|
|
|
| Written by Administrator |
| Saturday, 04 September 2010 11:36 |
|
SWACRO oo ku howlan anfurinta qoysaska dhibaateesan xilli caasimada Somaliya ay ka socdaan dagaalo kulul Sanad walbo ku aadanka bisha barakeesan ee Ramadaan ururka Somali Women And Children Rescue Orginazion (SWACRO) oo garab ka hesha Soomalida ku nool qurbaha waxay anfur siisaa ku dhawaad 100 qoysas oo ku kala sugan degmooyinka Waaberi, X/jajab iyo X/weyne. Sanadkani waxay ka nolol adag tahay sanadihii aynu ka soo gudubney, maxaa yeelay waxaa soo yaraadey suuqyadii ay ka shaqeysan jireyn haweenka dhabarka ku xoogsada, taasi waxay keentey inay ku hakadaan aqaladooda indhaha ay isaga eegaan baahida heysata.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in SWACRO xilli adag ay ka dhax shaqeyneyso dalka oo waxaa socda madhaafiic waxaa sii lexaad sadey dagaaladii Muqdisho , laakiin SWACRO waxay u noqon weysay inay shub hoostiisa ka gasho baahida dadkeena dhibaateesa, waxayna go’aansatey inay si daacad ah wax ugu qabato dadkaasi mudan in loo adeego. Waxaa sidoo kale adkaadey xaaladii amaan iyo nolol ee qoys walba oo ku nool caasimada Somaliya ee Muqdisho, haddaba soonkaani iyadoo dhaqaalaha aynu ku anfuriney dadkaani badankooda uu naga soo gaarey shaqsiyaad ku kala sugan dalalka kala ah London, Canada iyo Mareykanka ayaa hadana waxaad moodaa inay aad u yar tahay dhaqaalihii soo gaari jirey sanadihii tegay ee anfurinta .
Balse ilaah mahadiis, waxay ku dadaaleyn xubnaha SWACRO inay si caqliyeysan u wada qanciyaan dadkii mudnaa. Qoysaskii nasiibka u helay inay helaan cuno bisil oo macaan waxaa ka mid ah hooyo 70 jir ah waxay inoo sheegtey hooyadani inay sanadkii 3aad ay halkaani ka qaadato anfur, ayna aad u rajeyneyso inay sanadaha soo socdo rabi hadii uu yiraahdo loo sahlo adeegyada anfur oo sii wanaagsanaado. Sidoo kale Kaltuumo oo u warameysay Nimo Maxamed Bashiir kana socota Somali Canel TV ayaa u sheegtey in ka shaqeynta ururkaani SWACRO ay iyagu u tahay kheyr u dhashay ayna tahay ururkani urur ku ogaada guryahooda hadba heerkooda caafimaad, nolol iyo hoyba, Kaltuumo oo arimahaasi ka hadleysana waxay tiri.”ururkaani oo ay Yasmin hogaamiso anfurintaan oo keliya maahan adeegyada ay inoo qabato laakiin aabahey oo waayeel ah oo aan arag laheyn ayay dhaqaalo ugu keenaan gurigiisa ee dadkii noo soo dhiibey iyo dadka kaloo banaanka u soo saarey baahideena ilaahay ajirkiisa ha siiyo” sidoo kale Kaltuum waxay u sheegay Somali Chanel TV in cunada ay ka qaataan xafiiska SWACRO ay deeqsiiso 8 qofood oo ay iyadu ku jirto. Waxaa gabo gabo maraayo bisha Barakeesan ee Ramadaan waxaana ka socda anfurinta xafiiska SWACRO ee Muqdisho waxayna sii wadeysaa ilaa dhamaadka bisha barakeesan ee Ramadaan, Ee weli waxaa idiin furan saxibayaal kheyrka bisha barakeesan ee rabaadan e aad baxsan karto Zakaatul Fidrixa, Hadii aad dooneyso walaalayaal inaad baxsato Zakaatul FIdriga ku soo hagaaji sadaqadaada. Yasmin Mayow Maxamed This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Phone Numbar” 002526-5590407 Ama 0025699-410004 kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com Somalia ----- Mogadisho
|
| Last Updated on Saturday, 04 September 2010 12:04 |









































