AudioAcrobat!
 
 E-mail

       Gardaran !!

Qeybtii sedaxaad

 

 

 

Waan ogahay in marmar ay si tustus ah telefoon iigu soo diri jirtay, iyada oo iska dhigeysa in ay naxariis ka tahay oo ay ogaanayso xaalkeyga caafimaad, waxayna ka mid ahaa khiyaamooyinka ay ku damqineyso boogta jacayl ee igu taala ee ay ka cabsi qabto in ay bogsato.

Dhowr jeer ayaan u sheegay in haddii jacayl lagu xumeeyay  aysan aniga iga aarsan….waan u caddeeyay in dambi qof kale ka galay aysan aniga ii qaadin, waxaan ka cabsi qabay in ereyada aan is leeyahay  wax ku soo dhaweyso ay wax iiga sii fogaadaan.

Galab aan jidka xaafadda isaga hor imaanay ayaan iri “Abaayo Xamza….abaayo Xamza maku qancaysaa dambi qof kale in aniga la iga gudo” wax kalimad ah iyadoon ii dalacin ayay iska key leexisay horeyna u sii socotay.

Waxaan gaaray inaan eersado barashadeedii hore, jacaylka maanta bannaanka ii soo tuuray muddo badan ayaan qarsanayay, markii aan adkaysan waayayna hadal la’aan ayuu bannaanka I keenay.

Uma malaynayo inuu jiro qof insaan ah oo qalbi adag, “I qabo gacanta nooh” ayaan kaligay isaga dhawaaqay, sidii ay ila joogto….waan shakiyey, waxaan u maleeyay inaan waashay, sheydaanka ayaan iska naaray, markaas ayaan tukaday labo rakaco oo salad sune ah, Ilaahayna ka baryay in qalbigu ii dego.

Waxaan la yaabanahay fikradaha caqliga ka fog  ee nafta wax jecel ku soo dhaca, mararka qaar wax aan macquul ahayn ayay ku tusineysaa… waxaan ogahay haddii la igu daro haween midda ugu quruxda badan aduunka in aanan ku bogsanayn, mana jirto sabab qalbigeyga ka saari karta Xamza, inta aan ogahay in ay adduunka ku nooshahay.

Waxaan xal moodaa wax aan dhici karin, waxaan qaadaa wadiiqooyin mugdi ah, milicda qoraxda ayaan ku luggeeyaa, dhaan-dabagaalo ayaan u arooraa… iftiin rajo oo aanan jirin ayaan higsadaa, kalgacal aan la ila wadin ayaan sacabada ku qaadaa, qalbi duugoobay ayaan naxariis ka raadiyaa, dhalanteed ayaa ii hilaacay, markaasay dhegihii waanadu diideen.

Haddaba maxaa keenay jacaylka intaa la’eg ee halista igu haya, iga raali ahaada iina ogolaada inaan dib u milicsado, xusuusta damqashada leh ee bilowga Jacaylkayga.

Xamza waxay ahayd gabar yar oo da’deedu tahay 7-sano, waxaana ka itaal roonaa wax aan macno saas ah lahayn oo 9-sano ayaan jiray, marka ay gashay qalbigeyga, mar walba waan la cayaari jiray….ag joogeeda ayaan ka heli jiray….Aabahay waxaan ku qasbay inuu ii soo bedelo Dugs Qur’aanka ay dhigato, anigoo Macalinkeyga been ka sheegay, isla markaana amaanay midka ay dhigato balse si aan ugu dhawaado Xamza.

Aabahay waa iga aqbalay, farxad fursado aan kula dheelo Xamza ayaana ii bilaabatay, dhowr jeer Macalinku wuu igu garaacay markii uu xamxamteyda hoose ka yaabay….Xamza kolay ku tahay waxaan u soo jiiday garaac iyo in la duubo.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ogaa inaan jeclahay Xamza, waxayse ila ahayd in aan u hayo jacaylka waalidkey oo kale ama midka aan u hayo walaashey iga weyn ee Maryan.

Adduunyada waxaan ugu jeclaa xilliyada roobku da’o oo aan heli jiray fursad aan kula ciyaaro Zamza, Majaraafaha xaafadda ayaan iskula qubeysan jirnay anagoo dharkeenu nagu qoyay… Caku aaway berisaamdkii, macaanaa nolosha yaraanta ee jacaylku ku jiro…. Weligey uma heysanin in waxani yahay jacaylka keena guurka ee dadka qaangaarka ahi dhex mara, ma ogeyn in uu yahay midka isku soo dhaweeya Jinziga iyo Labka, waanse yaqiinsaday.

  La soco qeybaha dambe todobaadka dambe

Yasmin Mayow Maxamed

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_agoonta_SWACRO_14.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan