,madadaaladda caruurta iyo kulanka waayeelka(maasha Allah), iyo qaabab kale oo farxadeed,hadaba su'aasha ayaa ah dadka somaaliyeed ma wada awoodan ???Jawaabtuna may waana moowcuuda qormadan. Walaalayaal-qormadan ayaa ah baaq ama fariin Muslin-nimo si gaar ahna u Khuseeysa munaasabada farxada weyn ee Ciid El-Fidrigga fooda inagu soo heeysa oo maalmo kooban inaga xigaan-hadii Allah idmo,Walaalaheeyga ku sugan ama ku dhaqan qurba(Jaaliyadda)hadii eeynu ku jirno isu diyaarinta Munaasabadaas qoysaskeena iyo ehelkeenba u sameeynay ama ugu tallo galnay dhar cusub,casuumado iyo hadiyad diridba waa arrimo wanaagsan Maasha Allah,ma ognahay in eey jiraan dad tabaaleeysan oo aan awoodu u saamaxeeyn(dhaqaale ahaan) ma ognahay in eey jiraan:- -Caruur Agoon ah. -Naafo iyo Curyaamiin. -Dad Bara-kacsan iyo kuwo Dalka gudihiisa Qaxooti ku ah. -Bukaan Isbitaaladda jiif ah(dan yar ah). hadaba ma ognahay in intaas iyo kuwoba kaleba masuuliyad Diineed,Qarameed iyo mid Akhlaaqeedba inaga saaran tahay,ma ognahay in eey il naxariiseed in eey inagu soo eegaayaan. ma ognahay in eey yihiin Walaalaheen,Caruurteena oo kale iyo Waalidkeen oo kaleba, ma ognahay in eeynu wadaagno-Islaanimada, Dalka iyo dhaqanka,ma ognahay weliba qaarkood in dagaal,colaad iyo dhibaato culeeyskeeda iyo xanuunkeeda leh oo joogto ah waqtigan heeysto,ma ognahay in murugada,cabsida iyo rafaadka dadkaas heysta,ma ognahay walaalayaal inta Guri tacsi taal iyo inta guri dhaawac daawo la'aan ah dhex jiif,Alloow Dhibaatada iyo rafaadka dheeraaday naga qaad alloow noogu bedel nabadgelyo iyo hanasho Barwaaqo aad raali ka tahay. Walaalayaal-baaqeeygu waa gacan u fidiinta,u gargaaridda dadka tabaaleeysan Munaasabadda Ciida si gaar ah weliba Caruurta Agoomaha ah oo inaga mudan in eey maalintaas ama munaasabaas inala farxaan oo eey helaan dhar cusub oo ku abuuro wajigooda farxada ciideed iyo hanashada qiimaha maalintaasu leedahay iyadoo la wada ogyahay in gobol walba eey ka jiraan ama aqlabiyadooda xarumo Agoomeed,Fadlan ka farxiya agoonta,fadlan xauusta agoonta munaasabada ciida Fadlan garta masuuliyada diineed,qarameed iyo akhlaaqeed oo inaga saaran guud ahaanba Dadka Walaalaheen ah oo tabaaleeysan,Fadlan la Xiriira:- -Maamulka Xarumaha Agoomaha. -Gudiyadda Afurinta Soomanayaasha. -SWACRO ama www.4somaliwomen.com. -Gudiyada Bara-kacsanayaasha. -Xarumaha Naafadii Xooga Dalka. -Kaamamka Curyaamiinta. KALA SOCO WARAKU XIISA GELIYA KANA QEEYBQAADO UGARGAARIDA WALAALAHAAGA DHIBAATEEYSAM WWW.4SOMALIWOMEN.COM N.B-Waxaan filaayaa inaad Xafiisyadda shirkadaha Xawaaladaha Somaaliyeed ka heli karaan Koontooyin xisaabeed oo taakuleeynta u furan. -ALLAH MAHAD LEH- -Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -England-UK- 29/08/2010.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
.
|