Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

 E-mail

 

                                                     DHALINTII DHAKAFAAR SANEED
                                                        QEYBTII 3 AAD

                                                                                


   Dulmi markuu ereyadaa murugada badan ey afkiisa kasoo baxeen ayay dhalin yaradii mid kamida ku yiri


Salwa:-  Waa halka inalaga heystee sheedaanka inooga faa ideestey ee waalidkeenii kala didiyay, waxaana taasi ugu wacan dulqadkii iyo diintii oo liiska iloobay damiirkiina uu halkaa ku baaba ay, hasa yeeshee waxaa loo baahan yahay sidan dhabtii u ogaan leheen una dareen siin leheen waalidkeen, halka dhibkaan baaxada ween inaga soo gaaray, anigu hadaan kuu sheego taan soo maray,
  Maamadii idhashay ee murugada iga dhooreeysey anigoo sabiyoo socodkaba garaneen ayuu abaheey dhalaaqoo aqalka ka saaray ayadoo ilmeyneeysa aduunka ineey joogtiyo aaqiro jirtaaba  wax aqbaara kama haayo silac iyo saxriir taan soomaray ilaa hada murugadeeda igama marna, ee aboowe niyadaada qeer usheeg waxuu rabi inoo qadaray gafi meyno


Khadar:-  Alla cakutaal iyo ciil badanaa waa dhaawac culusoo runtii jirkaada saameen ween ku yeelanaaya, runtii waa halka ugu horeesee aan godobta laga galay hooyada somaliyeed ayadoo awood loosheegan caruurteeda ayadoo u baahan laga reebanaayo, macidaan ku dhalin ayaa kuu uur laxawsaneeso ilaahii ina uumay waxba kama qarsoona arintaa ragu waa mideey garaneen xaquuqda iyo gardarada ey ka galaayaan habeenkooda iyo caruurtooda, waana halka musiibada inooga timadoo ilaahada aanan garaneen, loona baahan yahay in lafahmoo diinta si fiican loo barto xaqa ey hooyada ku leedahay ubadkeeda iyo seygeeda, waloow dumarka qaarkood ey ayaga iska soo tuuraan caruurtooda laakin ma badna.


Qoorleexshe:-   Runtii waxaa wax lala yaabo ah oo aan mararka qaarkood is weediyaa, somalida wax ka maah maah badan ama ka oraah badan majiraan waxaan  maqli jiray Deriskaada ku dayo ama ku diin ama kadarnaaw, waatan umadii hor martoo si wacana isku daryeelayaan anagiina hataa hadaan dibadihii nimid jaahilnimo tii ugu darneed ayaa ina saaran oo weli lamaba fahmin xaqa ey isku leeyihiin labada isqaba ama lamaanaha ah, sidee dhalinyaradii jidkii toosnaa u helayaan? hadeey labadii dhashay iska daba laalaadaan eysan is fahmeen, dumarkii waxey isu arkaan ineey ayaga la aan tood aan waxba suu roobeen ey kaalintii odeyga iyo teediiba ey ayada fulin karto, markaasaa waxaad maqlee qeylo aan dhamaaneen iyo ereyo caruurtii cuqdad ku abuuraaya far far ku taag iyo ereyo xanuun badan oo weliba dhiig kar labadoodaba ku ridaaya eyey is dhaaf sanaayaan aqalkiiba waxaa waayeel u noqdey sheeydaan soow wax lala yaabo maahan goormaan tashan doonaa dhabtiina fahmi doonaa?


Xuriyo:-   Walee qoor leexshe dhabtaad ka hadashay hadaan ereyo kusii darsado anigu, waxaad ogataan dhalinyarooy caqliga iyo iimaan ku waa sheey muhiimoo ilaah nagu maneestey loona baahan yahay in had iyo goor la adeegsado ereyada afkaada kabaxaayana la miisaamo laguna xisaabtamo waxaad ku hadleeso ma yihiin waxaad aduun iyo aqiraba ku liibaaneeso mise iska hadal iyo cadkaada dhacso ayaad iskaaga hadleesaa, waxaa taa ugu dan leeyahay hadaad fiiriso waalidiintii dhamaan intooda badan waxaa ku wada dhacay dhiig kar iyo macaan iyo romatiisim waxey isku rideen cimri degdeg ayagoo dadoodii aan gaarin 40 sano ayaad arkeesaa muuqaalkoodii inuu u ekaaday 60 jir taana waxaa ugu wacan is daryeel xumada iyo kala danbeen la aanta ayadoo la adeegsanaayo waxuusan rabi raali ka eheen
War aduunyadaan kuma waareesidee maxeey lacagteediyo quruxdeeda kuu tari, waad ogtahay in allihii ku uumay hortagiyee maxaad u diyaarsatay, maad ogid goortaad dhimaniyoo malaga ku hor imaaniyee isfahmid darada iyo farfar kutaaga miyuu ku caawini ama gaashaan kuu noqon, rabiyoo xaqa ina waafaji oo nasrigaada inoo soo daji inaga saar jaahilnimada ina heysata.


Ayuub:-   Aad ayaan ugu faraxsanahay sida wacan ee aan wax isku tusineeno dhabtiina ugu hadleeno, runtii hadaan somali nahay caqli daro inama heyso cilmina inaguma yara, laakin waxaa ina heysta aanan ogeenba ilaahada waxlayiraahdo jaahilnimo, hadaad u fiirsato waa isla weenahay mararka qaarkood waxaan ka faaneenaa afrika inaan ka imaanay oo hadaan aragno qoomiyada kalee afrika kayimid  waan iskala weenahay oo waan ceyneeynaa abuuristii eebe inaan wax kasheegno ayaan mareenaa umaba jeedno midibkeena, naag cadaana ayaa ineey inala yaabtay sidaan u liideeno afrikaanta kale, nagu tiri bal idinka halkee katimideen maxaase tihiin kkkkkk taaba waa cuqubo iyo denbi rabigii ina uumay aan ka galeenoo aan is ogeen, yaa inoo baneeyey inaan abuuristiisa wax ka sheegno? kasoo tag taa anagii dhexdeena ayaa hadana isii liideeno war miyaan ogeen in ayadha quraanka inoo sheegeen in afka lagaa xiri doono alla hortiisa laga  hadal siindoono 360 xubnood ee jirkaada ka kooban yahay kuuguna marqaati furi doonaan, ragii waxey gabeen masuulkii saarnaa iyo xaqii lagu lahaa markaaseey waxwaliba ku soo biya shubteen lacageey lacag iyo hadalkeyga mooyee waxkale majiro, waxaa labaneestey beentii soow wax lala yaabo maahan, markasaa dhalinyaradii la eedeen allow alle.
 
Lasaco wiiga xiga iyo taxaneheenii ahaa


DHALINTII DHAKAFAAR SANEED
W/Q Aweys Axmed Abukar
   All_xikaaya

 

Digniin 

Dhamqaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.