Alle dartii ma ku kaafaalo qaadan kartaa Hablahan yaryar ee Agoonta ah?
Isgad gadiga samanada sida sahlan ku mara saaxada dunida ayaa ah kuwo ka taga casharo cajabtooda iyo cibarkooda leh. Sanadan cusub ee 2011 ayaa la filayaa iney noqoto mid guud ahaan caalamka u horseeda bashbash iyo barwaaqo gaar ahaan dalalka Islaamka. ![]() haddaba webka 4Somaliwomen oo ah web inta badan ka shaqeeya arimaha daryeelka bulshada qeybaheeda tabaaleysan ayaa waxaa uu xafiiskiisa Magaalada Hargeisa soo gudbinayaa waxyaabihii uugu yaabka badnaa ee ka dhacay mid kamid ah xaafada danyarta magaalada hargeisa sanadkii 2010. warbixintan ayaanu ku qaadaa dhigi doonaa laba hablood oo yaryar kuwaas oo sidaad sawirkan ku aragtaan sanadkii tagay kala tagay ehelkoodii iyo dhaayahoodii kaas oo dhamaadkiisu la safray Hooyadood iyo Aabahood. sanadii tagtay ee 2010 ayaa labadan hablood ee yaryar midiina da,deedu tahay 6 iyo 2 jir u gali doona boga murugada noloshooda waxaanu noqon doonaa mid marka la soo hadal qaadaba xasuusiya waalidkoodii wacnaa. layaab malaha geeridu waa xaq Alle ayaana qadaray iney sidani dhacdo laakiin geerida waalidka caruurtan ayaa aheyd mid aan sidaa u kala fogeyn marka adiga laftirkaagu maskaxdaada la kaashatana waad dareemi kartaa culeyska ay leedahay waalid la,aantu waliba caruur yaryar oo aan wali wajigihin waayaha nolosha. haddaba waxay aheyd subax hore oo ay saacadu ku beegneyd 6:30 subaxnimo kadib markii aan booqdey guri buul ah oo laa ii soo sheegay iney dagen yihiin labadan hablood ee yaryar ee Agoonnimada iyo Rajeynimadu hayso. iyada oo aan sawir ka haysto sida ay noloshoodu tahay ayaa waxaa ugu horeyntiiba indhaheygu ku dhaceen laba caruur ah oo aad u dayacan safracna la kacay iskuna mashquulinaaya qalab daasado ah oo ay ku ciyaarayeen si aaney u dareemin dhibta nolosha. Caruurtan oo diifta iyo daranyada ka muuqata dushooda aad ka garaneyso garab la,aanta haysata ayaa waxaan isku dayey inaan la sheekaysto nasiib wanaag yarta roon ayaa aheyd mid si fiican u taqaan afsomaliga waxaanan ugu horeyntiiba waydiiyey xaaladooda nololeed iyo cida gacanta ku haysta hadda? waxay iigu jawaabtey waxaanu dagannahay gurigan aad arkeyso xaaladayada nololeed waa hoosaysaa oo daryeel la,aan ayaa nahaysata. dhaxamo aad u daran oo ka dhacaya magaalada hargeisa ayaa jira waxaanan waydiiyey sida dhaxantaas ay u saameyso iyo waxa ay ka huwadaan? waxay iigu jawaabtey iyadoo qosleysa farxad badanina ka muuqato waxaanu ka huwanaa go. kadibna boga ayaanu iska galnaa mana dareeno. sidoo kale waxaan su.aaley yaa masuuliyadiina hadda haya? waxaa haysa islaan noo ayeeyo ah taas oo xaafadaha nooga soo dawarsata waxaanan cunnaa wixii ay noo soo hesho kolba. caruurtan ayaa ah kuwa ka soo jeeda qoomiyada oromada ee degan xaafada daami magaalada hargeisa. cabaar yar kadib anaga oo wada sheekaysaneyna yartii ayaa waxaa noo timid islaan cad ah oo daal badan iyo diif badan huwan waxaaney yartu ii sheegtey iney tahay ayeydeed bac ay ku sidey cuntooyin kala duwan ayey caruurtii uugu yeedhay. waxaan isku dayey inaan su.aalo waydiiyo islaanta laftirkeeda laakiin nasiib darro islaantu may aheyn mid afsomaliga taqaan waxaana iiga turjumay mid kamid ah danyarta kale ee oromada. waxaan waydiiyey islaanta su.aal ah sidee ayaad u aragtaa haddii caruurta aan kaala wareego oo aqalkeyga geeyo kana mid noqdaan awlaadeyda? Hooyo way fiican tahay laakiin kama maarmayo waayo hooyadood iyo aabahood ayaa dhintay oo aan ka samray iyagana kama samri karo ee waxaan jecelahay iney inaga igula noolaadaan noloshan aad arkeyso ilaa iyo inta nasri Alle ka imanaayo? waxaan su.aaley ka waran haddii qof islaam ahi kugu biiliyo caruurta ma ogolaaneysaa iney waxbarashada tagaan. haa Maashaa Allaah laakiin labada hablood ta yar ayaan ta weyn ka maarmayn oo way ooyeysaa haddii ay waydo. waxaan ku noqdey jartii wayneyd waxaanan waydiiyey maxaad dareentaa markaad dariiqyada ku aragta gabdhaha yar yar ee da,daada ah una dareeraya goobaha waxbarasho? waan murugoodaa laakiin danta ayaa ii run sheegta haddaan heli lahaana waxbaan baran lahaa waayo waxbarashada waan jeclahay. haddaba ugu danbeyntii akhriste waxaanu si sharaf iyo karaamo leh kaaga codsaneynaa inaad soo kafaalo qaadato Caruurtan yaryar ee aanu ka waraney waayahooda nololeed adigoo Alle dartii wax ku taraaya. waxaanad kala soo xidhiidhi kartaa Tell: 002522+4083333 Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
Add comment





































