|
|
|
| Written by Administrator |
| Tuesday, 07 September 2010 13:56 |
|
Ciid Mubaarak oo maanta loogu qeybiyey dad liita xafiiska SWACRO ee Muqdisho. Dadkani ayaa isuga jira haween xanuunsan kuwa caruur ay ka xanuunsan yihiin iyo curyaamiin, Dhaqalahani ciid mubaaraka ah waxay ka timid Somalida dibadaha ku nool, waxayna ugu talagaleyn walaalahooda kale ee ku sugan dal ay dagaali la dageyn inay kaga qeyb qaataan farxada ciida.
Dadka loogu talagalay farxada ciid mubaaraka qaarkood waxay soo gaari waayeen xafiiska SWACRO oo dagaalada ka jira Muqdisho ayaa ka dhigey inay xaafadooda soo dhaafi waayaan, qaar kalana magaalada meel ka baxsan ayay nabadgelyo u raadsadeyn. Kutubeey oo cuuryaan ah kana mid aheyd qoysaskii nasiibka u helay inay helaan ciid mubaarak ayaa u hambalyeysay dadkii u soo direy iyadoo weliba si gaar ah uga codsatey walaalaha kale inay wax taraan Kutubeey oo cuuryaan ah, lugteedana ay ku weysay dhibaato ay gaarsiiyeen kooxo hubeysan.
Nuuryo Jeelow marwadii uu ka geeriyoodeyAwkuukuu ayaa iyadana ka mid aheyd dadkii helay farxada ciida, duco hambalyo iyo bogaadin ayay iyadanu u soo jeedisey walaalaha wanaaga badan ee u soo direy faxadani, Fartuun Maxamed waa gabar indhool ah in badan ayay heshay kaalmada ay soo diaan walaalaha qubaha ku sugan, Fartuun si gaar ahna waxaa soo gaara biil u goan oo ay ku saartey meel gabar Somaliyeed ayaan maanta soo gaarin xafiiska SWACRO, sababo dagaalada ka socda Muqdisho, balse wakiil ka socda ayaa u qaadey farxadeeda.
Haddaba walaalayaal xaalad xun oo adag ayay ku jiraan dadkeena ku nool Somaaliya gaar ahaan Muqdisho, waxaa dalka ku soo bartey dadka cuuryaamiinta ah, badankoodana markii aad weydiisana waxay la cuuryaameen ayaa kuu sheegaya inay nasiib u heleen dagaalada ka holcaya Somaliya, Dadkaasi waxay u baahan yihiin dad u maciina ee walaalayaal aynu wax u qabano, Hadii aad dooneyso inaad wax u qabato ku soo hagaaji kaalmadaada ciwaanada hoos ku qoran ee laga helo. Yasmin Mayow Maxamed This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Phone Numbar” 002526-5590407 Ama 0025699-410004 Somalia ----- Mogadisho
|
| Last Updated on Tuesday, 07 September 2010 23:54 |











































