|
Written by Administrator
|
|
Friday, 03 September 2010 01:29 |
NIN LAGU SEEXDOOW HA SEEXAN
Dal walba dhibaato colaadeed iyo qas siyaasadeed wuu ka dhacaa ama wuuba ka soo dhacay dhiig sokeeyana wuu ku soo daatay laakiin xal iyo hanaan nabadeed ayaa laga gaareey ama lagu dhameeyeey waxaana loo nisbeeyaa ama kaalinta koowaad ka ciyaaray dadka magac weyn ku leh dalkaas ama shakhsiyaadka loo yaqaan kuwa ku dayashada mudan oo noqon karaaya:-Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta caanka ah,Abwaanadda iyo guud ahaanba shakhsiyaadka damiirka wadaniyadeed leh Ummaddu xaq ayeey ku leedahay dalkooduna abaal ayuu ku leeyahay. Soomaalidaa u roonow Hadaba beryahan damme dagaalada iyo colaada somaaliya ka aloosan sii cuslaaday lana oran karaayo xaalad xasuuq iyo weeraro xad dhaaf ah ayaa ka socdo Caasimadda Muqdisho eey naftooda ku waayeen tirro ka badan 100 qof dhaawacuna dhaafay boqolaal iyadoo kooxaha iska soo hor-jeedaa adeegsanaayaan hubka culus,miinooyin iyo hubka fududba ayaa hab jaha-wareer ah loo gamaayo madaaficda iyo hoobiyaasha sida tooska ah ugu dhacaaya xaafadaha iyo suuqyada magaalada kuna dilaaya dad shacab ah oo goobahaas u soo adeeg doonta ama nolool maalmeeldooda halkaas ka xoogsada,runtii ma sawiri karaayo xaalada murugo,culeeyska heerka xanuunka iyo tacadiya joogtada ah oo lagu hayo dadweynaha ku dhaqan Caasinmadda Muqdisho waana arrin ayaan daradeeda leh iyadoo masuuliyada koowaad eey leeyihiin kooxaha dawlad diidka ah iyo ciidanka AMISON oo hub culus si xad dhaaf ah ku rida xaafadaha iyo suuqyadda. Nin lagu Seexdow ha seexan Qormadan maanta waxaan ku abaaraayaa dhaliil aan si toos ah ugu diraayo guud ahaanba Shakhsiyaadka magaca iyo maqaam qarameed leh oo ku sugan ama ku dhaqan qurbaha kana kooban qeybaha aan kor ku soo xusan oo runtii aan oran karaayo si weyn ayeey u dayaceen dalkoodii iyo dadkoodiiba,kaalintii ama doorkii ku haboonaa weey ga'been weeyna ka seexdeen gudashada xilkooda Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeedba waana arrin si weyn looga xumaado,waxaan Tusaale ahaan u soo qaadanaayaa Magacyada shakhsiyaad leh Maqaam qarameed Tusaale wanaagsana looga qaadan karaayo damiirka wadaniyadeed Tusaale:- -Oday Somaaliyeed- Aqoonyahan-C/Risaaq Xaaji Xuseen. -Odey Somaaliyeed- Enj-Cismaan Jaamac Cali. -Odey Somaaliyeed- Dr-C/Laahi Axmed Cadoow. -Odey Somaaliyeed- Halyeey-Maxamuud Muura. -Odey Somaaliyeed- Dr-Maxamud Saciid Madaxeey. -Odey Somaaliyeed- C/Qaadir Xaaji Masalle. -Odey Somaaliyeed- Proff-Axmed Ismaaciil Samater. -Odey Somaaliyeed- Proff-Maxamed Mukhtaar. -Odey Somaaliyeed- Proff-Cali Khaliif Galeyr. -Odey Somaaliyeed- Dr-C/Qaadir Aden Cadde. -Odey Somaaliyeed- Proff-Ibrahiim Meeygaar Samater. -Odey Somaaliyeed- Maxamed Cabdi Yuusuf. -Odey Somaaliyeed- Dr-Xassan Cali Mirre. -Odey Somaaliyeed- Cabdullaahi Wadani. -Odey Somaaliyeed- Ahmed Cabdi Daahir(Ahmed Shall). -Odey Somaaliyeed- Dr-Maxamed Aden Shiikh. -Odey Somaaliyeed- Col-Ahmed Xassan Muuse. -Odey Somaaliyeed- Gen-Cabdi-Wahaab. -Odey Somaaliyeed- Proff-Axmed Buutaan Dhakaar. -Odey Somaaliyeed- Sh.Cumar Faaruuq. -Odey Somaaliyeed- Sh.Maxamed Cabdi Umal. -Odey Somaaliyeed- Sh.Mustafa Xaaji Ismaaciil. -Odey Somaaliyeed- Sh.Maxamed Idris. -Odey Somaaliyeed- Dr-Sh.Axmed Al-Qudubi. -Odey Somaaliyeed- Sh.Ibraahim Muuse. -Odey Somaaliyeed- Proff-Cabdi Ismaaciil Samater. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Barre Macalin Fiidoow. -Odey Somaaliyeed. Abwaan-Proff-Saciid Saalax Axmed. -Odey Somaaliyeed- Aqoonyahan-C/Casiis Cali Ibraahin(Xildhibaan). -Odey Somaaliyeed- Gen-Cabdi Maxamed Saxardiid(Cabdi Dhiboo). -Odey Somaaliyeed- Gen-Ahmed Jaamac. -Odey Somaaliyeed- DR-C/Raxmaan Cismaan Shuuke. -Odey Somaaliyeed- Danjire-Shariif Saalax. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Axmed Naaji Sacad. -Odey Somaaliyeed- Proff-Maxamed Macoow. -Odey Somaaliyeed- Proff-Afrax. -Odey Somaaliyeed- Aqoonyahan-C/Laahi Sh.Xassan. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Bashiir Cali Xuseen. -Odey Somaaliyeed- Gen-Cali Ismaaciil. -Suugaan-yaqaan. Maxamed Cali Cibaar. -Ex-Orodyahan- Cabdi Bille Cabdi. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Maxamed Suleeyman Tubeec. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Xassan Aden Samater. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Axmed Cali Cigaal. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Dr-Ibrahiim Cajaa'ib. -Odey Somaaliyeed- Abwaan Cali Sugulle Dun-Carbeed. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Yuusuf Yarre. -Odey Somaaliyeed- Abwaan Maxamed Macoow. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Ciyaar-Jecel. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Mustafe Sh.Cilmi. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Maxamed Axmed Qoomaal. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Saalax Qaasim Naaji. -Odey Somaaliyeed- Shiine Guhaad. -Odey Somaaliyeed- Dr-Cabdi Calasoow Raage. -Odey Somaaliyeed- Axmed Nuur Jeenyo. -Odey Somaaliyeed- Muriidi Aba-Nuur -Odey Somaaliyeed- Saciid Ceyroow. -Odey Somaaliyeed- Col-Maxamed Faarax. -Odey Somaaliyeed- Farshaxan-Amiin Caamir Cabdalla. -Odey Somaaliyeed- Col-Ibraahim Cali(Shaash). -Odey Somaaliyeed- Macalin-Cabdullaahi Tukke. -Odey Somaaliyeed- Mukhtaar Cuti. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Cabdi Xassan Digge. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Shimaali Axmed Shimaali. -Odey Somaaliyeed- Abwaan-Fanaan-Cumar Cabdulle Shooli. -Marwo- Asli Xassan Cabaade. -Marwo- Aamina Muuse Weheliye. -Marwo- Fanaanad-Faaduma Cali Nakruuma. -Marwo- Fanaanad-Maryan Mursal Ciise. -Marwo- Fanaanad-Cadar Kaahin. -Marwo- Drs-Caasha Cumar Geesdiir. -Marwo- Drs-Batuulo Isaaq. -Marwo- Drs-Aamina Saciid Cali. -Marwo- Faadumo Jibriil. -Marwo- Fanaanad-Faaduma Qaasim Hiloowlle. -Marwo- Fanaanad-Saado Cali Warsame. -Marwo- Drs-Caasha Xaaji Cilmi. Fiiro Gaar Ah:-Magacyadu waa tusaale ahaan balse waxaa jira boqolaal iyo boqolaal Muwaadin somaaliyeed oo magac iyo maqaam sare leh Xurmo weyna iga mudan,Ereyga Odey ujeedadiisu ma aha mid da'deed ee waa mid Maamuus ku saleeysan. Fadlan garta masuuliyadiina oo qaata doorkiina wadaniyadeed ka gilgisha dhibaatada xanuunka weyn oo ka taagan dalkeena hooyo sida ugu haboon ku dhaqaaqa Ololle wacyi gelineed iyo howlo mideeyn dadweyne si loo helo cod mideeysan oo somaaliyeed oo culeeyskiisa leh isla markaana gudbin kara dareenka qurba jooga kuna saleeysan wadaniyad iyo dal jeceyl,caalamkana gaarsiin karaaya sawirka dhabta ah ee dhibaatada dalkeena hooyo ka taagan gacana ka geeysan kara howlaha bani'aadaminimo iyo gargaarka dadka sida weyn ugu tabaaleysan dalka gudihiisa hadii eey noqon lahaayeen:-Agoomaha, Naafadda iyo Curyaamiinta,Dadka Bara-kacsan,Bukaan Isbitaalada jiifa iyo Guud ahaanba dan yarta Somaaliyeed,waana masuuliyad diineed,qarameed iyo mid akhlaaqeedba oo guud ahaanba saaran Ummadda Somaliyeed weliba si gaar ahna masuuliyad siyaado ah looga sugaayo Shakhsiyaadka aan soo xusay iyo Boqolaalka ama Kumanyaasha dhigooda ahba. -SOOMAALIYA DALKEENII- -Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -Englnad-UK- 02/09/2010.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
.
|