|
Fadlan U Gargaara, Qof afka ka xiran oo Qalitaan u baahan
Sheikh Mohamed Yusuf waxaa dhibaato ka haysataa afka oo xiran waana 50 jir ku dhawaad waxa kaliya oo uu ku nool yahay waa caano uu cabo, sidaas ayuu ku noolaa ilaa iyo yaraantiisa. Waxaa maalin dhaweyd dhacday in uu aad u xanuunsaday oo ay noloshiisa ay khatar gashay, waa aad u qabtay Matag (ama Hunqaaco), balse nasiib daro meel uu matagii soo maro ayuu waayey, markii uu sakaraad gaaray oo uu khatar galay ayaa ilaahay u fududeeyey in matagii uu sanka ka soo baxo.
Bukaankaas waxaa uu tagay isbitaalo fara badan oo ay ka mid yihiin Kijaba iyo sentimara oo Nairobi waxay u sheegeen in aynan waxba ka qaban karin, wuxuu kale oo uu tagay Nairobi Hospital waxayna u sheegen in ku daweynayaan lacag gaaraysa 3 Million Ksh asaga oo la qalayo sedex qalitaan, Qalitaanka ugu horeeya waxaa la jebinayaa Afka asagoo laga duleelinayo dhuunta. Hadda sheikh Mohamed wuxuu muxsiniinta ka codsanayaa in dhibaatadaan mudada faraha badan uu ku soo jiray in wax lagala qabto asagoo u baahan dhaqaale fara badan si uu isugu daweeyo Nairobi ama debeda. Wabilaahi Towfiiq
|