fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 06 September 2010 08:03

kusoo  dhowaada  sheekadii  ayaan iyo  faysal   qayptii 12
 

faysal  waxaa  wel wel  fara  badan ku dhaliyey wakhtiga   dheer   ee  uu  sugayo   jawaabta  waraaqaha   ayaan ka  yimaada   wuxuuna   ogsoon yahay  sida  hada  aduunku u hor marey  oo  ay  suuragal  u  tahay  in siyaalo   badan     loo   wada  xidhiidhi  karo  hada  wuxuu  ku fekerey inuu   ayaan   tilifoon  u diro  si  uu  u  maqlo   codkeeda   macaanka  badan  markuu  maqlana  qalbiga  iyo  niyadu  u  happy  noqdaan  waayo   codka  ayaan  axmed  maaha  cod    sahal ku  ah  faysal xagiisa  waa  cod  markuu maqlo  naftiisa  farax  geliya   kuna   beera   niyad   wanaag  iyo  inuu   aduunka  badhkiisa   gacanta  ku hayo  xasuusnow   ayaan  maaha  gabadh     qiima  yar ku  fadhida   dhanka  faysal  dareenkiisa    ayaan  waa  ubax  soo baxay  gabdhaha  maanta  jooga  aduunka  dushiisa  ninkii  arkee    bartee  meel  kula  soo  bar baaraa   si  wacan  u   garan  kara  ma   soo  xasuusan kartaa   kaasu  waa  kee?   haka  doonin    meel  dheer  jawaabta  waa  faysal cabdi   waa  ninkey    nasiibkii  hore   nafteeda   u hibeysey  balse  2 waalid  iyo  duruufta  calafka  kala  kaxeysey  mudo  laga joogo 10  sano ka hor:

 

 faysal wuxuu  niyada    kaga  fekerey   markuu garaaco  tellka    ayaan  inuu ku  booriyo    kula  taliyo  iney  iimeyl  sameysato  hadey  horey u laheydna  iimeyl  uu ka   qaato  keeda isna kiisa  siiyo  si  xidhiidhkoodu    u sahlanaado   taako taako  loo  wada  xidhiidhi  wuu  ogsoonaa iney  balanta  aheyd  inuusan  soo wicin  si  aan  dhib  uga   iman  reerka  markuu       wax  badan   ka  fekerey   haduu  waco  maxaa  dhici  karo  haduu  shiikh cali  kaa  qabto  tellka   wuxuu  kaloo ka fekerey   wakhtiga  u dhaxeeya    2  dal  u.s.a.  iyo  ostareeliya   wuxuu  eegey  saacada  mise  waxaa  u dhaxeeya   ayaantii  hore  xiliguu  wacay  hal  saacad  keliya  saacad kadib  ayuu  direy  telkii waxaa  ka  qabtey   nin faysal    markuu  codkii maqley  uma  jawaabiin   ninkii  ayaa  marba  dhaha  hallow  hallow  faysal  wuxuu ku fekerey  inuu   ku dansho hadana    wuxuu  is  tusey  iney  arin  xun  tahay taasu  wuxuu ku yidhi  si   xushmad  leh  salaan kadib walaal  ayaan  hadey  joogto  mala  hadli  karaa? 

 

faysal   codkiisa  waa laga garan karaa  inuu  aad  u  wel welsan  yahay   shiikh  cali  ayaa  ku jawaabay  adeer  ayaan  waa maqan tahay  ee  maxaan   kaa  gaadhsiiyaa?  adeer   aad  ayaad  u mahadsan  tahay  anigaa mar kale    soo  wici doona   markiiba   intuu  isa saarey  telkii:  shiikh cali waa  yaabay  weligiis    muusan  arkin  nin  gurigiisa   tell  u soo  diroo  xaaskiisa  raadinaya  waxaa  taas  kaga sii  yaab  badnaatey  inuusan  aqoon  ninka  raadinaya   ayaan  waayo    ayaan  iyo  shiikh cali  waa  qaraabo  reerkooda   dhan waa    wada  kala  yaqaan    waxaa  kaloo  ka sii daran  inuu tellku  ku soo  aadey  xili  isaga  iyo   ayaan  khilaaf    weyni   kala   dhex  yaalo: faysal  wuxuu  ku fekerey  inuu warqad  yar u qoro   ayaan  axmed  si  u  ugu  sheego  inuu  u soo direy  tilifoon  qof  nin ahna  ka   qabtey  hadeerto wixii ka  dambeeyana     u soo  siiyo  tilifoonkiisa   faysal   ahaan   si markey   fursad  ugu soo hesho  iyadu  uga  soo  wacdo  sidoo  kale  si uu  iimeylkiisa  u soo  siiyo   iyana   weydiiyo  iney  iimeyl  leedahay iyo in kale  waxayna  u qorneyd warqadii   yareyd  ee ka  timi  faysal  sidan  hoos  ku  qoran:
 
ku:   ayaan  axmed  walaal  marka  hore waanku  salaamay salaan lagu salaamo  gabadh   la jecel  yahay  marka labaad waxaan rabaa  inaan kuu  sheego  kana  cudur daarto   inaan ka baxay balantii  aheyd  inaan  ku soo  wicin  waana ku soo  wacay   caawa  nin  ayaa   iga qabtey telka  markuu  igu  yidhi  ma  joogtana  waxaan  ku idhi  nabadeey  waxaan kuu soo wacay waxaan  rabey inaan  ku siiyo  tilifoonkeyga  iyo iimeylkeyga  waayo  dhib  ayey  igu noqotey  inaan  waraaqahaaga   maalmo  sugo  aniga  aad  baan  kuugu nabad  qabaa  adna  waxaan  kuu  rajeynayaa   in ka  badan  taas  oo  kale   wuxuuna  u qorey  telkiisii  iyo  iimeylkiisii
sidaas  iyo  wada xidhiidh wacan  ayuu  ku soo gaabshey  faysal  warqadii   
 
la  soco  waxay  kulanka   koowaad  kaga  wada  hadli doonaan  ayaan iyo  aabaheed  arinta iney ka soo guurtey   gurigii  lagu  qabay  iyo  ninkeedii   qaypta 13  wiiga  dambe  haduu  alle  idmo

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
by:casiis  c:laahi ciise
 

Last Updated on Monday, 06 September 2010 08:13
 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie