Fadlan Caawi qofkaa dhiban
Alla Maalintaas xanuun badanaa, waxaa ku yimid nolosheyda xanuun joogta ah oo waxaan waayey xubintii tarankeyga ahaa,,
Maxamed Cumar Saciid waa shaqsi dhiban da’diisuna ay tahay 45 jir, wuxuu in mudo ahba ku nool yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Taleex ee Degmada Hodan, waa keligiis oo ay dani keentey inuu kelinimo ku noolaado.
Maxamed wuxuu ka soo jeedaa Gobolka Caruuzi ee Itoobiya waana nin dhalashadiisu ay tahay Oromo, haddaba Maxamed isagoo ka indha xiran qaabkuu ugu soo bandhigi lahaa walaalaha muslimiinta ah dhibka heysta, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay sheekeysteeyn Maxamed nin la yiraahdo Nuuradiin Xaaji Cumar ahna qof ay jiiraan yihiin,
Nuuradiin ayaa wuxuu galab walbo u imaan jirey Maxamed oo miis yar uu ka sameystey meel u dhow xaafada uu degan yahay, isagoo u soo sheeko doonanayo, markaana uu kula talin jirey inuu kelinimada ka baxa, xaasna uu sameysto, isagana uu diyaar la yahay wax walbo qarash ah ee looga baahdo.
Markii uu Nuuradiin dhowr jeer uu hadalkaas ku soo celceliyey, Maxamedna uu yaaban yahay garan la’yahayna qaabkii uu saaxibkii wax ugu sheegi lahaa, ayuu intuu geesinimo iska baarey cabsina ka qaba armey dad badan ku ogaadaan waxa aad tahay, ayuuna ka dib Maxamed u sheegay Nuuradiin xaalka sidii yahay,.
Maxamed ayaa yiri, “Walaalkey horta waad mahadsan tahay waxaadna tahay wiil jecel wanaageyga ilaah qeyr ha kaasiiyo laakiinse arin aan weligey cidina u sheegin oo xataa aan kaga soo dhuuntey dadkeygii sanadkii 1982-dii taasoo I keentey Somaliya ayaa I heysata, taasna kaama qarinaayo oo wado aan kaaga qariyo manta meesha ma taalo, waxayna tahay arintaasi “Anigoo ku sugan Gobolka Caruuzi kana tirsan dalka Itoobiya waxaa na soo weeraray ciidamo Itoobiyaan ah, waxaan ka mid noqdey dad maxaabiis ahaan loo qabtey, markii ay I heysteyn ku dhawaad 20 maalmood wax su’ aal ahna uusan meesha oolin ayay habeen habeenada ka mid ah xabsi aan ku jirey igala soo baxeyn, waxay ii dhaqaajiyen meel in yar ka baxsan xabsigii aan ku jirey, anigoo yaaban oo leh Tollow maxay ku yeeli doonaan, ayaan ka warhelay sedax nin oo isku key duubtey midna uu la soo baxay Tooreey uu xirnaa, waan naxay waan qeyliyey anigoo u heysto inay iga jari rabaan surka (Qoorta) ayay waxay ku dhageyn oo ay gacanta ku dhigeyn,,,, qeybtii tarankeyga ahaa, kaas oo aan ku ahaa “!!Maxamed,!! wey soo jiideyn, ka dibna waxay ka gooyen salka hoose, Alla maalintaas dhib badanaa, waxaa halkaas ku baaba’ay nolosheyda, waxaa mugdi galay ku sii noolaashaha dunida, waan ooyey oo qeyliyey, waxaan hoos u fiirshey qalabkeyga oo maqan, dhiiguna ay ka qubaneyso, waan sii eegi waayey, yaa I maqlaayo hee ileyn meesha ma joogaan dad arxan leh,
Reerkeyga waxay ii heystaan inaan geeriyoodey, oo maxaan u sheegaa hadii aan u tago inay dadka I ogaadaan mooyee, markii aan labo maalmood iyo labo habeen hadba derbi aan ku soo taagsanaayey, waxaan ka dib helay niyad ah inaanba meesha ay igula dhacdey dhibka isaga haajiro.
Waxaan soo galay magaalada Muqdisho oo ilaa iyo iminkaba aan ku noolahay, waxaa I haya xanuun niyad ah iyo mid jireyd, marka walaalkey hadii aad dooneyso inaad xaas ii guuriso xaalka intaas ayuu marayaa,
Nuuradiin ayaa inuu fajacay yirina “Weligey waan maqli jirey dad baa sidaa la yeelaa nin baa xoolihiisa la jaraa, laakiin kuma fekerin saxibkey oo aan deriska nahay oo aan aad u jeclahay inuu ka mid noqonaayo kuwaas, ee walaalow talaabo walbo ee adiga dhankaaga ah weli waan qaadayaa kamana daalaayo wax u qabashadaada. Niyadaada dhis, Illaah Talo saaro, salaada Eeebe ee na farey xooji waxaani waa aduunyo, maalin aan manta aheyn ayaad xaqaaga heleysaa, ayuu ku niyad dejiyey Nuuradiin,
Intaa ka dib Nuuradiin wuxuu la soo xiriirey xafiiska Muqdisho ee SWACRO/4somaliwomen wuxuuna u sheegay ujeedadiisa.
Ka dib markii uu u yimid xafiiska oo ay ku sugneyd Yaasmiin waxa jirana loo sheegay run ahaantii wey garan weysay hadal meesha ay ka bilowdo, waxayna tiri, ilaahow umadaada u gargaar, maalin maalinta ka sii dambeysa war niyad dhibaayo oo xanuun badan miyaan la kulmaa, waan qorey gabar kufsi loo geystey, qof dhiban iyo qof xanuunsan haddana ma midaan oo kale ayaa jirey, yaab badanaa, waan idinka diyaarinaa ee walaalayaal fadhiista, Talo waa Tii Alaah.
Ka dibna Yaasmin waxay bilowdey ka diyaarinta qoraal iyo sawir dhibane Maxamed taasoo dhalisay manta in aynu ka qeyb qaadano gacan siinta walaalkeena Muslinka ah ee Maxamed ee fadlan aynu taakuleyno walaalka dhiban ee aad aragteyn sida uu yahay xaalkiisa.
Kuna soo hagaaji deeqdaada.
Wakiilka ururka ee Somalia Yasmin Mayow
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
0025250-410004
002521-5590407
Somalia Mogadisho.